Waa Kuma Ninka Generalka Hoggaaminaya Duullanka Ukraine Ee Wax Ka Beddelay Dagaalka?

Maxay Uga Dalalka Reer Galbeedku uga qayliyeen Magcaabistiisa?

Araweelo News Network.

Moscow (ANN)- Abaabulka Dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine ee ku waajahan dhanka Waqooyiga dalka Ukraine, ayaa lagu macneeyay mid khatartiisa leh.

Alt: Araweelo News Network
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo sawir la galay Alexander Dvornikov ka dib markii lagu guddoonsiiyay magaca Halyeyga Xidhiidhka Ruushka ee Moscow, Russia March 17, 2016 [Alexey Nikolsky/Sputnik/Kremlin via Reuters)

Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa wacad ku maray inuu si dhaqasa ah usoo afjarayo oo soo gebagebaynayo dagaalka oo socday dhawr iyo konton maalmood, tan iyo 24 Febearwy 2022, wuxuuna dhegaha ka furatysatay dhawaaqyada kaga imanaya meelo baddan oo dunida ah iyo dhanbaalada diblamaasiyiinta isaga dab qaadayay Moscow iyo magaalooyinka kale ee dalalka ku bahoobay Midawga Yurub iyo xataa xulufada NATO, kuwaas oo Putin u arkayay in ay sabab u yihiin duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

  Ciidamadda Ukraine ayaa si aan la filayn isaga caabiyay duullaanka Ruushka toddobaadyadii u horeeyay, balse tan iyo markii uu Madaxweyne Putin dib ugala baxay ciidamadda magaalooyin baddan oo Ukraine ah dhawr toddobaad ka hor wuxuu qorshihiisa dib u habaynta duullaanka, isagoo sameeyay istiraatiijiyad cusub oo millateri, isla markaana u magcaabay General Alexander Dvorknikov inuu noqdo hoggaaminaya duullaanka uu Ruushku ku doonayo inuu kusoo afjaro Ukraine.

General Alexander Dvorknikov, ayaa lagu tilmaamaa kuwa ugu khatarsan Millateriga Ruushka, waxaana lagu xusuustaa inuu yahay General Dvorknikov ninkii hoggaaminayay hawlgalkii sannadaha socday ee dagaalka Syria ee cagta mariyay kooxihii ay taageerayeen Maraykanka iyo xulufadiisu ee doonayay in ay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Bashar Al- Assad.

Laxidhiidha: Dhacdooyinka Salka U Ah Dagaalka Ukraine ee sababay xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

General Dvorknikov, ayaa lagu tilmaamaa inuu khabiir ku yahay dagaalada noocan ah, waana ninkii Maraykanka iyo xuluafiisa ku qaawiyay dagaalka Syria iyo kooxihii jabhadaha ahaa ee ka dagaalamayay, sidoo kale, waxa lagu xusuustaa dagaaladii ugu qadhaadhaa ee xuddunta u noqday Magaalada Aleppo ee Syria iyo guuldaradii sababtay in Maraykanku ugu danbayntii kala baxo ciidamaddiisa gebi ahaanba dalka Syria, wallow ay warbaahinta reer galbeedku u bixisay Hiliblihii Alleppo, balse dalka Ruusku wuxuu ka yahay geesi sooma jeeste ah, isagoo ku mutaystay guulaha daagaalada uu hoggaaminayay , gaar ahaan dagaalkii Syria in Madaxweyne Valadamir Putin ku sharfay billad geesiga Ruushka 2016.

General, Dvorknikov, ayaa sidoo kale kasoo qayb qaatay, ama hoggaaminayay dagaaladii Grozny, caasimadda gobolka Koonfurta Ruushka ee Chechnya, dabayaaqadii 1999 iyo horraantii 2000.

 Magcaabista General Dvorknikov, ayaa durba muujisay guullo uu ka gaadhay Ruushku dagaalka, wuxuuna toddobaadkan gacanta ku dhigay magaaladda istiraatiijiga ah ee dekedda ah, Mariupol oo ahmiyad weyn u leh dagaalka, si uu isugu xidho Mariupol oo noqonay Briijka ama, marinka dhulka isku xidhaya Crimea iyo Donbas, Juquraafi ahaan, iyadoo ciidamada Ruushka ee ka soo baxay jasiirada Crimea, doonayaan in ay dhanka Waqooyi bari  isu riixaan, isla markaana isku dayaan inay la xidhiidhaan saaxiibadooda iyo xulafadooda gooni-goosadka Ukraine ee gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Laxidhiidha: Magaaladii Wadnaha Ukriane Oo Gacanta U Gashay Ruushka#1Araweelo News Network

Inkasta oo Ruushku u rako guul qabsashada Mariupol oo noqotay  Aleppo, ayaa ahmiyad weyn u leh dagaalka, balse waxa jira khasaare laxaad leh kasoo gaadhay dagaalka uu kula jiro Ukraine, wuxuuna ku waayay Jeneraaladiisa qaarkood, kuwaas oo uu ugu dambeeyay General Vladimir Frolov, iyo sidoo kale Markabkii Dagaalka ee noqday  calanka Badda Madow ee Moskva oo Moscow sheegtay inuu dab qabsaday, wallow ay Urkraine sheegatay in ay la beegsadeen gantaal.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in ciidamaddooda ay hadda xoogga saari doonaan xorraynta gebi ahaanba deegaamada Donbas oo la isku yidhraahdo gobollada dhanka Barriga Ukraine ee Luhansk iyo Donetsk, iyadoo Madaxweyne Putin duulaanka uu qorshaynayo ku tilmaamay in aannu ahayn hawlgal, sdiii hore ah, balse uu yahay dagaal meesha lagaga saarayo Ukraine.

Madaxweyne Valadamir Putin, ayaa duulaanka u asteeyay in lasoo gebagebeeyo horaanta bisha May, isla markaana waxa u qorshaysan in lagu beego Maalinta Guusha Ruushka ee 9-ka May, taas oo uu doonayo in ay calaamad u noqoto waqtiga ugu muhiimsan ee duulaankooda Ukraine

9-ka May waa maalinta guusha, waxayna ku astaysan tahay markii Ciidamadda Ruushku ay jebiyeen duulaankii ay Nazi-ga Jarmalku 1945, ku doonayeen in ay Yurub ku wada qabsadaan, iyagoo qaar baddan dalalka Yurubta gacanta ku dhigay.

Maalintaa oo ku beegan dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, ayaa si weyn looga xusaa dalka Ruushka, sidoo kale markii la aasaasay Ururka (Warsaw Treaty Organisation) oo sidoo kale loo yaqaano Warsaw Pact, kaas oo ahaa isbahaysi siyaasadeed iyo mid millateri oo la aasaasay May 14, 1955, kaas oo u dhexeeya Midowga Soofiyeeti iyo dalal badan oo Yurubta Bari ah oo Ruushku hoggaaminayay, isla markaana dhigeedu ahaa xulufada NATO ee Marayanku hoggaamiyo, taas oo ah maalin kale oo maalmaha tariikhiga ee weyn Ruushka ah, sidaa awgeed Madaxweyne Putin waxa u qorshaysan in lasoo afjaro duulaanka ka hor maalinta 9 May si munaasibada dabaaldega iyo xuska ku weyn Moscow loogu muujiyo guusha.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com