Araweelo News Network.

Afgenbi Loo Qorsheeyay Dawladda Jarmalka Iyo Sarkaal Sirdoonka Dibedda Ah Oo Sir U Gudbiyay Ruushka

 

Munich (ANN)-Dawladda Jarmalka, ayaa xabsiga u taxaabtay Sarkaal sare oo tirsan Hay’adda sirdoonka dalka Jarmalka ee BND, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si hoose sir ugu gudbiyay dalka Ruushka.

Lama shaacin nooca sirta ee looga shakiyay in loo gudbiyay dalka Ruushka, balse Shaqaalaha ka tirsan hay’adda sirdoonka Jarmalka (Federal Intelligence Service) ee BND, ayaa la xidhay Arbacadii toddobaadkan, waxaana lagu soo ooggay dacwad, iyadoo lagu eeddeeyay Khiyaamo qaran.

ALt: Araweelo News

Calaamada Hay’adda Sirdoonka Jarmalka, Image Araweelo News Network, 23 Desember 2022.

“Sannadkii 2022-kii, wuxuu la wadaagay xog uu ku soo galay intii uu ku guda jiray shaqadiisa hay’ad sirdoon oo Ruush ah, waxa ku jira waxaa loo arkaa sir qaran.” sidaa waxa yidhi, dacwad oogayaasha.

Dacwad oogayaasha Federaalka ayaa warbaahinta u sheegay in Sarkaalkaa oo u shaqeynayay hay’adda sirdoonka dibadda ee Jarmalka, BND, la xidhay, iyadoo looga shakisan yahay khiyaano qaran kaddib markii badhitaan gudaha ah oo lagu sameeyay Hay’adda BND, lagu  ogaaday in ay jiraan eeddaha loo haysta ee ah in uu u dusiyay macluumaad sir ah Ruushka.

Sarkaalka oo magaciisu lagu soo gaabiyay, Carsten L., ayaa laga qabtay  Berlin, xafiiska dacwad oogista federaalka ayaa sheegay. in sidoo kale, Booliisku ay weerareen gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale shaqsiyaad kale.

Warbixin kale oo ay soo saartay BND waxay ku sheegtay in qofka shaqaalaha ah la geliyay xabsi ka hor, baadhitaanna lagu sameeyay laba ka mid ah xafiisyadooda.

“BND waxay bilowday baadhitaankeeda gaarka ah, isla markii ay ogaatay suurtagalnimada khiyaano qaran, madaxa BND Bruno Kahl ayaa laga soo xigtay hadalkaa. Markii tuhunnadani ay xoogaysteen, BND waxay u yeedhay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah, ayuu raaciyay.

 

“Caqligu waa furaha, waa in hore loo socdo, sababtoo ah faahfaahin kasta oo ku saabsan baadhitaanka oo la soo bandhigo dadweynaha waxay siin kartaa  mid ka soo horjeeda faa’iidada laga doonayo inuu ku dhibaateeyo Jarmalka,” ayuu yidhi, Bruno Kahl oo madax ka ah Hay’adda sirdoonka Jarmalka ee Bundesnachrichtendienst.

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa ka digay in ay u badan tahay in ay sare u kacday basaasiinta Ruushka marka la eego khilaafka Kremlin-ka iyo reer galbeedka ee duullaanka Ukraine. Dowladda Jarmalka ayaa eryay 40 “basaasiin” Ruush ah bisha Abriil, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka guddaha, wallow aannay Moscow ka jawaabin arrimahan. oo qayb ka ah dagaalka Ukraine.

Arrintan ayaa kusoo beegnatay, iyadoo toddobaadkii hore ay xukuumadda Jarmalku ka badbaaday inqilaab qorshaysnaa, balse laga war helay ka hor intii aan la fulin.

Aqalka hoose ee baarlamaanka Jarmalka, Bundestag, ayaa arrimahaa ka yeeshay kulammo albaabadu u xidhan yihiin Isniintii si ay uga doodaan baadhitaannada lagu sameynayo afgambiga ay maleegayeen kooxaha xagjirka ah ee lala xidhiidhinayo dhaqdhaqaaqa midigta fog ee Reichsbürger iyo fikradaha shirqoolka ee QAnon.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kooxdan ay qorshaynayaan in ay afgambiyaan dowladda Jarmalka, waxaana ka dhashay cadho ballaadhan, iyadoo xildhibaan hore uu ka mid ahaa dadka lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay.

Hay’addaha amniga ee Jarmalka, ayaa arrintaa u xidhay ugu yaraan 25 qof, waxaaana la raadinayaa 27 qof oo la ogaaday inay ku jiraan kooxda qorshaysaysay inqilaabka, sida ay sheegeen saaraakiisha sirdoonka waxa la helay boqolaal hub ah, waxaana la rumaysanyahay in kooxda inqilaabka qorshaynaysay ka badan yihiin itnaa oo dalka oo dhan ku baahsan yihiin, kuwaas oo baadidoonkooda  lagu jiro.

Sidoo kale, Isniintii, saddex fadhi oo guddi gaar ah ayaa lagu qabtay Bundestag oo albaabadu u xidhnaayeen, iyadoo Guddida arrimaha sharciga iyo guddiga arrimaha gudaha ayaa kulamo ku yeelanaya halkaas oo dowladda Chancellor Olaf Scholz iyo xeer ilaalinta federaalka ay ka gudbin doonaan “warbixinaha iyo natiijooyinka” weerarradaas iyo bixinta macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan howlgallada.

Kalfadhiga saddexaad, ayay xildhibaanadu su’aalo ku weydiiyeen guddiga kontoroolka baarlamaanka oo u xilsaaran sirdoonka guddaha iyo dibadda ee Jarmalka, balse lama shaacin waxa kasoo baxay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com