#Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)- Dawladda Maraykanka, ayaa hub iyo saanad Millateri oo qiimihiisa ay ku sheegtay $9 Million dollar, taas lagu wareejiyay dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Twitter ee safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Hubkaa iyo qalabka Millateri oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman, waxa ku wareejiyay  masuuliyiinta  Soomaaliya Ambassador Larry Andre, oo ah Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Ambassador Larry Andre, ayaa hubka iyo gaadiidka oo ay ku jiraan qalab Millateri iyo raasaas ku wareejiyay Wasiirka Difaaca Somalia, Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Brigadier General Odowaa Yusuf Raage.

Dawladda Maraykanka, ayaa sheegtay in sababta ay hubkaa ugu wareejisay dawladda Soomaaliya qayb ka tahay dedaalka ay dawladda Federaalka ugu jirto sidii Al-shabaab looga nadiifin lahaa deegaamada ay haystaan.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ka gaadheen ciidamada ammaanka Soomaaliya, dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoraynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Al-Shabaab,” ayuu yidhi, Ambassador André. “Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaali iyo Soomaali,  Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkaaga.”ayuu raaciyay.

Sidoo kale, qoraal lagu baahiyay Degelka safaaradda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in oggaysiinta Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee hubka ay fulinayso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,  iyadoo sida lagu xusay qoraalka ay xidhiidh dhow la leedahay  Xafiiska Iskaashiga Amniga ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, kaas oo aan waafaqsanayn go’aannada Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse waxay dawladda Maraykanku sheegtay in xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya lagula xisaabtamayo hubkaa.   Dhinaca kale, xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa guluf dagaal ku qaaday deegaamo baddan oo ay Al-shabaab ka talinayeen muddo dheer, iyadoo ay jiraan meelo baddan oo ay sheegtay inay ka xoreeyeen, balse waxa muuqata in weli ay jiraan qaraxyo iyo weerraro ka imanaya Al-shabaab.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv   @araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network. info@araweelonews.com