Araweelo News Network

deldelaadWashington(ANN)Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC), ayaa iftiimisay in dadka is-dila amma qudha iska jara (Suicide) ay kor u kaceen dalkaas soddonkii sannadood ee u dambeeyey, iyadoo arrintaasina saamayn ku yeelatay dadka caddaanka ah.
Warbixin iyo daraasado cusub, ayaa muujiyey in sannadkii 2014 ay boqolkii kun ee qofba (100,000) ay is-dileen 13 qof oo ka mid ah, marka la barbardhigo sannadkii 1999-kii oo 100,000 qof ay qudha iska jareen 10.5 ka mid ah.
Sida warbixintu sheegtay dadka naftooda halliga ee Maraykanka ah waxay kor u kacaysay wixii ka dambeeyey sannadkii 1999kii, gaar ahaan dadka da’doodu u dhexayso 10 ilaa 74 jirka, waxaanay arrintani si ba’an u samaaysay bulshada caddaanka ee da’da dhexe ku jira.
Waxa xogtan sheegtay in 24% ay kor u kacday dadkan is-dilaa 1999kii ilaa 2014kii. Haweenka da’da dhexe ee caddaanka ah oo ugu badan dadka is-dila Maraykanka waxa da’doodu tahay inta u dhexaysa 45 ilaa 64 jir, kuwaasoo 63% haween yihiin, halka 43% yihiin ragga caddaanka ah.
Khubarada Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada, ayaa sheegay in daraasaduhu bayaamiyeen in dadka is dila u badan yihiin bulshada caddaanka ee aan dhammaysan jaamacadaha.
“Waa arrin caddaynaysa xidhiidhka ka dhexeeya saboolnimada, rajo xumida iyo caafimaadka oo keena in qofku is-dilo.” Sidaa waxa yidhi Robert Putnam oo ah cilmiga dejinta siyaasadda qaranka (Public Policy) ka dhiga Jaamacadda Harvard oo la hadlay wargeyska New York Times oo Jamhuuriya soo xigtay.
Sannadihii u dambeeyey cilmi-baadhisyo kala duwan ayaa tilmaamay in dhimashada dadka daroogooyinka iska badiya, kuwa is-dila, dhimashada ay sababaan cudurrada beeriyo waliba ku ka ku dhaca iyo sumowga khamrigu ku badanayeen dalka Maraykanka.
Daraasadda ka soo baxday xarunta CDC, ayaa sheegtay in dadka madow ee Maraykanka is-dilku aad ugu yaraaday, marka loo eego caddaanka.