#Araweelo_News_Network.

 

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham.  

Waxa ay ahayd markii ugu horraysay ee aan arko mashruuc samo-fal ah, oo Qur’aanka iyo Diinta lagu barayo Arday gaadhaysa 610. Salma group, iyada oo aan cid shisheeye ugu baryo tegin, waalidka carruurtana wax lacag ah weydiin, ayay suurto-gelisay adeeggan waxbarasho ee heerkiisu sarreeyo.  Waxaanay shirkaddu sannadkii ku bixisaa miisaaniyad dhan; 19,500,000 bir.Waxaanay shirkaddu qorshaha maal-gelinta machadka wadday muddo toban sanno ah, iyada oo dhammaanba kharashka mashruucan lagu wado dusha u ridatay. Haddaba arrinta ugubka ah ee bogaadinta u baahani waa; In ganacsatada Soomaaliyeed oo aan looga baran, in ay maal-geliyaan barashada Qur’aanka iyo diinta, arrintani tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan u tahay.

Waxaanu gurmadka mashruucani yimid xilli baahi weyn loo qabo; xarumo Qur’aanka iyo diinta lagu barto oo lacag la’aan ah. Sida aan ka wada dheragsannahay, guud ahaan deegaannada Soomaalida barashada Qur’aanka iyo diintu waxa ay innagaga xidhan yihiin LACAG. Taasina waxa ay caqabad ku noqotay; dad badan oo jecel in ay carruurtooda diinta baraan, hasa yeeshee duruufaha dhaqaale aanay u saamaxayn. Sidaas darteed, waxa aan qof ahaan u arkay fekerka Markiskan bilaashka ah lagu aasaasay, oo baahi bulsho ka jawaabaya, kuna dhashay X. Axmed Xasan Ismaaciil (aasasaha iyo mulkiilaha shirkada Salma) mid bogaadin istaahila.

XASAN WELI: Markiska Xiftiga Qur’aanka iyo Barashada Diinta, waxa la aasaasay sannaddii 2017. Xaruntiisu waxa ay ku taal Jigjiga, waxaanu deegaanka ku leeyahay toddoba laamood oo xarunta hoos yimaadda. Ardayda Markiska wax ka barataa waxay iskugu jiraan laba qaybood oo kala ah:

1)      Arday waxbarasho uun Markiska u yimaadda oo guryahooda seexda.

2)      Arday waxbarashada iyo jiifkaba Markisku u diyaariyay

Si guud na wuxuu markisku ardayda u diyaariyaa dhammaan agabka waxbarashada ee ay u baahan yihiin. Macallimiinta markiska ka hawl-galashaana waa labaatan iyo kaw. Waana macallimiinta ugu wanaagsan ee deegaanka joogta, dhinacyada, aqoonta, khibradda, akhlaaqda iyo kartida.   Geesta kale, shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan DDS waa kuwa ugu baahida badan barashada Qur’aanka iyo diinta, sababtuna waa in la nool yihiin dad aanay isku diin ahayn. Sidaas ayay lamahuraan u tahay in ay noqdaan; dad diintooda si wanaagsan u yaqaannaa.

Haddaba xarumaha diinta lagu barto ee deegaanka oo tayadooda la saluugsan yahay iyo jahliga dadka kaga sugan yihiin diinta ayaa X. Axmed Xasan Ismaaciil ku dhalisay fekerka aasaaska markiskan, waxaanu ku ku baraarugay; in dadka diintooda la baraa ay tahay xil iyo dareen ummadeed, oo aanay jirin cid kale oo lugu halleeyo.

Waxaanu qorshaha hindisuhu ahaa bilawgii ahaa; in cidda ugu mudan ee markisku waxbarashadooda xilka dheeriga ah iska saarayaa noqoto; AGOONTA IYO DANYARTA.

 

MAXAY TAHAY SABABTA MARKISKA XASAN WELI U NOQDAY KA Loogu JECEL YAHAY?

