#Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ku dhololay in laga qaado cunaqabataynta hubka ee qaramada Midoobay kusoo rogtay Soomaaliya markii ay burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Hub Iyo Saanad Millateri Oo Qiimihiisa Lagu Sheegay $9 Million Dollar Ku Wareejiyay Dawladda #Soomaaliya

Gollaha Wasiirada ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo  maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah, ayaa guddi u saaray sidii cunaqabataynta hubka looga qaadi laaha.

Ra’iiisal Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya, isla  marlaana ah kusimaha ra’iisal wasaaraha Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay kulankaa oo sidoo kale lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada dhiirigelinta Maalgashiga, Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay kulanka kaddib oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakaddaha Araweelo News Network, kulanka waxa warbixino lagaga dhegeystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka waramay xaaladihii ugu danbeeyay ee amniga iyo howlgallada loo qorsheeyay in Al-shabaab lagaga saaro deegaamada ay haystaan.

Golaha ayaa boggaadiyay guulo isdaba joogaa oo ay sheegeen in laga gaadhay howlgallada xoraynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in Gollaha  loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, iyadoo dhinaca kale goluhu guddi loo saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabataynta hubka.

Dhinaca kale, guddida loo saaray ka saarista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ayaa kusoo beegantay, kaddib markii  dawladda Maraykanku Soomaaliya ku caawisay 9th January 2023, Hub iyo saanad Millateri oo qiimihiisa ay ku sheegtay $9 Million dollar, taas lagu wareejiyay dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo dawladda Federaalka ee Soomalaiya ku dhiirigelisay in ay guddi u saarto ka qaadista cunaqabataynta Hubka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com