Maxaa Laga Ogyahay Generaalka Aamusan Ee Muddo Tobban Sanno Ahaa Taliyaha Guud Ee Ciidamada Ruushka?

#Araweelo News Network.

Moscow (ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Gen. Valery Gerasimov u magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Ruushka ee ku sugan dalka Ukraine, kaas oo ah nin aan wax baddan laga ogayn.

Gerasimov, oo ahaa muddo tobban sannadood ah madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Ruushka tan iyo 2012, wuxuuna beddelayaa Gen. Sergey Surovikin, kaas oo kormeerayay duulaanka tan iyo bishii October. Surovikin ayaa sidaas darteed loo dalacsiiyay ku xigeenkii Gerasimov.

Magacaabista Gerasimov ayaa noqonay Generaalkii Afraad ee la beddelo dagaalka socday 11-ka bilood ee Ukraine, wuxuna  ku soo beegantay iyadoo Ruushku uu isku dayayo in uu dagaalka geliyo dardar cusub, isla markaana ka gaadho guulo waaweyn,  kaddib dhawr bilood oo uu la tacaalayay sidii uu horumar u samayn lahaa,  iyadoo uu jiro weerar adag oo ka dhan ah Ukraine kaas oo kumanaan kiiloo mitir oo laba jibaaran Ukraine ka xoreeyay gacanta Ruushka, wallow ay inta baddan ahaayeen deegaamo ay dib uga baxeen Askarta Ruushku.

Millateriga Ruushku waxa uu u muuqdaa mid ku sii siqaya in uu faa’iidooyinki ugu muhiimsanaa uu ka helo goobta dagaalka tan iyo bishii August, isaga oo ku dhawaaday in uu la wareegay magaalo yar oo macdanta laga qodo oo lagu magacaabo Soledar, taas oo ay la wareegtay Kooxda ciidamada gaarka ah ee Wagner ee Ruushka, kuwaas oo uu leeyahay maalqabeen Ruush ah, ayaa sheegtay inay qabsadeen magaalada laga soo galo ee Soledar, wallow ay jiraan sheegashooyin soo baxayay ilaa xalay oo Ruushku ku sheegayo inuu gebi ahaanba la wareegay magaaladaa iyo kuwo kale oo ahmiyad weyn u leh dagaalka.

Askarta Ukraine, ayaa weeraro joogto ah kala kulma ciidamada Ruushka iyo ciidanka gaarka ah ee calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner agagaarka magaalooyinka Soledar iyo Bakhmut. Qaybtan oo ka mid ah horgalada Donbass ayaa lagu arkay qaar ka mid ah dagaalladii ugu xumaa ee daba dheeraaday, iyadoo aagaas ay dagalka kaga jiraan ciidanka gaarka ah ee Wagner.

Baraha internetka ee Millateriga Ruushka ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in guulo laga gaadhay aagaggaas. Laakiin Moscow iyo Kyiv midkoodna ma taageerin sheegashada

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ku sheegtay Telegram dhawaaqida magacaabista Gerasimov in loo doortay inuu gacan ka geysto abaabulka isdhexgalka dhow ee ka dhexeeya laamaha ciidamada qalabka sida ee Ruushka iyo in la wanaajiyo “waxtarka” oo uu hoggaaminayo askarta Ruushka.

Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale sheegtay in isbeddelladan ay kordhin doonaan waxtarka sida loo maareeyo howlgalkeeda oo ay kordhin doonaan waxtarka sida loo maareeyo howlgalkeeda.

Gen. Valery Gerasimov, waxa uu ka soo shaqeeyay Bariga fog iyo degmooyinka millatariga Baltic ka hor inta aannu noqon madaxa shaqaalaha 58aad ee Ciidanka Waqooyiga Caucasus 1999, sida ay sheegtay BBC.

Dagaalkii labaad ee Jeejniya ayaa billowday dabayaaqadii sannadkaas markii uu dagaal ku dhex maray gooni u goosadka gobolka Ruushka ee Chechnya iyo ciidamada Ruushka.

BBC ayaa sheegtay in Gerasimov uu ku lug lahaa xidhitaanka Kornayl ka tirsan ciidamada Ruushka oo lagu magacaabo Yury Budanov, kaasoo lagu helay dambi ah inuu dilay gabadh u dhalatay Jejniya intii uu socday dagaalka. Gerasimov waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka 58-aad ee 2001, iyadoo khilaafku uu sii socday muddo.

Gerasimov waxa uu ahaa madaxa shaqaalaha ee Deegamada Milateriga ee Bariga Fog, halkaas oo uu ku asiibay xannuun xilligaa ka dhex dillaacay Askarta, laga bilaabo 2003 ilaa 2005. sidoo kale, wuxuu soo noqday taliyaha ciidamada deegaamada St. Petersburg iyo Moscow iyo Central Military District, taas oo oo ah qayb weyn oo ka mid ah badhtamaha Russia.

Wargeyska The Financial Times, ayaa soo wariyay 2017,  in Gerasimov inta laga ogyahay uu yahay shaqsi aamusan oo is qariya (taciturn), sidaa awgeed lagama hayo muuqaalo badan iyo hadalo uu la wadaagay warbaahinta, waxaana lagu tilmaamaa nin awood baddan oo ku adag Millaterinimada iyo mabda ahaan inuu yahay awood aan la dafiri karin.

Mar uu la hadlay 2013,  Wargeys ka soo baxa Ruushka, wuxuu ku dooday  in khadadka u dhexeeya dagaalka iyo nabadda ee qarniga 21-aad ay noqdeen “Qaran”, maadaama aan hadda si rasmi ah loo shaacin dagaallada. Waxa uu sheegay in jilayaasha adduunku ay taa beddelkeeda isticmaalayaan “xoogaga hawlgallada gaarka ah” iyo inay abuuraan “mucaarad gudaha ah” si ay u dhistaan  ayuu yidhi, “goobo si joogto ah u shaqeeya.”

Madaxweyne Putin, ayaa inta baddan dagaalka Ukraine, waxa uu diiday in uu ugu yeedho colaadda dagaal, isagoo taas beddelkeeda ku tilmaamay hawlgal millateri oo gaar ah. Balse wuxuu ku tilmaamay dagaal markii ugu horeysay bishii hore ee Dismember 2022.

Gen. Valery Gerasimov, wuu guursaday wuxuuna leeyahay wiil, sida ay werisay  The Financial Times. Waxa uu ku dhashay 1955, isaga oo ka soo jeeda qoys shaqaale ah oo ku nool magaalada Kazan ee Ruushka, oo qiyaastii 800 oo kilomitir dhinaca Bari ka xigta Moscow.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com