Matteo Messina Denaro, Doorkiisa Lala Xidhiidhiyay  Hawlgalada Iyo Qoyskooda

#Araweelo News Network.

 

Rome (ANN)-Dawladda Talyaaniga, ayaa si lama filaan ah gacanta ugu dhigtay Madaxa Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro oo sodonkii sanadood ee u danbeeyay baadidoonkiisa lagu jiray.

Hoggaamiyaha kooxda Maafiyada ee lagu magcaabo Sicilian Cosa Nostra, oo ka  mid ah kooxaha Maafiyada ee ku xididaystay dalka Talyaaniga, ayaa la qabtay xilli uu si qarsoodi ah u yimi xarun caafimaad oo gaar loo leeyanay, taas oo ku taal Sicily, halkaas oo uu doonayay inuu ka helo addeeg caafimaad.

Matteo Messina Denaro, ayaa lagu eeddeeyay inuu ahaa hoggaamiyaha Maafiyada Sicilian Cosa Nostra, wuxuuna baxsad ku jiray sodonkii sano ee u dambeeyay. Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Haweenayda Giorgia Meloni ayaa sheegtay in xadhigiisu guul weyn u yahay gobolka.

Raiisel wasaare Giorgia Meloni ayaa barteeda twitterka ku soo qortay: ” xadhigiisu Guul weyn oo u soo hoyatay gobolka, taas oo muujinaysa in aannay ka quusan wejiga Maafiyada.”

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Guido Crosetto ayaa ku tilmaamay xadhiga Matteo Messina Denaro “calaamad dowlad ka guuleysata Maafiyada.”

 

Taliyaha Booliiska Talyaaniga, Lamberto Giannini oo ka hadlay qabashada Hoggaamiyaha Kooxda Maafiyadda, ayaa yidhi, “Waa guul u soo hoyatay dhammaan ciidamada Booliska oo ka wada shaqeeyay sannadahan dheer in ay cadaaladda horkeenaan kuwa khatarta ah ee baxsadka ah,” ayuu yidhi, Taliyaha Booliiska Lamberto Giannini, isagoo ku hadalkiisa ku hambalyeeyay Booliiska, Millateriga Talyaaniga  iyo Dadweynaha oo gacan ka geystay in lasoo qabto Matteo .

 

Sidoo kale, Saraakiisha dowladda ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya qabashada Matteo bartooda Twitter ku soo qoray in ay u dabaal-degayaan “guul” ay sheegeen in ay u soo hoyatay Talyaaniga.

 

Ninkan oo mararka qaar loo yaqaanay Denaro ayaa lagu xukumay xabsi daa’in isagoo maqan sannadkii 1992, kaddib markii lagu eeddeeyay inuu door ku lahaa dilalkii dacwad oogayaashii ka soo horjeeday Maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino, waxaana loo maleynayaa inuu mas’uul ka ahaa tobanaan dilal lala xidhiidhiyay Kooxaha Maafiyadda Talyaaniga.

 

Loo yaqaan Diabolik, waxaa loo arkaa mid ka mid ah beddelayaashii Bernardo Provenzano, kaasoo lagu xiray bannaanka Corleone, Sicily, Abriil 2006.

 

Waxaa xabsiga loo taxaabay intii lagu guda jiray weerar ay fuliyeen wakiilo khaas ah oo ka tirsan kuwa ka hortagga Maafiyada ee loo yaqaan Carabinieri saacadihii hore ee subaxnimadii Isniinta.

 

Kooxaha Maafiyada iyo kuwa looga shakisan yahay ayaa lagu bilaabay ugaadhsi bishii Septembar 2021, taas oo horseeday ugaadhsi in lagu baadigoobo boqolaal Tuulooyinka dalka ah, ayuu yidhi dacwad ooge u dhashay Talyaaniga.

Matteo Messina Denaro, oo sidoo kale loo yaqaan naanaysyada U siccu iyo Diabolik, ayaa ku dhashay Castelvetrano, 26 Abriil 1962), isagoo Hoggaamiyaha Koox Maafiyo ah oo ku xidhan Kooxda Cosa nostra.

 

Hoggaamiyaha la qabtay, ayaa ahaa Madaxa degmada Castelvetrano iyo wakiilka Maafiyada ee gobolka Trapani, wuxuuna ahaa mid ka mid ah madaxda ugu awoodda baddan dhammaan Cosa Nostra, isagoo gaadhay ilaa heer uu awoodiisa ku isticmaalo xitaa meelo baxsan xudduudaha gobolkiisa, sida laga soo xigtay saraakiisha Talyaaniga.

Matteo Messina Denaro, ayaa sannadkii 1993, ku jiray liiska kuwa ugu khatarsan ee la doondoonayo adduunka. Messina waa wiilka Francesco Messina Denaro, waxay wallaalo yihiin Patrizia Messina Denaro, waxaana adeer u ah Francesco Guttadauro.

Isaga iyo Aabbihiis, Messina Denaro waxay fuliyeen mashaariicda waaweyn ee dhul-beereedka qoyskooda “D’Alì Staiti,: waxayna hore u ahaayeen Mullkiilayaasha Banca Sicula ee gobolka Trapani, taas oo ah hay’adda ugu muhiimsan ee bangiyada gaarka loo leeyahay ee Sicily, iyo Dugsiyada lagu barto  cusbada. ee gobolkaTrapani.

Matteo, ayaa Aabihii loogu yeedhaa ​​ Antonino Marotta, taas oo ka dhigay inuu yahay “nin sharaf leh” iyo inuu ahaa xubin hore oo ka tirsan Baandada Salvatore Giuliano, kaas oo sidoo kale ku lug lahaa geerida qarsoodiga ahayd ee dad baddan, isla markaana baxsad ku jiray ilaa 1990 .

Sannadkii 1989, Messina Denaro waxaa lagu dhaleeceeyay inuu ka mid yahay ururka Maafiyada, sababtoo ah waxaa loo nisbeeyay inuu ku lug lahaa colaadda dhiigga leh ee u dhaxaysay qabiilooyinka Accardo iyo Ingoglia ee Partanna.

Sidoo kale, waxa lala xidhiidhiyay inuu sannadkii 1991, masuul ka ahaa dilka Nicola Consales, mulkiilaha hoteel ku yaal Triscina, kaas oo ka dacwooday shaqaalihiisa Austrian oo sidoo kale ahaa Messina, maadaama uu dhab ahaantii lahaa doorka madaxa qabiilka Castelvetrano iyo degmadiisa, oo ah xulafada Corleonesi tan iyo dagaalkii Maafiyada horaantii 1980.

Matteo, ayaa ka mid noqday hoggaamiyeyaasha cusub ee kooxda Sicilian kaddib markii la xidhay Bernardo Provenzano 11 April 2006 iyo Salvatore Lo Piccolo bishii November 2007. Messina Denaro wuxuu bilaabay xirfaddiisa dembiyeed isagoo 18 jir ah, isagoo ah waardiye iyo dilaa xirfadle ah noqday. Kaddib markii heesaaga Elena Zagorskaya la sheegay inuu  soo bandhigay qoyskooda “ D’Ali”, kaas oo caan ku noqday qaran ahaan 12 Abriil 2001 markii majaladda L’Espresso uu ku dhejiyay cinwaankii ahaa “Ecco il nuovo capo della Mafia”, taas oo ahayd “Waa kan madaxa cusub ee Maafiyada.” Sidaa awgeed wuxuu Matteo Messina Denaro waajahayaa dacwado waaweyn, kaddib markii si lama filaan ah gacanta loogu dhigay 16 Jan 2023.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com