Ruushka Oo Balanqaaday In Ay Kordhinayaan Garaacista Caasimadda Ukraine Ee Kyiv

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)- Magaalada Caasimadda sida weyn loogu burburiyay duqaymaha ee Kyiv, ayaa mar kale waajahday duqaymo kaga imanaya dhinaca Ruushka dagaalka galay kontonka maalmood, iyadoo wax ka yar 24 saacadood uu ka maqanyahay Biyaha Badda Madaw Markabka sida weyn u hubaysnaa Ruushka.

Alt: Araweelo News
Moskva ka hor duulaanka Ukraine, wuxuu door weyn kasoo qaatay dagaalka Suuriya, isagoo caan ka ahaa Badda Madaw, isla markaana loo aqoonsanaa hoggaamiye dagaal, Image Araweelo News Network.

Moskva, wuxuu ahaa Markabka gantaalaha xanbaara ee looga caagay Badda Madaw, wuxuuna sidoo kale ahaan hoggaamiyaha iyo abaanduulaha duullaanka Ruushka ee ku waajahan Ukraine, isagoo gantaalo ka dhacayay dushiisa ay sababeen burburka Magaalooyinka Ukraine dhawr toddobaad oo xidhiidh ah, tan iyo markii dagaalki bilaabmay 24 February 2022.

Markabka, ayaa ahaa ka saddexaad ee ugu weyn Maraakiibta Dagaalka Ruushka, waxaana la sheegay inuu dab qabsaday sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhiga ee Ruushka Khamiistii, wallow Ukraine sheegatay in ay la eegatay gantaal, laakiin khuburada aqoonta u lahaa markabka iyo sida uu u gaashamyahay waxay ku tilmaameen sheegashada mid aan macquul ahayn, maadaama uu ahaa mid iska difaaci kara weerar kasta.

Laxidhiidha: Moscow Miyay Weyday Markabka Xanbaara Gantaalaha Ee Moskva

Lama ogga sababta dhabta ah iyo masiibada ku dhacday Moskva iyo sabta dhabta ah ee dhalisay dabka , balse Wasaaradda Gaashandhiga ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in markabka Moskva khasaare soo gaadhay, iyada oo shaqaalihii saarnaana lagu qasbay in ay iskaga baxaan, wallow ay mar kale sheegeen in lagu daray gujisyada quusa badda hoostooda oo loo diray hawlgal kale oo qarsoon, laakiin arrintaa waxa si weyn ganafka ugu dhiftay khabriirada ku xeel dheer arrimaha Millateriga, gaar ahaan kuwa reer galbeedka ee Ciidamadda Badda.

Maqnaanshaha Moskva ayaan meesha ka saarin cabsida duqaymaha caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxayna waajahday Khamiistii weerar gantaalo ah oo lala beegsaday goobo muhiim ah, waxayna arrintan kusoo beegantay, iyadoo Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto xajmiga weerarrada gantaallaha ee caasimadda Ukraine si ay uga jawaabto waxa ay ugu yeedhay u leexinta dagaalka Ukraine ee dhulka Ruushka.

Sidoo kale, waraka wasaaradda gaashaandhiga Ruushka, ayaa soo baxay, kaddib markii mas’uuliyiinta Ruushka ay ku eeddeeyeen Ukraine inay duqeymo cirka ah ku qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla gobolka Bryansk ee xadka.

“Tirada iyo baaxadda gantaallaha lagu garaacayo bartilmaameedyada Kyiv waa ay kordhi doonnaan si looga jawaabo weerar kasta oo argagaxiso ama kharbudaad ah oo uu maamulka waddaniga Kyiv ka geysto dhulka Ruushka,” ayaa lagu yidhi bayaanka, wasaaradda gaashandhiga Ruushka.

Duqaymaha cusub ee Kyiv, ayaa sida ay wasaraadda gaashandhiga Ruushku sheegtay waxa lala beegsaday warshad Millateriga Ukraine leeyahay oo ku taal meel ka baxsan Kyiv goor dambe oo Khamiista ah, waxayna gantaalaha loo adeegsaday ahaayeen gantaalaha nooca loo yaqaan Kalibr ee riddada dheer ee saaraan maraakiibta Badda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com