Araweelo News Network

muuqaalka afaafka hore eexabsiga Yuhuudada

muuqaalka afaafka hore eexabsiga Yuhuudada

Hebron(ANN/Aljazeera)- Amal al-Sada oo ah gabadh da’deedu tahay 28 sanno jir oo u dhalatay Falastiin, ayaa si murugo leh uga sheekaysay xadhig xannuun badan oo ay in ka badan hal sanno ku jirtay xabsiyada Yuhuudda.
Amal al-Sada oo xadhig ku dhaw laba sanno ku mutaysatay kadib markii lagu qabtay kaadhka telefoonnada lagu isticmaalo (Sim card) oo ay doonaysay inay u qariso walaalkeed oo ay muddo ku dhaw labaatan sanno ku booqanaysay jeel Israa’iil leedahay, kaasi oo lagu eedeeyey inuu isku dayey dilka qof ka tirsan shacabka Yuhuudda.

amalalsada
Amal oo muddo siddeed bilood oo ay ku jirtay xabsi-guri deegaan la yidhaa Kseifa kadib lagu xukumay xadhig 14 bilood ah bishii July ee sannadkii 2015 iyo ganaax lacageed oo dhan $4,000, waxaanna xukunkeedaa kadib loo kala wareejiyey xabsiyo ciqaab adag ay ku martay oo la kala yidhaa Ramle, HaSharon iyo Damon.
Haddaba, Amal oo la soo daayey toddobaadkii hore waxa waraysi uu la yeeshay telefishanka Al Jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ay kaga warrantay dhibaatooyinkii caddaadiska iyo ciqaabta ahaa ee ay soo martay iyo faa’iidooyinka shakhsiyeed ee ay ka dhaxashay jeelalka Yuhuudda.
“Gabi ahaanba waa la i go’doomiyey, maan arkayn maalin iyo habeen toona, waxay ahayd sidii in aan ku jiro xabaal. Muddo laba toddobaad ah ayaanan maydhan, waayo baadku waxa uu ku yaalay meel furan oo la i arkayo, waxay iigu yeedhi jireen uskag-wayn.
Arrinta iigu xannuunka badnayd waxay ahayd markaan waydiisto biyo oo anigoo waydiistay inay i siiyaan galinkii dambe ay keeni jireen 12 habeenimo, weliba markaa qayliyo qayliyo, waayo waxaan qabay xannuunka Macaanka oo mar walba waxaan u baahnaa biyo, laakiin marnaba iimay keeni jirin isla markaan waydiisto, kadibna waxaan biyaha ka cabi jiray biyaha ku hadha baadka maydhashada. Runtii way na bahdili jireen,” ayey tidhi Amal al-Sada.
Gabadhan oo weriyuhu waydiiyey sida loo dhaqmi jiray markii ay xabsiga ku jirtay, waxay tidhi, “Si aad iyo aad u adag ayey iila dhaqmi jireen, waxay igu hayeen bahdilaad, dhibaatayn, caddaadis iyo xaqiraad. Annigoo gacmaha ka xidhan ayaa la i gayn jiray cusbitaalka si aan u qaato daawada Macaanka 3 jeer maalintii. Askarta ilaaladu igamay dul-dhaqaaqi jirin hal daqiiqo, waxay ii gaysan jireen dhibaatayn jidheed iyo mid afeed marka la gaynayo ama la iga soo celinayo cusbitaalka, waxay igu odhan jireen hadallo xun xun oo aanaan iminka anigu qofna ku odhan karayn, xataa anigu dib uma odhan karo.”
Waxa kaloo waraysigeeda Jamhuuriya soo xigtay ku sheegtay inay dhibaatooyin kaloo badan ay kala kulmi jirtay baabuurta maxaabiista lagu qaado oo ahaa kuwo cidhiidhi ah iyo biro ay ku dhufan jireen madaxa iyo jidhka kale, maadaama xilliyada lagu sido laga xidhi jiray gacmaha iyo lugahaba. Sidoo kale, waxay tilmaantay dhibtii ka soo martay qolalka ay ku xidhnayd xabsiyada qaarkood oo iyagoo 18 dumar ah la isugu gayn jiray qol keliya oo ay ku dhibaatoodaan hurdada iyo nolosha oo dhan.
“Qoyskayga waxay u ahayd uun in lagu dili doono xabsiga dhexdiia. Waxay ii ahayd dhibaato wayn markaan tabay qoyskayga ee aan awoodi waayey in aan maqlo codkooda iyo in aan arko,” ayey tidhi, waxaanay intaa raacisay, “Dareen ahaan iyo maskax ahaan dhibaato ayaa i soo gaadhay, qof kastoo i yaqaanay wuxuu moodayaa in aanan faraxsanayn, inkastoo aan iminka qoyskaygii ila joogo, haddana waxaan dareemayaa sidii aan cidlo joogo, maskaxdaydu meel kale ayey ku maqantahay, wax badan baan iloobay. Waxaan qoyskayga waydiistay in degdeg la iigu keeno dhakhtarka xannuunada maskaxda ku dhaca.”
Haseyeeshee, Amal al-Sada waxay ka heshay xabsiga faa’iidooyin u kordhay nafteeda iyo kuwo shakhsiyadeed oo aanay markii hore haysan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Qu’raanka oo ay xafiday iyo adayga nolosha oo ay baratay.
“In badan baan wax akhriyi jiray, in badana waan tukan jiray, waxaan xafiday Qur’aan badan, bishii hore gudaheeda waxaan noqday iimaan tukiya dumarka maxaabiista ah. Waxa kaloo aan akhriyi jiray buugaagta oo saddexdii biloodba mar nagala beddeli jiray laba buug.
Sidoo kale, waxaan aad ugu sii dhawaaday Ilaahay, waxaan bartay samirka, waxa si wayn isku beddelay shakhsiyadayda oo dhan,” ayey tidhi gabadha muddada dheer ku jirtay xabsiyada Israa’iil ku dhibaatayso dadka Falastiiniyiinta ah.