Araweelo News Network

Ra'iisal-wasaarihii ee Israel  Mr. Ehud Olmert

Ra’iisal-wasaarihii ee Israel Mr. Ehud Olmert

TelAviv (ANN)Maxkamadda Sare ee waddanka Israaiil, ayaa xukun 18 bilood oo xadhig ah ku ridday Ra’iisal-wasaarihii ee dalkaa Mr. Ehud Olmert, kaddib markii lagu helay fadeexad la xidhiidha laaluush uu qaatay.
Mr. Ehud Olmert oo 70 jir ah ayey maxkamaddu sheegtay in xukunkiisa bilaaban doono bisha 15-ka bisha February ee sannadka 2016-ka, kadib markii ay masuulka dembiga ku heshay bishii March ee 2014-kii, kaasoo ku saabsan inuu aqbalay laaluush inuu qaato si kor loogu qaado dhismaha guryaha lagu muransan yahay ku yaal magaalada barakaysan ee Quddus.

Inkasta oo Mr. Olmert hore u diiday inuu wax khalad ah ku kacay, haddana markii xukunka Maxkamadda Sare ee Israa’iil ku dhacay Salaasadii shalay, waxa uu warbaahinta u sheegay inuu aqbalay xukunkiisa, wuxuuna xusay in arrintani maalin madow ku tahay noloshiisa.

“Xukunkani waa sidii dhagax wadnaha la iiga dhuftay oo kale.. Hore ayaan u sheegay inaanay jirin wax laaluush ah oo aan qaatay, taas ayaanan ku celinayaa maanta,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaarihii hore ee Israa’iil oo isagoo wejiga murago badan ka muuqato saxaafadda la hadlay xukunka ku dhacay kadib.

Mr. Ehud Olmert ayaa si khasab ah isaga casilay xilkii Ra’iisal-wasaarenimada Israel horraantii 2009, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay musuqmaasuq baahsan, waxana xafiiska kala wareegay Benjamin Netanyahu oo isaguna ku guul-darreystay wax-ka-qabasha muranka dhismaha guryaha laga dhisayo magaalada Quddus ee u dhexeeya maamulka Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta.

Waxa uu xilka Ra’iisal-wasaarenimada Israel qabtay bishii January ee sannadkii 2006-dii, kaddib markii uu xannuun halis ah asiibay Ariel Sharon oo xafiiska uga horreeyey.

Mr. Olmert oo noqonaya masuulkii ugu sarreeyey ee xil ka soo qabtay xukuumadda Israel oo xukun noocan ah uu ku dhaco, isla markaana waa Raysal wasaarihii u horeeyay ee Maxkmaddi u dirto xabsiga dalka Isrel, waxaana jira warar sheegaya inuu hore u diiday dalab uga yimi Falastiiniyiinta oo ahaa in ciidammada Yuhuuddu ka baxaan dhulka Daanta Galbeed, wuxuuse xusay waqtigii uu is-casilayay inuu diyaariyey heshiis dhammaystiran oo ku saabsan qaddiyadda Quddus oo maamulkiisu la geli lahaa xukuumadda Falastiin.

Madaxweynaha Falastiin Mr. Maxamuud Cabbaas ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay in dadaallo badan lagu bixiyay sidii ay heshiis ula saxeexan lahaayeen Ehud Olmert xilligii uu ahaa Ra’iisal-wsaaraha Israa’iil, balse uu xilka ka tagay iyadoon arrintaas waxba ka suurtogelin, isagoo sidoo kalena caddeeyey in aannu jirin laaluush ay masuulkan xukunku ku dhacay siiyeen waqtigaas.

Xaakinka Maxkamadda Sare ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqay shalay in Olmert lagu helay inuu laaluush ahaan ugu qaatay barnaamijka guryaha ee Quddus adduun gaadhaya $130,000 (boqol iyo soddon kun) dollar oo u dhiganta 500,000 lacagta shekel loo yaqaan ee laga isticmaalo Yuhuudda, sidaa awgeedna maxkamaddu ku xukuntay 18 bilood.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380