Araweelo News Network.

Jinin(ANN)-Weerrarada Ciidamada Israel ku hayaan Daanta Galbeed gaar ahaan deegaanka Jenin ee dhulka Falastiin, ayaa galaaftay nollosha Weriye ka tirsanayd warbaahinta Al Jazeera.

 Shariin Abuu Caqiil oo ahayd gabadh weriye ah oo caan ka ahayd gobolka, isla markaana si weyn loogu bartay dhacdooyinka weerarada Israel ku qaado dhulka Falastiiniyiinta ayaa la toogtay Arbacadii maanta 11 May 2022, xilli ay kasoo warramaysay duullaan ay ciidamada Israel ku qaadeen dhulka ay xoogga ku haysto ee Falastiin.

warbaahinta Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar, ayaa sheegtay in ciidamada Israel si toos ah u toogteen Shariin Abuu Caqiil oo uga soo waramaysay halkaa, Waxaana sidoo kale la toogtay weriye kale inkasta uu dhawaac soo gaaray.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Qadar Lolwah al-Khatar ayaa sheegtay in Shariin Abuu Caqiil laga toogtay wejiga, iyadoo xilligaa xidhnayd jaakadda iyo koofiyadda  ay qaataan weriyayaasha ku sugan dhulka ay ka taagan yihiin colaaddaha.

Millateriga Israel ayaa beeniyay inay ciidamadoodu dileen weriyaha, waxayna ku macneeyeen geerideeda mid ay sabab u ahayd waxyeelo kasoo gaadhay iska hor imaad dhacay.

Waxay taa bedelkeeda intaa ku dareen inay eegayaan “suurtagalnimada ah inay toogteen dablay Falastiiniyiin ah” xilliggii uu socday weerarka.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa ku tilmaamay toogashada Shariin Abuu Caqiil “arrin naxdin leh” isla markaana ay bilaabanayaan baadhitaan wadajir ah oo ay dhacdadan kala kaashanayaan mas’uuliyiinta Falastiin.

Sida ay baahisay Al jazeera, wasiiradda arrimaha dibedda Qatar ayaa falka Israel ku tilmaamtay dilka Shariin fal argagixiso oo uu qaran maalgalinayo.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in Shariin Abuu Caqiil loo qaaday cisbitaalka xilli ay ku jirtay xaalad halis ah, balse ay markii dambe u dhimatay dhawaaca soo gaadhay.

Wareysi uu teleefishinka Al Jazeera la yeeshay qaar ka mid ah ehelka weriyaha la dilay ayaa sheegay in Shariin Abuu Caqiil walaalkeed uu ka tirsan yahay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawlgala, sidaa awgeed lagu wado in dib uu ugu laabto Falastiin si uu uga qaybgalo aaskeeda.

Shariin Abuu Caqiil oo muddo dheer wararka kasoo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa saaka sidaa ku weyday nafteeda, iyadoo ku jirtay gudbinta tooska ah ee dhacdadaa ay ciidamada Israel ku weerrarayeen shacabka Falastiiniyiinta deegaanka Jinin.

Gabadhan weriyaha ah, ayaa ahayd mid aad looga yaqaano Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyayaasha ugu saamaynta badan qaybta Carabiga ee Aljazeera, waxayna halkaas ka shaqaynaysay muddo 15 sanno ah.

Wariye Nida Ibraahim oo ka tirsan Telefishinka Al jazeera ayaa sheegtay in Shariin ay ahayd “Saxafiyad aad loo ixtiraamo” waxayna ku tilmaantay toogashada loo geystay in ay tahay mid naxdin ku ah saxafiyiinta la shaqaynaysay.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa dhacay mowjado weerraro ah oo u dhexeeyay Carabta Israel iyo shacabka Falastiin, waxaana weeraradaa ku dhintay 17 qof oo Israa’ili ah iyo 2 qof oo Falastiin ah.

.

Arrimahan ayaa yimi kaddib markii Millateriga Isarel ay weerrar ku qaadeen degmada Jenin, halkaasoo ay ka yimaadeen afar ka mid ah falastiiniyiinta weerarka ka geystay Israel.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com