Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku sababeeyay duulaanka ay ciidamadiisu ku qaadeen 24 February 2022, mid khasab ku ahaa dalkiisa oo aannay jirin dariiq kale oo ay ku badbaadayaan.

Laxidhiidha: Ruuskha Oo Ku Hanjabay inuu Daqiiqado Ku Burburinayo Maraykanka Iyo Xulufada NATO

Vladimir Putin, ayaa sabab uga dhigay duullaanka mid ka dhashay weerrarka xulufadda NATO ee Maraykanku hoggaamiyo oo sida uu sheegay dalkiisa kusoo qaaday weerar cad oo dhan walba ah.

Hadalka ayuu ka sheegay xafladdaha tan iyo 6 May sida weyn usoo jiitay indhaha caalamka ee lagu xusayay jabkii ay ciidamada Ruushku u geysteen dagaalkii labaad ee aduunka Naasigii Jarmalka ee qabsaday in baddan oo ka mid ah Yurub, isla markaana doonayay inuu gacanta ku wada dhigo dallaka Yurub, balse ciidamada Ruushku afka ciidda u dareen.

Laxidhiidha: Putin Wuxuu Dalal Baddan U Diray Farriin Nuxur Weyn Xanbaarsan

Dhoola tuska maalinta guusha ee sannadlaha ah ee magaalada Moscow, wuxuu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin is barbar dhig ku sameeyay dagaalka ay ciidamada cas xilligaa ku hayeen ciidamada Nazi-ga iyo duullaanka ay xilligan ciidamada Ruushka ka fuliyeen dalka Ukraine.

Ruushku waxa uu wajahay “khatar aan gabi ahaanba la aqbali karin,” ayuu yidhi Putin, isaga oo sheegay in tallaabada Millateri ee Ukraine ay ahayd mid hordhac ah oo lagaga hortagayo gardarrada.

“Reer Galbeedku waxa ay isku diyaarinayeen duullaan ay ku qaadaan Ruushka, NATO waxa ay xiisad ka abuuraysay xudduudaha, may doonayn in ay Ruushka maqlaan, qorshayal kale ayay wateen”, sidaa waxa yidhi, Madaxweyne Putin oo tilmaamay in ay guulaysteen oo ay ka guulaysanayaan wuxuu ku tilmaamay cadawga Ruushka.

Putin ayaa hore ugu qorsheeyay marka la gaadho 9 May in hawlgalka Ukraine ujeedooyinkii laga lahaa inta baddan la xaqiijinayo, isla markaana guusha munaasibada la xusayo lagu beegayo, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin laba dhacdo oo taariikh wadaaga.

Dhinaca kale, xuska munaasibada ayaa lagu soo bandhigay cudduda millateri ee Ruushka iyo hubka casriga ah ee uu haysto, iyadoo dhoolatusku ahaa mid si weyn loo abaabulay, kaas oo aannay ka madhnayn in farrriimo loogu diro Maraykanka iyo xulufaddiisa NATO ee taageeraya dawladda Ukraine, wallow warbaahinta reer galbeedku ku tilmaantay mid uu ku qarinayo guuldaro ay sheegeen in ay Ruushka kasoo gaadhay Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com