Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Dooddo qabsaday warbaahinta aduunka ayaa ka dhashay khasaaraha soo gaadhay Markabka caanka ah ee Moskva oo ku hubaysan gantaalaha ee ay leeyihiin Ciidamada Ruushka ee Badda.

Alt: Araweelo News

Markabka door weyn ku lahaa dagaalka Ukraine, ayaa la arkay dab ka kacay, isagoo ku sugan Biyaha Badda Madaw, wuxuuna ka mid ahaa Markabka saddexaad ee ugu weyn Maraakiibta Dagaalka Ruushka.

Moskva ka hor duulaanka Ukraine, wuxuu door weyn kasoo qaatay dagaalka Suuriya, isagoo caan ka ahaa Badda Madaw, isla markaana loo aqoonsanaa hoggaamiye dagaal.

Xilligan wuxuu safka hore kaga jiray duullaanka Ukraine, waxaana la rumasyan yahay in uu doorka ugu weyn ku lahaa gantaalaha burburiyay magaalooyin baddan oo dalka Ukraine ah.

Sababta dhabta ah ee dhalisay dabka lama shaacin, balse Wasaaradda Gaashandhiga ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in markabka Moskva khasaare soo gaadhay, iyada oo shaqaalihii saarnaana lagu qasbay in ay iskaga baxaan.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in rasaastii saarnayd Moskva ay ku qaraxday dab aan la ogayn sababta ka dambaysay, balse markabkan oo dhirirkiisu ahaa 186 mitir (610 cagood) , isla markaana ay ku rakibnaayeen ilaa 15,000 oo qoryo ah, ayaan si dhab ah loo ogayn mushkiladiisa.

Hase yeeshee goor danbe, ayay mar kale sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushku inuu quusay Markabku oo lagu daray Maraakiibta Badda hoosteeda ee Gujiska, sidaa awgeed uu ku jiro hawlgal Badda hoosteeda ah, bale waxa arrintaa si weyn uga falceliyay Khuburada Millateriga ee Maraykanka oo ku tilmaamay dhacdo layaab ah.

Ukraine ayaa sheegtay in ay ku garaacday markabka gantaalkeeda Neptune, balse khuburada aqoonta u leh markabkaa iyo sida loo gaadhaamay, ayaa ku doodaya in aannay macquul ahayn oo uu awood u leeyahay inuu iska difaaco weerrar kasta oo gantaalaha nooca loo yaqaan Neptune iyo kuwa kale ee lagu weerari karo.

Markabka dagaalka oo ay saaran yihiin 510-shaqaale ah ayaa hogaaminayay weerarka ciidamada badda ee Ruushka ay ku qaadeen dalka Ukrain, taasoo ka dhigtay bartilmaameed muhiim ah oo astaan iyo Millateri ah.

Moskva ayaa hore caan u noqday, isagoo markii ay ciidamada xudduudaha Ukraine ee difaacaya Jasiiradda Snake ee Badda Madow u diray farriin ahayd inay isa soo dhiibaan, balse may aqbalin taas, waxayna baahiyeen farriin diidmo ah, laakiin ugu danbayntii waa la qabtay ciidanka Ukraine, waxaase lagu sii daayay wadahadal March dhacay oo laysku weydaarsaday maxaabiis dagaal.

Moskva, ayaa lagu sameeyay dalka Ukraine xilligii midawga Soofiyeeti, wuxuuna ahaa markab si halis ah u gaashaaman oo loo dhammaystiray difaaca iyo weerrarka dagaalka, isagoo caan ka ahaa Biyaha Badda Madaw.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com