#Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)-Bayaan kasoo baxay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa lagu daadafeeyay baaqa ay Guddida dhowaan laga sameeyay deegaanka ee la baxay “Khusuusiga” ay ku dalbadeen in ciidanka Qaranka Somaliland ka baxaan gobolka.

 

Bayaanka jawaabta ah, ayaa sidoo kale dhaliilo usoo jeediyay xukuumadda Somaliland qaabka ay u maamushay arrinta Laascaanood, iaydoo bayaankan oo 15 qodob lagu soo koobay uu xanbaarsanayahay qodobo kala duwan oo lagu waajahayo xaaladda gobolka Sool, isla markaana waxa lagu cadeeyay in gobolka Sool ka midyahay Somaliland, oo ay dadka deegaanku la wadaagaan dhaqan, xeeggaan iyo xadba Bulshada Somaliland. sidaa awgeed waxa bayaanku ku baaqay in dariiqa nabada loo maro wixii tabasho ah.

Xildhibaanada Gollayaasha  wakiillada, Guurtida iyo gollayaasha deegaaanka kaga jira gobolka Sool, Buuhoodle iyo Xuddun ayaa ka digay in arrinta Laascaanood loo addeegsado collaad la dhex dhigo Bulshada, waxayna dhinacyada hurinaya colaadda ugu baaqeen inay ka waantoobaan.

Bayaanka ay masuuliyiintu kasoo saareen arrimaha Laascaanood, waxay ku sheegeen in wixii tabasho ah ee dadka deegaanku ka tirsnayaan xukuumadda Somaliland loo maro dariiqa saxda, balse laga fogaado wixii dhibaato keenaya, isla markaana nabada meel looga soo wadajeesto.

Muuqaalkan ka Daawo qodobada oo dhammaystiran.

 

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com