Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)- Gollaha Wasiirrada ayaa soo saaray qodobo kasoo dhexbaxay waxyaabaha lagu naaqishay shirkii gollaha Wasiirrada ee ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda, kaas oo uu guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed.ayaa ugu horayn laga dhegeystay warbixin la xidhiidha xaaladda amniga dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa shirka ka jeediyay warbixin la xidhiidha  dib-u-habaynta Deeqaha Caalamiga ah, waxa kale oo warbixin la xidhiidha  nidaamka casriga ah ee Xafiisyada Dawladdu ku shaqeeyaan ee loo yaqaanno  E-Government, laga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, Dr. Cabdi-wali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo sidookale xubno kale oo wasiirro ah oo dhankooda warbixino ka jeediyay shirka gollaha wasiirrada.

Sida lagu shegay war qoraal kooban oo kasoo qasriga Madaxtooyadda, waxa dhegeysiga warbixinaha wasiirrada kaddib shirka gollaha wasiirrada laga soo saaray qodobbadan:

  1. Waxa guddi kooban oo Wasiirro ah loo xilsaaray in ay talobixin urursan kasoo diyaariyaan qorshayaal lagaga hortagayo, laguna yaraynayo ama lagu cidhib-tirayo, shilalka gaadiidka, isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada iyo dhaqan-xumada.

Shirka gollaha Wasiiradda, ayaa si gaar ah loogu xusay in horumar lagu sameeyay waddooyinka cusub iyo kuwo la dayactirayba ay qayb ka noqdeen korodhka shilalka gaadiidka. Iyadoo 21-kii maalmood ee u dembeeyey oo keliya ay dalka ka dhaceen 114 Shilal gaadiid (Boqol iyo Afar iyo Toban). Kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalka ay ku geeriyoodeem 17 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 196 Qof.

  1. Waxa guddi kooban oo Wasiirro ah loo xilsaaray in ay dib-u-habayn ku soo sameeyaan Deeqaha Caalamiga ah ee la soo gaadhsiiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com