Araweelo News Network.

Abu Dhabi(ANN)-Dawladda Dalka Imaaraadka ee #UAE, ayaa si adag u canbaaraysay fal ay ku kaceen koox cunsiriyiin ah oo ah kooxaha xagjira, kuwaas oo ku dhaqaaqay ficil si weyn dunida Islaamku uga cadhaysiiyay.

UAE Flag. Image File Araweelo News Network.

 Kooxda, ayaa gubay Kutabta Quraanka Kariimka ah, waxayna dawladda Imaaraadku ku tilmaantay kooxdaa kuwo xagjir ah oo ku kacay fal foolxun oo waxashnimo ah oo aan loo baahnayn.

Afra Al Hameli, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Isgaadhsiinta iyo Istaraatiijiyadda UAE, ayaa qoraal koobban oo ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter, waxay ku sheegtay   in dawladda Imaaraadku si adag u cambaaraynayso gubista kutubta qur’aanka kariimka ah ee ay ku gubeen kooxaha xagjirka ah ee Sweden.

Afra Al Hameli, waxay sidoo kale, ku sheegtay qoraalka in dawladda Imaaraadku, iyadoo dib u cusboonaysiisay baaqii joogtada ahaa ee ahaa inay ka tanaasulaan koooxda xagjirka ee Sweden hadalada nacaybka iyo rabshadaha.

“UAE waxay dib u xaqiijinaysaa in loo baahan yahay in la ixtiraamo astaamaha Diinta, lagana fogaado in nacaybka lagu kiciyo aflagaadada Diimaha, isla markaana la fahmo muhiimada ay leedahay dulqaadka iyo wada noolaanshaha.” Ayay ku tidhi, qoraalka koobban oo xalay Afra Al Hameli, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Isgaadhsiinta iyo Istaraatiijiyadda ee UAE., ku baahisay barta Twitter.

Dhinaca kale, ficilka ay ku kaceen kooxda, waxa si weyn uga cadhodoay shucuubta Islaamka ee daafaha dunida ku nool oo xilligan ku jira bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sweden, ayaa marar hore ficilo sidan oo kale ah iyo kuwo Islaamka wax laga sheegayo ku kacday, iyadoo ay soo noq noqdeen falalka iyo ficilada xun ee Islaam nacaybka oo inta baddan dalka Sweden kasoo ifbaxa, waxaana la xusuusanyahay in sannado ka hor markii ay Sweden ka dhaceen falal aflagaado ku ah Islaamka ay ku weday dhaqaale baddan, kaddib markii waxyaabaha ay soo saarto laga mamnuucay qaar baddan oo dalalka Islaamka ah, waana suurta gal in ay Sweden waajahdo tallaabo taas la mid ah oo dalalka islaamka iyo shucuubta Muslinku ka qaataan, iyagoo jawaab uga dhiga ficilada foosha xun ee kooxaha xagjirka ah ee Sweden.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com