Maxaa Hortaagan Taangiyadda Dagaalka Ee Jarmalku Ukraine Ugu Balanqaaday,?

Faddeexad Sababtay Iscasilaada haweenaydii Wasirika Difaaca ee Jarmalka  Christine Lambrecht

#Araweelo News Network.

Berlin (ANN)-Wasiirkii Difaaca ee Jarmalka Christine Lambrecht, ayaa xilka ka degtay, taas oo ka dhalatay hubanti la’aan ka jirta siyaasadda Jarmalka ee ku waajahan jawaabta Berlin ee dagaalka Ukraine.

Haweenayda Christine Lambrecht, ayaa go’aanka ay xilka kaga tagtay Isniintii, waxa uu daba socday khaladaad isdaba joog ah oo dhaawacay kalsoonideeda, kaddib markii ay baahisay fiidiyoow ay u qorshaysay sannadka cusub ee 2023, kaas oo si weyn looga cadhooday.

Laxidhiidha: Ukraine: Booqashada Wasiirka Jarmalka Oo Uga Dartay Xaaladda

Wasiirka arrimaha guddaha Boris Pistorius oo kasoo jeeda Xisbiga Social Democrat ee gobolka Lower Saxony, ayaa noqonaya wasiirka difaaca ee Jarmalka, sida ay sheegeen Salaasadii dhowr Wargeys oo Jarmal ah.

Wasiirkii difaaca Jarmalka Haweenayda Christine Lambrecht ayaa sidoo kale is casishay kaddib markii dawladeeda ay la kulantay cadaadis isa soo taraya, kaas oo lagu dirqiyayo Jarmalka inuu xulufada ka ogolaado in ay taangiyo culus oo Jarmalku sameeyo u soo diraan Ukraine, balse arrintaa noqotay mid guddaha Jarmalka aan laga soo dhowayn, iyadoo ay suurtagal tahay in dawladdu ku burburto haddii ay fuliso balanqaadka xulufada oo muhiim u ah qorshayaasha reer galbeedka ee ah in ay sii hubeeyaan Ukraine.

Maxaa Hortaagan Taangiyadda Dagaalka Ee Jarmalku Ukraine Ugu Balanqaaday,?

Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Chancellor Olaf Scholz ayaa xilka Wasiirka Difaaca u doortay Wasiirkii Arrimaha Guddaha Boris Pistorius, kaas oo ah shaqsi aan dibadda laga aqoon, balse Boris Pistorius wuxuu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Lower Saxony sagaal sannadood, iyadoo guddaha Jarmalka aad loo bartay, isla markaana lagu tilmaamo Nin shaqada Booliska ku wanaagsan oo wax qabta.

Boris Pistorius, ayaa siyaasadda kusoo biiray isagoo ah 16 jir, waa 62 jir, isagoo ilaa xilligaa ka mid ahaa Xisbiga Dimuraadiga, waxa uu bartay sharciga, wuxuuna tan iyo 2013, la tacaalayay amniga guddaha, sida dambiyada internetka, socdaalka, iyo ciyaaraha.

Laxidhiidha: UkraineMaraykanka Iyo Jarmalka Oo Ku Heshiiyay inay Ku Biiraan Faransiiska Oo Taangiyada Dagaalka ee U Diraya Kyiv

Boris Pistorius waxaa loo arkaa inuu yahay mid adag oo xubin muhiim ah ka ah xisbiga bidix ee Social Democrat, laakiin wax khibrad ah uma laha dhinaca Millateriga, balse wuxuu khibrad u leeyahay la tacaalidda danbiyada ciidanka Booliska iyo dib-u-qaabayntiisa, isagoo u arka hay’addaha amniga inay yihiin tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda, balse wuxuu daadafeeyay badhtamihii sannadkii hore dhaleecayn loo jeediyay oo ahayd in Booliska Jarmalka ay ka jirto cunsuriyad qarsoon, isagoo ku tilmaamay eeddahaa “tuhun guud oo aan sabab lahayn,” ayuu yidhi, Boris.

Maxaa Hortaagan Taangiyadda Dagaalka Ee Jarmalku Ukraine Ugu Balanqaaday,?

Hase yeeshee waxa jira caqabado waaweyn oo sugaya xilka wasiirka Difaaca ee Jarmalka Pistorius, kuwaas oo qayb ka ah siyaasaddaha isku murrugsan ee dagaalka Ukraine is waafajinta siyaasadda guddaha iyo siyaasadda difaaca ee xullufada.

Tusaale ahaan waxa dagaalka Ukraine markii uu bilaabmay Ra’iisal wasaaraha Jarmalka Chancellor Scholz ayaa 100 bilyan oo Yuuro ugu yaboohay ciidamada qalabka sida ee Jarmalka, taas oo qayb ka ahayd qorshayaal lagu xoojinayay ciidanka.

Laxidhiidha: Afgenbi Loo Qorsheeyay Dawladda Jarmalka Iyo Sarkaal Sirdoonka Dibedda Ah Oo Sir U Gudbiyay Ruushka

Lacagtaa ayaa noqonay mid ugu yaraan 20 bilyan oo Yuuro loo qorsheeyay soo iibinta rasaasta oo keliya, Maraakiibta cusub, Taangiyada ama Diyaaraddaha dagaalka F-35 ayaa sidoo kale ku kacaya balaayiin, taas oo lagu daray maalgelinta kaabayaasha arrimaha amniga iyo difaaca.

Laakiin wasiirkii hore ee gaashaandhigga Christine Lambrecht ayaa bishii December hakisay iibsashada baabuurta dagaalka ee loo yaqaan Puma. Kaddib markii ay soo baxeen faddeexado intii lagu guda jiray dhoolatuska rasaasta, dhammaan 18-ka baabuur oo naaca dagaalka lugta ah ee loo adeegsaday dhoolatuska ayaa fashilmay, taas oo noqotay fadeexad weyn oo dhanka difaaca ah.

Laxidhiidha: Annalena Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Tagtay Kyiv

Boris Pistorius, waxaa horyaal siyaasaddo adag oo go’aamkoodu ku xidhanyahay Ra’iisal wasaaraha, balse fulintooda looga baahnayahay,  maamul ahaan u fuliyo, sida hindisaha difaaca gantaalaha Jarmalka iyo Yurub ee nidaamka Arrow-3 Israel. Balse dooda ku saabsan in taangiyada dagaalka la geeyo Ukraine iyo in kale maaha wax fududu, sababtoo ah Ra’iisal wasaaraha Jarmalka ayaan laftiisu raali ka ahayn, iyadoo ay jirto dareen isa soo taraya oo lagu diidan yahay oo xukuumadda kaga imanaya guddaha, “Dhammaan go’aamada waxaa lagu gaadhi doonaa si gaar ah isuduwidda “asxaabteena iyo xulafadayada,” ayuu yidhi mar kale iyo mar kale, iyo ugu dambeyntii Jimcihii la soo dhaafay shir jaraa’id oo ka dhacay Xafiiska Chancellor, taas oo muujinay in aannu Jarmalku diyaar u ahayn inuu Hub iyo Taangiyo dagaal u diro Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com