Madaxweyne Biixi wuxuu sharaxay Qorshaha Xukuumadda Ee Dib-u-dhiska Suuqa, Dhaqaallaha Loo Hayo Iyo Mustaqbalka

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dabkii suuqa gaancsiga ee Waaheen ee shufbeelay 1 April 2022, wax baddan Somaliland ka baratay, isagoo haraxaad dheeri ah ka bixiyay qaabka ay guddida uu magcaabay u wado hawshaa iyo qorshayaasha ilaa xilligan ay fuliyeen.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in aannay Somaliland u calaacalayn masiibadii kasoo gaadhay dabkaa oo wixii ay haysato wax ku qabsanay, isla markaana aannay qorshaha ugu jirin wax cid kale ka imanayaa, balse ay hawsheeda iska wadanay, iyadoo ku xisaabtay wixii ganacteeda ku jira.

Khubadiisa dastuuriga ah oo Madaxweyne Biixi maanta oo Isniin ah 9 May 2022, u jeediya labada golle ee wakiillada iyo guurtida oo ah Baarlamaanka ayuu si gaar ah ugu xardhay qorshaha xukuumadda ee arrinta suuqa Waaheen iyo waxa uga qorshaysan.

Wuxuuna, ka waramay dhaqaalaha ilaa xilligan lo ohayo iyo qaabka loo shaxeeyay, siagoo ku bilaabay sidan: –

Suuqa Weyn ee Waaheen.Waxa uu ka mid ahaa suuqyada ugu waaweyn, uguna dhaq-dhaqaaqa badan Gobolka Geeska Afrika. Waxa uu ahaa suuq udub dhexaad u ahaa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkeena, isla markaana waraabin jiray dalal badan oo Gobolka ah.

Waxa ku tusaya miisaanka suuqaasi ku lahaa Gobolka iyo Adduunkaba, sida adduunku uga gil-gishay dhibaatada innaga soo gaadhay dabkaa baabiiyey suuqeenaasi, walow haba yaraato manfaca innaga soo gaadhay adduunkee.

Waxa Shacabka Somaliland ka soo tacsiyeeyey dhibaatadaa Suuqa Waaheen ku dhawaad 45 Dawladdood oo adduunka oo dhan ah iyo ilaa 10 Hay’adood oo Caalami ah, waxa uu ruxay quluubta malaayin dad ah oo ku kala nool adduunka.

Dhibaato kasta oo innaga soo gaadhay dabkaa iyo xoolaheenii uu baabiiyey-ba, waxaan kaga ciil la’ahay in maanta Shacabka Somaliland gudo iyo dibad, yar iyo weyn, rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel ay ku qaabileen dhibaatadaasi qalbi isku mid ah, walaalnimo mug weyn leh iyo naf-qaybsi, aan waxba la kala lexa-jeclaynsan.

Waxa ku gubtay Suuqa Waaheen ku dhawaad 3,673 Ganacsioo kala duwan, waxaana lagu waayey dhammaan hantidii iyo dhaqaalihii hoos yaalay Meheradahaasi ganacsi.  Waxa uu maanta dabkaasi gacanta dhulka u saaray dadkeenii lahaa ganacsiyadaasi, dadkii u shaqaynayey, dadkii ka dhex macaashayey dhaq dhaqaaqaasi ganacsi ee socday iyo dhammaan dadkii qaadaa-ma-dhergaha ahaa ee ku sii daba noolaa ganacsigaas.

Waxa sharaf, karaamo iyo karti dheeraad ah oo Eebbe ku mannaystay dadkeena ah in maantaba Hareeraha Suuqii Waaheen ee gubtay ay dadkeenu dib u camireen, oo uu alaab iyo badeecad cusub la ciir-ciirayo, Dayn iyo Kaalo waxay ku keenaanba.

Dadkeenu waa dadkaa shaqada iyo xoogsiga sharafta u yaqaana, oo aan gacmaha hoorsan, oomaalintay ugu daran tahay aan dacasha laalaadin, ee luqunta kor u taaga. Waa Qab iyo Han iyo Kalsooni aynu dheernahay dadyow badan.

Maanta iyo Dabka Suuqa Waaheen keliya uma aha tusaale, sida dadkeenu u yihiin dad hal-adag (Resilient) oo isku tiirsada markay dhibaato timaado. Shalay bay ahayd markii magaalooyinka waaweyn ee dalkeena dhulka lala simay ee laga dhigay dambas iyo kayn dugaagu u hoydo. Waynu ka soo kabanay, dib baan u dhisanay dalkeena iyo magaalooyinkii la dumiyeyba, inaga oo isku duuban, Illaahay mooyee cid kalena aan gacan weyn ka helin.

[

Haddaba, ilaa hadda maxaa innoo qabsoomay?

Waxa aannu magacawnayGuddi Heer Qaran ah oo hagta hoggaaminta dib-uga-soo-kabashada Khasaaraha Dabkii Waaheen. Guddidaasina waxa ay sii dhistay Guddi-hoosaadyo ka kala socda Suuqii Waaheen, Ganacsatada, Culimada iyo Qurbaha, ilaa haddana si wacan ayay hawshoodu u socotaa.

Waxa la diyaariyey Afar Suuq oo kuMeel-gaadh ah oo kala ah: Beerta Xoriyadda, Hadh-wanaag,Laynka Booliska iyo Injida.Waxa la gaadhsiin doonaa suuqyada ku-meel gaadhka ah ilaa Toddoba suuq.

