Diyaaraddaha Ruushka Oo Moscow Ku Hadheeyay Midbada Calanka

Dabaaldega Jabkii Naasiga oo Ruushku Kusoo Bandhigay Quwad Millateri oo Yaable

Araweelo News Network.

Moscow (ANN)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxda dalalkii hore uga tirsnaa Midawgii Soofiyeedka, iyadoo Moscow siw eyn ugu jirto dabaaldegyo waaweyn oo wata dhlaatus Millateri iyo cuddud.

Alt: Araweelo News Network.

Farriinta  Madaxweye Putin ayaa xanbaarsan weedho culus oo qayb ka ah dagaalka xilligan ka socda Ukraine iyo xuska sannad-guuardii 77-aad  ee kasoo wareegtay markii afka ciida loodda loo daray Naazigii Jarmalka dagaalkii labaad ee Aduunka oo sannad walba la xuso dalka Ruushka maalinta guusha ee 9-ka May.

“Hawsheenna guud ee maanta waa inaan ka hortagno soo nooleynta Naaziga, taas oo xanuun badan u geysatay dadyowga dalal kala duwan iyo shucuubta caalamka” ayuu Putin ku yidhi, farriintiisa.

Laxidhiidha: Maalinta Vladimir Putin U Asteeyay Guusha Dagaalka Ukraine

 Madaxweyne Vladimir Putin ayaa farriintiisa 9-ka May ee aadka loo wada sugayo la sii daayay. Sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay bogga Kremlin-ka, dhambaalka uu Putin qalinka ku duugay ee sannad-guurada 77-aad ee guushii Midowgii Soofiyeeti waxaa loo diray hoggaamiyayaashii dalalkii hore uga tirsanaa Soofiyeedka.

Madaxweyne Putin ayaa ku nuux-nuux saday inaan la aqbali karin in kuwa raacsan fikirka kuwii lagaga adkaaday dagaalkaas ay ka aargoostaan.

 Farriinta Putin ayaa sidoo kale lagu beegay, iyadoo sid weyn loogu dabaaldegayo maalinta guusha ay gaareen shucuubta Ukraine iyo Georgia, oo labaduba ka tirsanaan jiray Jamhuuriyadihii Soofiyeedka, wallow uu dagaalku weli ka socdo dalka Ukraine.

 Diyaar garowga ayaa si xowli ah uga socda dalka Ruushka oo dhan, kaas oo ah mid aad uga duwan oo uga xamaasad baddan marka loo eego sannadiihii hore xuskan oo kale, madaamada uu xilligan Ruushku dagaal ballaadhan kula jiro Isbahaysiga NATO oo si weyn ula safan Ukraine, balse waxa Moscow ay isu diyaarinaysaa in si weyn loogu dabaaldego guushii laga gaadhay Naasigii Jarmalka.

Sabtidii shalay waxaa magaalada Moscow ayaa lagu qabtay dhoolatuska millateri ee dharka ciidamada. Kumanaan kun oo askar ah iyo hub culus sida gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba ayaa sida mawjadaha hirarka u marayay fagaaraha weyn ee Moscow, iyadoo diyaaraddaha milliterigu ay duuliyeen duullimaadyo layaab ah oo ay muujinayaan qiiq ay ku buufiyaan hawadda midabada calanka Ruushka oo ay ku hadheeyeen Moscow.

Madaxweyne Putin ayaa hore u sheegay in maalinta xuskan ee 9 May lagu beegayo guullaha uu ka gaadhay dagaalka Ukraine, isla markaana lagu soo afjarayo ka hor maalintaa hadafyada ugu waaweyn ee dagaalka Ukraine.

Toddoobaayo ka hor wuxuu Madaxweyne Putin, si cad u sheegay in hawlgalka Ukraine laga gaadhi doono waxa uu ugu yeedhay ujeeddooyinka laga leeyahay oo si sharaf leh loo gaadhayo.

“Maanta Saraakiishayadu waxa ay ka qayb-qaadanayaan hawl-gal ciidan oo gaar ah oo ka socda magaalada Donbas ee dalka Ukrain, waxa ay kaalmeeyaan jamhuuriyadda Donbas, waxa ay u dhaqmaan si geesinimo leh, karti, hufnaan iyo hufnaan leh, waxa ay adeegsadaan doonnaan hubka noocyadiisa kala duwan ee ugu casrisan. oo leh astaamo gaar ah oo aan la mid ahayn kii hore.” Ayuu yidhi Madaxweyne Putin horaantii 13, April. 2022, isagoo booqday xilligaa  saaxiibkii Madaxweynaha Belarusia Aleksander Lukashenko.

Dagaalka Ukrain ee ku billowday  24 February 2022, duulaanka Ruushka, ayaa waxaa Moscow ka soo baxay bayaan muujinaya xiisadda oo gaartay meeshii ugu sarreysay.

Madaxweyne Putin, ayaa hortaantii April u magcaabay General Alexander Dvorknikov inuu noqdo hoggaaminaya duulaanka uu Ruushku ku doonayay inuu kusoo afjaro dagaalka Ukraine, iyadoo dalalka reer galbeedka aad uga qayliyeen magcabistiisa, maadaama uu yahay General Alexander Dvorknikov nin dalalka xulufada Maraykanka ay hore dagaalo ugu kulmeen sannado ka hor Syria iyo meelo kale oo ugu awood sheegtay.

Inasta oo General Alexander Dvorknikov la yimi qorshayaal cusub, isla markaana u muuqdo imuu si weyn wax ugu beddelay duulaanka ku waajahan Ukraine, iyadoo Ruushku xilligan maamulo Koonfurta iyo Bariga, isla markaana  dhanka Waqooyiga ay ka socdaan dagaalo, balse Moswow waxay u ragtaa in ay guul ka gaadhay dagaaalka ugu yaraan ujeedooyinkii ugu waaweynaa ee laga lahaa iyo hadafkii guud la rumeeyay.

Dalalka  reer galbeedku waxay kor u qaadayaan taageeradooda Millateri ee Ukraine, iyagoo siinaya balaayiin Yuuro oo ah madaafiic, taangiyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, laakiin waxa lagu dhaliilay sida aannu hubkaasi waxba uga beddelin xaaladda  iyo in ay iloobeen gargaarkii bini’aadanimo ee dhibaatooyinka qalafsan ee ka dhashay dagaalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com