Araweelo News Network

madaxweynexigeenkaseylicidegankaBerbera(ANN)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaali Ismaaciil (Saylici), ayaa ku eedeeyey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inuu taageero ku raadinayo dariiq aan habboonayn oo ah wax ka soo horjeeda danta shacabka dalka.
Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa dhawaan dhaliilo u soo jeediyey sida loo maamulay mucaawanadii gurmadka abaaraha oo ay sheegeen in la lunsaday qaybo ka mid ah raashinkii dadka jilicsan loogu talogalay.
Hasa yeeshee, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici oo guddoomiye u ah Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay eedayntaasi oo siyaasiyiinta u soo jeediyey uu ku xidhiidhiyey inay hayso aqoon-darro siyaasadeed iyo in aanay fahamsanayn mucaaradnimada toosan.
“Xagga abaarta waxaad moodaa siyaasiyiin aan is leeyahay wax badan baa ka dhiman ama siyaasadda ayey socod-barad ku yihiin waxaanay waxba ka ogayn wax ka sheegaan, waxaan maqlyey rag telefishannada ka lahaa dawladdu raashinka ay xaraysatay dadka ha siiso, waa nasiib-darro nin aan waxba war u hayn inuu wax iska yidhaahdo, in aynu raashin meel dhiganno maynu gaadhin ummaddeenna oo dhimanaysa maalin walba waxa yar ee yimaada ayaa loola cararayey kolba halkii dhibaatadu ka jirto, maantana raashin meel yaal oo dawladi ka hakranayso dadkeeda ma jiro, laakiin saaxiibadayada wax doonaya ee mucaaradka ah waxaan leeyahay mucaaradnimadu waa wax toosin ee maaha wax dumiyo iyo mid wax lagu dulmiyo oo qofka ama xukuumaddu waxaanay qabin la dulsaaro, sidaana laguma helo kursiga ee waxa lagu helaa barmaamij aad ummadda ku tidhaahdo dawladda joogta waxay qabatay wax ka wanaagsan baan qabanayaa, tusaale ahaan waxbarashada waxaas baan ka beddelayaa, beeraha, xoolaha iyo wax-soo-saarka sidaas baan u dhigayaa,” ayuu yidhi Md. Saylici oo hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay magaalada Burco, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Halkii ay nooga mahadnaqi lahaayeen guddi ahaan iyo ragga shacab iyo dawladba leh ee habeen u soo seexanayey gidaarrada dhulka dhibaatadu ka jirto ee guryahooda ka maqnaa maalmaha iyo toddobaadyada dhan ayaa halkii lagu ammaani lahaa ee lagu dhiirrigelin lahaa in lagu dhaleeceeyo oo la yidhaa raasin baad meel dhigateen waa nasiib-darro, waxaannu leenahay siyaasiyiintu ha kala gartaan waxay wax ku helayaan iyo waxay wax ku waayayaan.”
Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ku eedeeyey xisbiga WADDANI inuu u ololeeyey in aan loo gurman dadkii ku tabaaloobay xaaladda abaarta, kadib markii uu ka soo horjeestay hakintii lagu sameeyey diiwaangelinta si gurmad loo galo.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Shalay bay ahayd iyadoo ay abaar darteed la qaylyayeen Saaxil, Awdal, Balli-gubadle iyo Gabiley oo lahaa diiwaangelinta ma gali karayno oo intaaba aannu u dhabbar-adaygnay oo nidhi maadaama qorshuhu bilaabmay lama joojin karayo, laakiin markii ay dhimasho dad soo gaadhay aannu nidhi bishaa April ee roobka la filayo aynu hakinno oo dhibaatada abaarta aynu u gurmanno, waxa xisbiga WADDANI ahaa kii yidhi dadku ha iska dhintee hawsha diiwaangelinta ha la wado. Maatana inuu na yidhaahdo raashin baa la dhigtay waa nasiib-darro. Ilaahay wuu nagu asturay oo bishii waa la gurmaday oo wixii la isku keenay ee raashin ah aqal walba oo beeralay ama reer-guuraa ahaa dadkii loo gurmaday wuu gaadhay, gobolladii ugu darnaa abaartana maanta xareed roob bay ka cabbanayaan.”
Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ku ammaanay shacabka reer Somaliland sidii ay uga qaybgaleen gurmadkii abaarta, isagoo ku tilmaamay inay tahay ummad mar walba oo wax ku soo kordhaan isku tashata oo ay wadajir iyo isku duubni kaga hawlgalaan.