Waxa ilaa hadda la ururiyey Qaadhaan lacageed oo gaadhaya $23,000,000 (Saddex iyo Labaatan Milyan oo Doollar).

­

Waxa ilaa hadda Qaadhaan lacageed ka soo gaadhay Guddida Dalalka Jamhuuriyadda Djibouti, Taiwan, Somalia iyo Baanka Adduunka, lacagtaas oo ka mid ah lacagta aan kor ku xusay.

Shaxda 1aad: Dakhliga iyo Kharashka ilaa hadda la helay ama la galay

Dhakhli$23,000,000Tiradda Dadka wax la siiyey
Kharash$73 – 5,000Waxa la siiyey 100% hantidoodii988 qof
<$100Waxa la gaadhsiiyey qofkiiba $500
$5,001 – 40,000Waxa la siiyey 25% hantidii ka baxday.1,016 qof
$40,001 -100,000Waxa la siiyey 15% hantidii ka baxday
$100,001 – 480,000Waxa la siiyey 10% hantidii ka baxday
Wadarta Dadka cawil-celin lacageed loo sameeyey ilaa hadda:2,004 Ganacsade  
Wadarta Lacagta la bixiyey ilaa hadda$8,638,418

Waxa Gobonnimada iyo dun-wanaagga dadkeena ka mid ah Ganacsadaha inta uu Guddida u yimi yidhi,”Hantida aan lahaa ee iga Gubatay waa hanti u dhiganta $73 oo keliya, hal Doollarna ha iigu darina haddii wax la ii helayo, haddii kale Illaahii awalba i siiyey waa nool yahay”. Waa baarka iyo halka ugu sarraysa xalaal-miiradnimada dadkeena.

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kaashanaysa Guddida Heer Qaran ee Dib-u-soo-kabashada Suuqa Waaheen, waxa ay nadiifiyeen Suuqii gubtay, waxaanay ka qaadeen 1,879 Lawdhoo qashin iyo iskaraab ah.

Hawsha ugu badan ee Qaran ahaan innoo hadhay waa dib u dhiska Suuqa Waaheen, iyada oo la raacayo hab-raacyo caalami ah oo sugaya bad-qabka hantida iyo nafaha shacabkeena. Insha Alla, waxa aan rajaynayaa in innaga oo gacmaha is haysana aan dib u dhisano Suuqii Waaheen ee innaga gubtay mid ka qurux badan, ka bad-qab badan, kana rajo wacan. Suuqaasi oo noqon doona suuq ku dhismay Quluub iyo Shacab wada-jira, astaanna u ah midnimo, walaalnimo iyo hal-adayg ummadeed.

Waxaan halka uga soo jeedinayaa ammaan iyo bogaadin ballaadhan dhammaan dadkii waxyeeladdu ka soo gaadhay dabkii Suuqa Waaheen, waxaanan uga mahad-celinayaa sida wanaagsan ee ay u samir-qaateen iyo iimaankooda adag iyo waliba sida xil-kasnimada leh ee ay ula shaqeeyeen Guddiyadii hawshaaloo xil-saaray.

Waxa kale oo aan u mahad-celinayaa cid kasta oo dhibaatadaasi soo gaadhay ummaddeena ka damqatay, garab na siisay oo noo soo gurmatay. Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa dalalka aynu jaarka nahay sida, Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo shacabkooda oo gurmadkii ugu horeeyey na soo gaadhsiiyey isla habeenkiiba iyo Dawladda Dhexe ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaan u mahad-celinayaa Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti, oo aan maalin qudha naga qoob-qaadin. Waxa kale oo Djibouti soo gaadhsiisay Guddida Gurmadka iyo Dib-u-soo-kabashada Suuqa Waaheen lacag ka badan 1.5 Milyan Doollar, ilaa haddana wali way wadaan kaalmo ururintii dadkeena. Waxa kale oo aan u mahad-celinayaa Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda iyo guud ahaan shacabka kale ee Soomaalida ah oo meel ay joogaanba ka gil-gishay dhibaatada soo gaadhay dadkeena. Waxa aan sidoo kale u mahad-celinayaa Baanka Adduunka oo gaystay gurmadkii ugu horeeyey ee Hay’adi bixiso.

Waxaan leeyahay waanu idiin ogsoonnahay abaalkaa weyn ee yimid xilligii loo baahnaa.

Maxaynu ka baranay Dhibaatadii Suuqa Waaheen?

Waxa aynu ka baranay in aan wax dhisan karno, waxna qabsan karno, dhib kasta oo inna soo gaadha.

Waxaaynu ka baranay in la xoojiyo, gacanna lagu siiyo shaqadooda Ciidanka Dab-demiska oo muujiyey karti iyo awood ay ku dheehan tahay waddaniyad.

Waxa aynu ka baranay in la furo jidadka iyo waddooyinka dhex-mara suuqyada, si gurmadku u gaadhi karo bar-tilmaameedkiisa.

Waxa aynu ka baranay in guryaha ganacsi ee la dhisayo loo sameeyo nidaamka bad-qabka guryaha. Waxaanan farayaa Dawlaha Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta in ay diyaariyaan hab-raacyada iyo hagayaasha bad-qabka dhismayaasha dadweynaha., ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo ka hadalayayqorshaha mustaqbalka suuqa Waaheen ee xukuumadda Somaliland iyo suuqyada kale ee dalka.