#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah oo kala duwan guddoonsiiyay saddexdii Arday ee ugu sarreeyey  tartanka heer qaran ee Qur’aanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan la qabto sannad walba.

Munaasibadda abaalmarinta Ardaydan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah gollaha wasiirrada, xildhibaanno, culimada dalka iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo xufaadda tartanka ku guulaysatay ee qowlka Eebbe xifdisan, waalidiintii iyo macallimiintii kusoo tacabtay ayaana sidoo kale hambalyo loogu diray.

 

Bilawga Munaasibadda waxa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland,  Aadan Cabdullaahi Cabdulle, isagoo hadal kooban oo uu ka jeediyay munaasibadda  ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray tartanku iyo doorkii ay wasaaraddu ku lahayd, waxana uu tilmaamay inuu gobollada dalka kasoo bilaabmay ugu dambayna saddexdii Arday ee ugu sarraysay caawa la abaalmarinayo.

 

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyay Ardayda tartanka sannadlaha ah ee Qur’aanka kariimka ah ku guulaysatay, waxana uu madaxweynaha qaranka uga mahadnaqay inuu tartankan heer qaranka ah si joogto ah u maalgeliyey, islamarkaana uu gacantiisa ku bixiyo abaalmarinaha ay guulaystayaashu xaqa u leeyihiin.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhankiisa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaanba dhallinyaradii ka qaybgashay tartanka Qur’aanka kariimka ah, gaar ahaanna kuwa caawa la abaalmariyey iyo cid kasta oo kaalin kasoo qaadatay qabsoomidda tartankan.

 

Madaxweynuhu waxa uu halkaas abaalmarin baabuur ah ku guddoonsiiyay  Suhayb Keyse Cabdullaahi oo ka socday  gobolka Maroodi-jeex, halka Suhayb Maxamuud Aadan oo ka socday gobolka Togdheer uu guddoonsiiyay  Laptop, Mobile iyo lacag dhan  $2,000 (Laba kun) oo dollar, iyada  Fu’aad Cabdiraxmaan Abshir oo ka socday gobolka Awdal uu guddoonsiiyay Labtop, Mobile iyo qaddar lacageed oo dhan $1,500 oo dollarka maraykanka ah.

Sidoo kale waxa madasha abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyay qaar kamid ah culimadii tartankan qabashadiisa hoggaaminaysay, iyada oo maddashana lagu soo bandhigay shan dhallinyaro  xufaad ah oo wasaaradda Diintu u qoondaysay inay codkooda ku duubaan Soddonka Jus ee Qur’aanka kariimka ah oo si joogto ah laga sii deyn doono Idaacadda Qur’aanka kariimka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com