#Araweelo_News_Network.

London(ANN)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil oo ka qaybgalay kulan ballaadhan oo lagu soo dhoweeyay Murrashaxa Xisbiga WADDANi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ka dhacay London, ayaa ka hadlay xaalladda collaadeed ee dalka oo xilligan isu beddelay mid qabali ah.

Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil, wuxuu ka digay in aannay wax faa’iido ah ku jirin in Beellaha layska horkeeno oo dagaalka Laascaanood loo bdddelo mid qabaa’ilka madaxa laysu geliyo, wuxuuna si cad u tilmaamamay in aannay Somaliland u baahnayn collaad iyo dagaal, balse ay u baahantahay horrumar, waxbarasho, Caafimaad iyo nabadgelyo, sidaa awgeed loo baahanyahay in laga fogaado wax kasta oo dadka walaalaha ah ee Ehelka ah kala fogaynaya.

“Waxaan filayaa dadka Sool, Sanaag Togdheer innay garanayaan dhibaatada collaada, qaxa iyo mashaakilka oo aannay aqlayn in deegamada laga abuuro dagaal beelaysan oo iyaga layska horkeeno, waxan filayaa innay soo arkeen qax iyo dhibaato” ayuu yidhi, Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlayay kulanka London ee WADDANI.

Guddoomiye Cali Xaamud, wuxuu sheegay in loo baahanyahay in laga shaqeeyo nabada iyo sidii deegaamada  Bariga looga samayn lahaa horumar, balse aan marnaba collaad lagu helayn wixii nabada lagu waayo.

Muuqaalkan Ka Daawo.