Araweelo News Network

qaraxBaydhabo(ANN)Ciidammada Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa fashiliyey lix nin oo isku xidhay walxaha qarxa oo la doonayey inay weerarro khasaare badan geysta ka fuliyaan gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay gelinkii hore ee shalay.
Ciidammada, ayaa isku gadaamay guryo ku yaal inta u dhexaysa waddada isku xidha magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba, gaar ahaan degaanka Raydable, halkaas oo ay ku sugnaayeen ragga miinaysan ee damacsanaa weerarrada, isla markaana diiday inay ciidanka isu dhiibaan, kadibna is-qarxiyeen.
Sidoo kale, illaa sagaal nin oo guryahaas ku sugnaa ayaa dagaal kala horyimi ciidanka maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo rasaas saacad socotay ay lix ka mid is-qarxiyeen, halka saddexda kalena nolosha lagu qabtay.
Sidoo kale, waxa ay ciidanka maamulkaasi gacanta ku dhigeen suumanka ka samaysan walxaha qarxa, qoryo iyo rasaas fara badan oo yaallay guryaha raggaasi qaraxyada ku diyaariyeen.
Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda maamulka Baydhabo Mr. Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa saxaafadda u sheegay in ay heleen macluumaadka ku saabsan raggaas, isla markaana ku guuleysteen inay fashiliyaan weerarrada kooxdaasi la damacsanaayeen magaalooyinka waaweyn ee maamulkooda.
Waxa kaloo taliye Aflow sheegay in saddexda nin ee ay gacanta ku dhigeen yihiin amiirro ka tirsan maamulka kooxda Al-shabaab, kuwaas oo uu xusay inay haatan ku xidhan xarumaha ciidankiisa ee magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyn, waxa uu bulshada degaannada maamul-goboleedka Koonfur-galbeed uga  mahadceliyey wada-shaqayn uu sheegay inay la leeyihiin laamaha ammaanka ee Gobolka Baay, isagoo ku boorriyey inay sii wadaan xidhiidhkooda arrimaha la xidhiidha la-dagaallanka kooxda Al-shabaab oo uu ku dooday inay dhibaateen dadweynaha Soomaaliya.