Maxaa Laga Fillan Karaa Khudbada Madaxweynaha?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la fillayaa inuu maalinta Isniinta 9 May 2022, labada golle khudbad u jeediyo.

Khudbada Madaxweynaha ayaa ah mid dastuuri ah oo sannad walba Madaxweynuhu ka jeediyo fadhi aan caadi ahayn oo Madaxweynuhu kaga dalbado in ay isugu yimaadaan labada golle ee Guurtida iyo wakiillada oo noqonya Baarlamaanka.

Lama ogga waxyaabaha Madaxweyne Biixi kaga hadlayo khudbadiisa dastuuriga ah oo ah mid sannad walaba Madaxweynuhu kaga hadlo xaaladda dalka siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, isla markaana ku muujiyo waxa u qabsoomay xukuumaddiisa iyo waxa u qorshaysan, balse khudbada Madaxweynaha ayaa u muuqata in ay dib uga dhacday xilligeedii sababo aan la ogayn.

Khudbada xilligan oo noqonay Madaxweyne tii ugu danbaysay mudda xileedkiisa dastiiriga ah, ayaa kusoo beegantay xilli kala guur oo muddada xilka Madaxweynaha ay ka hadhay dhawr bilood, wallow aannu muuqan geedi u raran Somaliland xilligan oo ay jiraan duruurfo dhaqaale xumo dalku la daalaadhacayo, shaqa la’aan sixir-barar maceeshadu cirka isku shareertay iyo xaalad cakiran oo siyaasadeed.

Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa isku khilaafsan jihada siyaasadeed ee ay Somaliland uga dhaqaaqay qarka ay saarantahay, iyadoo xisbiyadu walaac ka muujinayaan in Somaliland kusii socoto nidaamka geedi socodka dimuqraadiyada iyo in ay jiha kale u dhaqaaqay.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad isku khilaafsanaayeen ayaa ah doorashada madaxtooyadda in lagu qabto xilligeeda 13 November 2022, kaddibna la furo Ururada siyaasada, balse xukuumadda ayaa ku adkaysanay in marka hore la Ururada siyaasada la qabto, isla markaana ay shaacisay mar hore in ay faran yihiin oo Madaxweyne Biixi magcaabay guddida diiwaangelinta ururada siyaasada iyo axsaabta dhawr bilood ka hor.

Hase yeeshee mucaaradku waxay arrimahaa ku tilmaameen mid xukuumadda Madaxweyne Biixi ku doonay mararsiinayo ay qiil ugu raadinay mudda-korodhsi iyo cimiri dherer oo aannay marnaba aqbalayn in doorashada Madaxtooyadda la dhaafiyo xilligeeda 13 November 2022.

Arrimaha khilaafka siyaasadeed ee mugdiga gelinayay in doorashada Maadaxtooyadda Somaliland qabsoonto November 13-keeda, waxa ragaadka kusii fogeeyay kilaaf si lama filaan ah maalmo ka hor uga soo baxay Guddida doorashooyinka, kaas oo u muuqda mid siyaasadaysan oo meesha ka saaraya rajadii lidatay ee doorashada madaxtooyadda.

Dhammaan arrimahaa iyo masiibadii weynayd ee dabkii 1April 2022,  ee Suuqa Waaheen uu sababay oo xukuumadda Madaxweyne Biixi guddi u saartay, isla markaana Somaliland dunidu uga soo jawaabtay baaqa gurmadka waxyeelada dabkaa oo dhaqaale baddan oo maalyiin ah loohu yaboohay, wallow ay jiraan dad baddan oo aan ku caloolsamayn oo dhaliilo dusha u saaraya qaabka guddidu hawshaa u wado, balse arrintan ayaa ka mid noqonay qodobada ugu waaweyn ee khudbada Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu kaga hadlo arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya, xaaladda gobolka iyo waxa laga yeelayo mustaqbalka Somaliland iyo xuska 18 May oo xukuumaddu sannad-guurada 31-aad doonay nin in la weyneeyo, maadama Afartii sannadood ee Madaxweyne Biixi xilka hayay dad baddani iska iloobeen xuska maalintaa oo la weynayn jiray, isla markaana soddon-guuradii ugu danbaysay yuhuunta shacbigu ku hunguwday in la weyneeyo iska daaye gebi ahaanba la xuso maalintaa.

Inakasta oo mucaaradku si weyn ugu dhaaliilaan xukuumadda Madaxweyne Biixi curdan-dhadhinta nidaamka dimuqraadiyada iyo xoriyatuqawlka, isla matkaana ku tilmaamaan mid aan fumin balanqaadkeedii ay bulshada la gashay oo ay xilligan mudanayaasha gollaha wakiillada ee u baddan labada xisbi mucaarad danaynayeen in ay su’aalo ka weydiiyaan waxyaabo baddan oola halmaala arrimaaha, laakiin taas waxa muuqata in aannay dhacayn, iyadoo guddoomiyaha guurtida oo fadhiga labada golle guddoominaya Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) laga soo weriyay in aann su’aalo la weydiinayay Madaxweynaha, wallow aannay jirin sabab ka manacaysa in muddanayaasha labada golle Maadaxweynaha weydiiyan su’aalo la xidhiidha khudbadisia iyo kuwo ay tebayaan shacbiga Somaliland ee ay wakiilka ka yihiin.

Balse waxa hubaal ah in Madaxweyne Biixi khudbadiisa kaga hadli doono guulo ay gaadhay xukuumaddiisa intii uu xilka hayay iyo muddada kooban waxa u qorshaysan, iyadoo qodobada ugu waaweyn khudbada ay noqnayaan furista Ururad oo durba siyaasiyiin hore xilal usoo qabtay ugu dhawaaqeen Ururo cusub, Guddida uu magacabay Madaxweynuhu, khilaafka Guddida ddoorashooyinka oo la filayo in aannay ka madhnayn khudbadiisu.

Si kastaba ha ahaatee marka laga yimaado dhibaatooyinka dhaqaale, duruufaha sicirbararka, jaah-wareerka siyaasada iyo dhammaan   arrimahaas oo in Madaxweyne Biixi wax ka yidhahdo laga sugayo jihada uu qaranka u hoggaaminayo xilligan adag ee kala guurka, waxayna khudbada Madaxweyne Biixi noqon doontaa mid xaaladda jawiga siyaasadda ee cakiran dejisa, ama sii xoojisa oo dab kusii qabata.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com