Haddii aad dadka weydiiso xarumaha Qur’aanka iyo diinta lagu barto ee deegaanka (DDS) Markiska Xasan Weli, waa barta ugu wanaagsan ee farta lagu fiiqayo. Haddaba markii aan isweydiiyay muxuu kaga duwan yahay goobaha kale ee diinta lagu barto, waxa ii soo baxay afartan qodob ee kala ah:

 

MANHAJKA WAXBARASHO EE MARKISKA.

Manhaja waxbarasho ee markisku waa mid ka soo dhex baxay daraasaad door ah oo hoggaanka markisku ku sameeyeen manaahij dhawra ah, Waxaanay lafo-gur iyo cilmi-baadhis badan kaddib qaateen manhaj ku sar-go’an falsafad waxbarasho oo Islaami ah “Islamic Education Philosophy” taasi oo ku taagan in ay soo saarto arday dhisan akhlaaq ahaan, aqoon ahaan iyo feker ahaan ba. Waxaana fadliga Rabbi ah in iyada oo waalidka ardayda, macallimiinta iyo maamulka markisku is-kaashanayaan ay wada jir u xaqiijiyeen in midho fiican bartaas ka soo baxaan.

 

WAKHTIGA WAXBARASHO EE MARKISKA.

Wakhtiga waxbarashadu waa guud ahaan waa sideed sanno, afar sanno waxa ardayga lagu xiftisiinayaa Qur’aanka, afarta kale na waxa lagu barayaa; Luuqadaha, Sayniska, Xisaabta, Iyo IT-ga. Geesta kale, waxa ardaygu markiska joogayaa sagaal saacadood, usbuuciina wuxuu dhiganayaa shan maalmood, taasi oo usbuucii noqonaysa 49 saacadood. 

 

HANNAANKA MAAMUL EE MARKISKA.

Nidaamka maamul ee mashruucan waxbarasho waa mid aqooni hagayso oo ay hoggaamin wanaagsani gun-dhig u tahay, taasina waxa ay sababtay dhismaha iyo samaynta hab-raacyo lagu hagayo maamulka siyaasadda waxbarasho ee markiska.

 

SUMCAD WANAAGGA ARDAYDII KA-AFLAXDAY MARKISKA.

Waxa markiska ka qalin-jebiyay 54 arday oo aqoon diini iyo maaddi ba ka dhisan, kuwoodii jeclaa in ay tacliinta heersare ka gaadhaanna, wuxuu markisku u fududeeyay sidii ay waxbarashada uga sii wadan lahaayeen; jaamacada ugu wanaagsan.  Sida oo kale, waxa ardayda markiskan ka aflaxday lagu majeertaa; in ay akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan ku hubaysan yihiin, oo adkaysi iyo hawl-karnimo lagu soo tababaray.  Intaasna ay u dheer tahay daacadnimo, Alle ka cabsi, ammaanoxifti iyo dhawrsoonaan.  Waxaana isla markiiba la kala yaacay shirkadaha dalka ugu waaweyn oo shaqaalaysiiyay, una dhiibay ama hormuud uga dhigay shaqooyin waaweyn.

BOGAADIN IYO DHIIRI-GELIN.

Gunaanadkii waxa aan shirkadda Salma Group ku bogaadinayaa mashruucan aaya-reebka ah ee ay hor Alle u hir-geliyeen, kaasi oo dad badan ka faa’iidaysteen mustaqbalkana aan filayo in uu badhaadhe iyo sareedo u horseedi doono shacabka ku dhaqan guud ahaan deegaanka. In ummad wax la baro oo jahliga laga xoreeyo, laga na shaqeeyo bilawga geeddigii bulsho akhlaaqdeed lagu dhisi lahaa iyo sidii loo soo saari lahaa; jiil aqoon, akhlaaq iyo diin ku hubaysani wax sahlan maaha. Waana dareen lexo-jeclo iyo waddaniyadi sees u tahay, taasi oo farta ku fiiqaysay in aan Salma Group shacabka deegaanka ula sinnayn ganacsiyada kale ee u jira in ay ka shaqaystaan oo keliya, wax aan ku soo celin.

 

 

Qalinkii: Cabdinaasir Axmed Abraham

Somaliland_author@yahoo.com