Askarta Ukraine Ee La Go’doomiyay Oo Diiday Inay Isu Dhiibaan

Maxay Uga Dhigantahay Ruushka Qabsashada Mariupol?

Alt: Araweelo News

Araweelo News Network.

Mriupol(ANN)-Millateriga Ruushka ayaa la wareegay Magaaladda dhiiga baddan ku daatay ee Mariupol oo ku taal Badda Madaw, isla markaana ah magaalo Istiraatii ah oo leh Dekedda caanka ah ee ku taal Badda Azov, iyo qayb ka mid ah Badda Madow.

Ciidamadii ugu dambeeyay ee Ukraine ee ku hadhay dekadda la go’doomiyay ee Mariupol, kuwaas ka dhaga adaygay waqtigii uu Ruushka u qabtay inay isa soo dhiibaan.

Dagaal ba’an ayaa si xidhiidh ah uga socday toddobaadyp, waxaana ku hoobanayay madaafiic, gantaallo, kuwaas waxyeello weyn u geystay ama burburiyay in ka badan 90% magaalada.

Ciidamada Ruushka, ayaa sidoo kale, waxay ka jareen helida laydhka, kuleyliyaha, biyaha saafiga ah, cunnada iyo sahayda caafimaadka , taas oo sababtay masiibo bini’aadantinimo.

 Moscow ayaa hadda ku eedeysay Ukraine diidmada in ay is dhiibaan ugu dambeyn 05:00 galabnimo ee Isniinta, qiyaastii sida ay Moscow sheegtay 2,500 oo askari oo Ukraine ah, kuwaas oo ku jira warshad bir ah oo weyn oo ku taal Magaaladda Mariupol.

Laxidhiidha: Moscow Oo Hanjabaado Iyo Digniino U Kala Dirtay Maraykanka, Britain Iyo Dalal Kale

Ruushka ayaa markii hore ku booriyay difaacyadii ugu dambeeyay ee magaalada dekedda leh ee Mariupol ee Ukraine inay hubka dhigaan. Waxayna bixiyeen kama dambays subaxnimadii Axadda. Kooxda dagaalyahanka Ukraine ee ku sugnaa warshad birta ah oo ku taal magaalada.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ukraine ayaa ku eedeeyay Ruushka inay isku dayeen inay gaajo u geliyaan Mariupol si ay isu dhiibaan. Dadka ku dhintay Magaaladda tan iyo toddobaadyadii lasoo dhaafay , ayaa lagu qiyaasay In ka badan 10,000 oo rayid ah, kuwaas oo ku dhintay duqeymaha oo socday toddobaadyo.

Laxidhiidha:Kyiv: Gantaalaha Lagu Cashariyay Xilli Uu Goobta Ka Baxay Moskva

 Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay burburin doonto kuwa sii wada iska caabinta ee ka dhega adaygaya in ay is dhiibaan, balse Ra’iisal wasaaraha Ukraine ayaa sheegay in magaaladda Mariupol aannay gacanta Ruushka ku dhacayn oo ay ciidamadoodu dagaalami doonaan ilaa dhamaadka.

Waana sababta ay Mariupol u noqotay magaaladii ugu khasaaraha badnayd ee la duqeeyay ee la burburiyay dagaalka Ukraine ay la gashay Ruushka , iyadoo ay la kulantay dhibaatada ugu badan ee weerarada Ruushka, taas oo noqotay  furaha ololaha Millateri ee Moscow ee Ukraine.

Ciidamadda Ukraine, ayaa ka hortagayay oo iska caabinayay ciidamadda ku soo wajahanaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, waxayna Ukraine oo difaacaysa Mariupol ku guuleysteen inay mashquuliyaan tiro badan oo ciidamo Ruush ah. Laakiin fashilka ugu danbayntii keenay in Ruushku ku guuldaraystay in uu si degdeg ah u qabsado magaalada, ayaa sabab looga dhigay in taliyayaasha Ruushka ay adeegsadaan qaabkii qarniga 21-aad ee xeeladdaha go’doominta magaalooyinka.

