#Araweelo_News_Network.

Berlin (ANN)-Ciidamada Dawladda Jarmalka ayaa howlgalo isdaba joog ah ka fuliyay goobo xidhiidh la leh kooxda lagu magacaabo Reichsbürger, kuwaas oo bishii lasoo dhaafay ee December doonayay inay dalka ka sameeyaan Inqilaab.

Kooxda shabakadda midigta fog ee lala xidhiidhiyay inay ku lug lahayd shirqool la sheegay bishii December ee la soo dhaafay oo la doonayay in lagu afgambiyo dawladda Jarmalka, ayaa hore looga xidhay qaar baddan oo ka mid ah.

Hawlgalka maanta, waxay saraakiisha Jarmalku sheegeen in hal askari ku dhaawacmay, mana ay sheegin khasaare nafeed oo kale iyo in ay jiraan dad lagu soo qab qabtay.

Hawlgalka, ayaa daba socda dhacdooyin dalka Jarmalka kusoo xoogaysanayay muddooyinkii u danbeeyay tan iyo dabayaaqadii 2022, iyadoo arrimahaasi salka ku hayaan siyaasaddaha murugsan ee ka dhashay dagaalka Ukraine iyo taageerada Millateri ee Jarmalku muujiyay, kaddib markii uu muddo dhawr bilood ah ka war wareegayay.

 

 

Dawladda Jarmalka, ayaa dabayaaqadii bishii December xabsiga u taxaabtay Sarkaal sare oo tirsan Hay’adda sirdoonka dalka Jarmalka ee BND, kaddib markii lagu eeddeeyay inuu si hoose sir ugu gudbiyay dalka Ruushka. Lama shaacin nooca sirta ee looga shakiyay in loo gudbiyay dalka Ruushka, balse Shaqaalaha ka tirsan hay’adda sirdoonka Jarmalka (Federal Intelligence Service) ee BND, ayaa la xidhay December, waxaana lagu soo ooggay dacwad, iyadoo lagu eeddeeyay Khiyaamo qaran.

“Sannadkii 2022-kii, wuxuu la wadaagay xog uu ku soo galay intii uu ku guda jiray shaqadiisa hay’ad sirdoon oo Ruush ah, waxa ku jira waxaa loo arkaa sir qaran.” sidaa waxa yidhi, dacwad oogayaasha. Kaddib markii badhitaan guddaha ah oo lagu sameeyay Hay’adda BND, lagu  ogaaday in ay jiraan eeddaha loo haysta ee ah in uu u dusiyay macluumaad sir ah Ruushka.

Sarkaalka oo magaciisu lagu soo gaabiyay, Carsten L., ayaa laga qabtay  Berlin, xafiiska dacwad oogista federaalka ayaa sheegay. in sidoo kale, Booliisku ay weerareen gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale shaqsiyaad kale.

Warbixin kale oo ay soo saartay Desember 2022,  BND, waxay ku sheegtay in qofka shaqaalaha ah la geliyay xabsi ka hor, baadhitaanna lagu sameeyay laba ka mid ah xafiisyadooda.

BND,waxay bilowday baadhitaankeeda gaarka ah, isla markii ay ogaatay suurtagalnimada khiyaano qaran, madaxa BND Bruno Kahl ayaa laga soo xigtay hadalkaa. Markii tuhunnadani ay xoogaysteen, BND,,  waxay u yeedhay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah, ayuu raaciyay.

Laxidhiidha: Afgenbi Loo Qorsheeyay Dawladda Jarmalka Iyo Sarkaal Sirdoonka Dibedda Ah Oo Sir U Gudbiyay Ruushka

“Caqligu waa furaha, waa in hore loo socdo, sababtoo ah faahfaahin kasta oo ku saabsan baadhitaanka oo la soo bandhigo dadweynaha waxay siin kartaa  mid ka soo horjeeda faa’iidada laga doonayo inuu ku dhibaateeyo Jarmalka,” ayuu yidhi, Bruno Kahl oo madax ka ah Hay’adda sirdoonka Jarmalka ee Bundesnachrichtendienst.

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa ka digay in ay u badan tahay in ay sare u kacday basaasiinta Ruushka marka la eego khilaafka Kremlin-ka iyo reer galbeedka ee duullaanka Ukraine. Dowladda Jarmalka ayaa eryay 40 “basaasiin” Ruush ah marka la gaadho bisha April 2023, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka guddaha, wallow aannay Moscow ka jawaabin arrimahan. oo qayb ka ah dagaalka Ukraine.

Laxidhiidha: Ukraine: Booqashada Wasiirka Jarmalka Oo Uga Dartay Xaaladda

Arrintan ayaa kusoo beegnatay, iyadoo dabayaaqadii December 2022, xukuumadda Jarmalku ka badbaaday inqilaab qorshaysnaa, balse laga war helay ka hor intii aan la fulin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com