#Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)-Qodobo hordhac u ah Shirarka la doonayo in xal loogu helo xasiloonida xarunta gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood, ayaa lagu sharaxay qorshaha dadka deegaanka ee Garaadada, Cuqaasha iyo Odayaasha waxgaradka.

ALt: Araweelo News Network.

Shirka waxgaradka, Odayaasha iyo Garaadada Sool, 8 Jan 2023, Image Araweelo News Network.

Shirka oo maanta oo Axad ah ka qabsoomay Magaalada Laascaanood, waxay  Garaadada iyo Odayaasha waxgaardka kasoo saareen, qodobo ay sheegeen in ay xal u arkaan, kuwaas oo kasoo baxay hoggaamiyayaasha Bulshada deegaanka, isla markaana lagu saharay 12 qodobo oo ay ku muujiyeen bayaankooda in ay dadka deegaanku isugu imaanayaan shirwayne wadatashi ah oo lagaga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Sool,

ALt: Araweelo News Network

Shirka waxgaradka, Odayaasha iyo Garaadada Sool, 8 Jan 2023, Image Araweelo News Network.

Hase yeeshee waxay ku xuseen qodobadaa baaqooda in muddada ka horaysa shirkaa la ilaaliyo kala dambaynta iyo amniga gobolka.

Qodobada lagu xardhay Bayaanka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay qaadanayso masuuliyadda dadkii lagu laayay magaalada Laascaanood, intii mudaharaadyadu socdeen.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qodobada in Ciidanka Somaliland ay ka baxaan Magaalada Laascaanood.

Nuqulka Bayaanka dhawr iyo tobanka qodob ee kasoo baxay shirkaa oo shabakaddaha Araweelo News Network soo gaadhay, ayaa ahaa sidan:-