Hase yeeshee Ruushka ayaa khasaare laxaad leh kasoo gaadhay dagaalka uu kula jiro Ukraine, wuxuuna ku waayay Jeneraaladiisa qaarkood, kuwaas oo uu ugu dambeeyay General Vladimir Frolov, iyo sidoo kale Markabkii Dagaalka ee noqday  calanka Badda Madow ee Moskva oo Moscow sheegtay inuu dab qabsaday, wallow ay Urkraine sheegatay in ay la beegsadeen gantaal.

Laxidhiidha: Moscow Miyay Weyday Markabka Xanbaara Gantaalaha Ee Moskva

Dhinaca kale, Ruushka ayaa gantaallo ku garaacay caasimadda Ukraine ee Kyiv, isagoo kordhiyay duqaymaha ka dhanka ah magaaladda Kharkiv.

Sidoo kale, Magaalada dekedda leh ee Mariupol ee la garaacay, taas oo ugu danbayntii gacanta u gashay Ruushka, dadka reer Ukraine ayaa diiday dalabaadka Ruushka ee ah inay is dhiibaan ciidamaddooda lagu hareereeyay ee ku go’doonsan warshad birta ah oo ku taal magaaladda.

 Waa maxay ahmiyada Mariupol?

Qaadashada magaalada dekedda ah ee Mariupol, ayaa ruushka u noqonay guul istiraatijiyadeed oo dagaalka ah, isla markaana waxay dhabar jab weyn ku tahay Ukraine oo ay ka dhigay wadan xidhan oo qufulan.

Mariupol, marka laga yimaado deked ahaan iyo istiraatiijiyada kale ee ay leedahay ayaa ah in ay tahay marinka dhulka ee u dhexeeya Crimea iyo Donbas, Juquraafi ahaan, magaalada Mariupol waxa ay ku taal meel aad u yar oo khariidada ku jirta balse hadda waxa ay si adag u taagan tahay ciidamada Ruushka ee ka soo baxay jasiirada Crimea, waxay doonayaan in ay dhanka Waqooyi bari  isu riixaan, isla markaana isku dayaan inay la xidhiidhaan saaxiibadooda iyo xulafadooda gooni-goosadka Ukraine ee gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

General Sir Richard Barrons oo ah Taliyihii hore ee Taliska Ciidanka Wadajirka ee UK ,  ayaa sheegay in qabashada Mariupol ay muhiim u tahay dadaalka dagaalka ee Ruushka.

“Marka ay Ruushku dareemaan inay si guul leh u soo gabagabeeyeen dagaalkaas, waxay dhammeeyeen buundada dhulka ee Ruushka ilaa Crimea waxayna tani u arki doonnaan guul istiraatiiji ah, waana tallaabo dhaqaalihii Ukraine ceejisay

Mariupol waxay sidoo kale, muddo dheer ahayd deked istaraatiijiyadeed oo muhiim ah oo ku taal Badda Azov oo qayb ka mid ah Badda Madow. Iyada oo leh ahmiyad qoto dheer, waa dekedda ugu weyn ee gobolka Badda Azov waxayna hoy u tahay shaqada Birta .

Waqtiyada caadiga ah, Mariupol waa xudunta dhoofinta muhiimka ah ee Birta, Dhuxusha iyo gallayda ee Ukraine soo saarto ee loo dhoofiyo , amma u socota macaamiisha Bariga Dhexe iyo meelo kale oo ka baxsan.

Sidoo kale, qabsashada Ruushka ee Mariupol waxay Ruushka u saamaxaysaa inuu si buuxda u maamulo in ka badan 80% xeebaha Badda Madow ee Ukraine, taas oo laga maamulayo Badda Madow, isla markaana waxay awood u siinaysaa inuu ugu awood sheegto Aduunka ganacsiga badda iyo baddeecadaha marinka ay u tahay Badda Madow.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com