“Waxaan Haysanaa Gantaalo Nukliyeer Oo Garaaci kara Maraykanka” Dmitry Rogozin,

Araweelo News Network.

Moscow (ANN)-Ruushka, ayaa uga digay xulufadda NATO dagaalka Nukliyeerka, iyadoo Ruushku ku hanjabay in Maraykanka iyo xulufaddiisa hubka uu haystaa u saamaxayo in ay daqiiqado ku burburiyaan.

Hanjabaadaha ayaa imanaya iyadoo xaaladda dagaalka Ukraine iyo awood sheegashada Ruushku ee ay weheliyaan dhuulatuska iyo isbalaadhintu garab socdaan, waxayna u muuqataa in ay ku dhowaatay in lagu cabsi geliyo NATO, ereyada ‘Dagaalka nukliyeerka, “wadamada NATO ayaanu ku burburin doona nus saac gudahood’.

Laxidhiidha: Putin Wuxuu Dalal Baddan U Diray Farriin Nuxur Weyn Xanbaarsan

Ruushku wuxuu marayaa xilligii ugu kacsanaa taariikhda sababtoo ah dagaalka Ukraine oo dagaal caalami ah kusii socda.

Hadalkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Ruushka ayaa muujinaya in xiisaddan ay sii kordhin doonto, isla markanaa xaaladdu faraha ka bixi doonto maalaha soo socda.

Dmitry Rogozin, oo ah madaxa wakaaladda hawada sare ee Ruushka (The State Space Corporation) ee loo yaqaan “Roscosmos” ayaa hore u sheegay hadal si weyn dheggaha raya;caamka usoo jiitay, kaas oo uu ku sheegay in gantaallaha nukliyeerka ee awoodda u leh inay garaacaan Maraykanka haystaan, sidaa awgeed waxaa looga digay NATO ‘dagaal nukliyeer’.

“Dagaalka Nukliyeerka ah, wadamada NATO waxaan ku burburin doonaa annagu nus saac gudahood,” ayuu yidhi Rogozin, isagoo ka digay in NATO ay qaadayso dagaal ka dhan ah Ruushka, sidaana waxa sheegay Wargeyska British Mirror oo soo xiiganaya Rogozin.

 Si kastaba ha ahaatee, waa in aynaan ogolaan tan, sababtoo ah cawaaqibka weerarrada nukliyeerka ee wadajirka ah ayaa aad ugu adag adduunkeena. ayuu yidhi, Sidaa darteed, waa inaan ka adkaan doonaa cadowgan, kaas oo ka awood badan dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba, hababka caadiga ah, ayuu raaciyay.

 “Guusha noocan oo kale ah waxay suurtogal u tahay oo keliya wadajirka buuxa ee dalka oo dhan oo leh ciidamada, abaabulka dhaqaalaha dawladda,” ayuu yidhi, Rogozin, isagoo xusay in warshaddaha loo qaabeeyo inay si degdeg ah ugu addeegaan hadafyada ciidamada.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com