TelesomDahabshiil
Published On: Sat, Apr 16th, 2022

Wixii Dhacayaba Dhugta oo Afkiina ka Dhawra waxbaa Dhacay!. 

Araweelo News Network.

 Waxa aan Canbaaraynayaa Xadhiga, Jidh-dilka, Caddaadiska, Cago-juglaynta iyo Cabudhinta lagula kacaayo saxaafada madaxa banaan ee Jamhuuriyada Somaliland, waxaanan sigaara u dhaliilayaa wax yeeladii iyo Xadhigii layskugu daray suxufiyiintii Hargeysa ka hawlgalayay, 

Runtii waa wax laga Xumaado waxa lagula kacaayo Muwaadiniinta ka hawlgala Saxaafada Madaxa bannaan, waxaana isweydiin mudan horta waa maxay Suxufiyiin?. 

Suxufiyiintu waa indhaha iyo Dhagaha Bulshada, oo waa Cod-laliyaasha dhawaaqa Muwaadiniinta, oo Suxufiyiintu waa baalasha Caddaaladu ku duusho, oo waa Muraayada Dimuqraadiyada laga Dheehdo, waana Hagayaasha Horumarka Dal, Dawlad iyo Dad gaadhaan. 

Suxufiyiintu waxay taraan Haddii aynu Sooyaalka taariikhda Dalkeenu soomaray Dib u Jaleecno 1988-1991 wixii Dalka ka dhacay Dil, Ciqaab, Kufsi, Boob, Biliiliqo, Burbur, Dumin, Baabiis, Madaafiic laladhaco, Diyaarado Rusheeya, Miino lagu aaso, Qax iyo Cidhibtir Aduunka wax yar Bay gaadhay!, Laakiin 01-04-2022 Dabkii qabsaday Suuqii ugu weynaa Jamhuuriyada Somaliland ee Waaheen ee kuyaalay Caasimada Hargeysa aduunka meel aanu Gaadhin warkiisu ma jiro, Cidda gaadhsiisayna waa Saxaafada ka hawlgasha Somaliland waana wax lagu mahadiyo xilkasnima wax tarka leh ee dalkooda iyo dadkooda ay u qabtaan.

Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland waxa haboon inay dareento hawsha ay dalka u hayaan, oo haboontahayna inay deristo oo barato siday iskugu soo dhawaan lahaayeen oo ay iskugu xidhmi lahaayeen, ileen wax soconaaya runtii maaha Suxufiyiinay wixii Dhacaayaba Dhugta oo Afkiina ka Dhawra waxbaa Dhacaye!. 

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

fartaagmuwaadin@gmail.com 

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>