#Araweelo News Network

. Kharkiv (ANN)-Ruushka ayaa ka cadhooday Haweenayda Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jarmalka, Annalena Baerbock oo Salaasadii booqasho aan hore loo shaacin ku tagtay Magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv oo ku taal bariga dalka, isla markaana dagaal kulul ka socdo.

Annalena Baerbock, ayaa noqotay masuulkii ugu horeeyay ee booqda Kharkiv,  wallow aannay ahayn markii ugu haraysay ee ay Ukraine booqasho ku tagto tan iyo markii ay xilka qabtay, balse badhtamihii sannadkii hore May 2022, sidan oo kale booqasho ku tagtay magaalada caasimadda ah ee Kyiv oo ah magaalo si weyn u burburtay.

Laxidhiidha: Ukraine: Maraykanka Iyo Jarmalka Oo Ku Heshiiyay inay Ku Biiraan Faransiiska Oo Taangiyada Dagaalka ee U Diraya Kyiv

Socdaalkeeda xilligan ee Kharkiv, ayaa ka duwanaa booqashadii hore, taas oo Ruushku u arkay dhafoor taabasho,  waxayna xukuumadda Moscow iyagoo ka cadhaysan booqashadeeda  sii kordhisay duqaymaha iyo gulufka dagaalka ee ku waajahan Ukraine. Moscow, ayaa sheegtay in dagaalka Arbacadii ay horumar ka samaynayso, iyadoo hawlgallada millateri ee agagaarka magaalada yar ee macdanta milixda ee Soledar ee bariga Ukraine, horumar ka sameeyeen ciidankoodu, laakiin waxa ay qireen in uu soo gaadhay wax-xoogay ah.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Dhaqaajiyay Markabka Admiral Gorshkov Oo Ku Hubaysan Nidaamka Gantaalaha Khatarta Ah Ee Zircon

Afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov ayaa ka hadlay xaaladda, wuxuuna mar wax laga weydiiyay xaaladda dhulkaa yidhi, “Yaan ku degdegin, aan sugno hadallada rasmiga ah. Waxaa jira firfircooni wanaagsan oo horumar ah.”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock waxay booqashadeeda magaalada bariga Ukraine ee Kharkiv Salaasadii noqotay mid uga sii darta xaaladda.

Annalena Baerbock , ayaa booqashadeeda magaalada burbursan ee Kharkiv, waxay ballan qaaday taageero dheeraad ah oo Jarmalku u fidinayo Ukraine. “Dhammaan qaybaha Ukraine, laga bilaabo Kharkiv ilaa Kherson ilaa Kyiv, dadku waa inay ogaadaan inay ku tiirsanaan karaan wadajirkeena iyo taageeradayada,” ayay tidhi.

Haweenaydan, ayaa noqotay wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan gollaha wasiirrada ee Jarmalka oo sahamin ku sameeya magaalada bari ee dagaalladu aafeeyeen.

Laxidhiidha: Annalena Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Tagtay Kyiv

Intii ay ku guda jirtay booqashadeeda, waxay cambaaraysay weerarrada uu Ruushka ka geysanayo magaalada, iyadoo dhanka kale wacad ku martay inay garab taagan tahay oo ay taageerayso dadka reer Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, waxa safarka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha dibbada ee Ukraine Dmytro Kuleba iyo safiirka Ukraine u fadhiya Jarmalka Oleksii Makeiv, iyo mas’uuliyiin kale.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv   @araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network. info@araweelonews.com