Araweelo News Network

Gudoomye Cirro1Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay muran gacan-ka-hadal sababay oo ka dhacay degaanka Banka Qool-caday ee koonfurta Hargeysa maalintii Sabtida iyo bilowga hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo ka bilaabmi doonta Gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiye Cirro oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu ugu baaqay shacbiga, gaar ahaan dadka degaanka Banka Qool-caday inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo xasilloonida guud.
“Waxa aan ugu baaqayaa shacbiga reer Somaliland ee degaanka ku ah Banka Qool-caday guud ahaan in la ilaaliyo xasilloonida oo laga wada shaqeeyo nabadgelyada, waxaanan u soo jeedinayaa baaq nabadeed. Waxa kaloon ugu baaqayaa xukuumadda in si nabadgelyo ku jirto oo masuuliyad ku dheehan tahay u maamusho arrinta seeraha Banka Qool-caday.”
Waxa kaloo uu ka hadlay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee la filayo inay ka bilaabanto degaannada Gobolka Maroodi-jeex, waxaannu yidhi; “Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ugu muhiimsan Jamhuuriyadda Somaliland bishan 30-keeda. Markaa waxa aan ugu baaqayaa shacbiga Gobolka Maroodi-jeex inay si wanaagsan isu diiwaangeliyaan, dhammaan muwaaddiniintuna qaataan kaadhka diwaangelinta codbixiyaha si ay u helaan xaqooda dastuuriga ah ee ah inay codeeyaan. Sida aynu ognahay in dhammaan gobollada iyo degaannada dalka ee diiwaangelinta laga soo qabtay ay si fiican uga qabsoontay.
Markaa innaga oo ka faa’iidaysanayna waayo-aragnimadaas hore, waxa aan leeyahay shacbiga Somaliland dhammaantii; ‘muwaadin, is diwaangeli si aad u hesho xaqaaqa dastuuriga ah.’ Taasi waa farriin aan gaadhsiinayo shacbiga ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.