Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka Somaliland, (Somaliland National Human Rights Commission), ayaa ka hadlay xaaladda koox suxufiyiin ah oo maalintii shannaad xidhan, kaddib markii la qabtay 15 April 2022, xilli ay qaarkood ka warameeyaan shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Kommishanka Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee qaranka,(Somaliland National Human Rights Commission) waxay ka hadleen xaaladda ay ku sugan yihiin suuxufiyiintaa oo tiradoodu tahay 15, isla markaana ku xidhan xarunta Baadhista Denbiyada (Criminal Investigated Department CID) ee Magaaladda Hargeysa.

Warabixin ay soo saareen Kommishanku kaddib markii ay ku booqdeen suxufiyiinta halka ay ku xidhan yihiin ee xarunta Baadhista Denbiyada, waxay kaga hadleen waxyaabaha uga soo baxay intii ay ku guda jireen xog-ogaal u noqoshada xaaladdooda.

Qoraalka Warbixinta Kommishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranku, waxay ku sheegeen in xaaladda suxufiyiintu fiican tahay, marka laga reebo in ay waayeen xorriyadooda, isla markaana waxay xubnaha Kommishanka ee booqday u sheegeen in si fiican loola dhaqmay oo aannay qabin wax hagardaamo ah.

Warbixinta ay Kommishanku kaga hadleen xaaladda suxufiyiinta ayaa u qornayd sidan:-

Alt: Araweelo News Network

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com