#Araweelo_News_Network.

 

 

Burco (ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xaaladda maxaabiista lagu qabtay dagaalkii u danbeeyay ee ka dhacay Laascaanood la wadaagtay warbaainta.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamed Cabdullaahi Nafaqo, ayaa maanta booqday maxaabiis dhowaan lagu soo qabtay dagaalka Laascaanood oo ku xidhan xabsiga Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Guddoomiye Nafaqo oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey in tacaddi loo gaystay maxaabiista, wuxuuna tilmaamay inay ku jiraan gacanta dawladda oo aannay jirin wax dhibaato oo loo geystay iyo tacadi toona, isagoo sheegay in 12 maxbuus soo gaadheen, isla markaana sagaal ka mid ah xabsiga ku jiraan oo si wacan loo daryeelay, halka saddexda maxbuus ee kale lagu dabiibayo cusbitaalka Burco.

Saraakiisha ku jira maxaabiista, ayaa dhankooda sheegay in aannay waxba ka jirin wararka meelaha la wareejinayo oo ay sheegeen inay dad xun oo doonaya inay dadka is nacsiiyaan ay faafinayaan, waxayna dhamaantood qireen in si fiican oo gebonimo leh loola dhaqmay oo aannay jirin wax dhibaato ah iyo tacadi loo geystay midna, sidaa awgeed laga daayo dacaayada.

“Waxan ku jiraa gacan amaan ah, ma jiraan wax tacadi iyo dhib ah oo naloo geystay, waxa naloola dhaqmay si gobanimo ah,” ayuu yidhi, mid ka mid ah saraakiisha, wuxuuna soo jeediyay inaan la dhegaysan wararka aan waxba ka jirjn ee dacaayada ah, kuwaas oo sida uu sheegay la doonayo in sumcada Somaliland lagu xumeeyo, isla markaana dadka lays nacsiiyo.

Sidoo kale, sarkaal kale oo ka mid ahaa maxaabiista oo kuwa ugu derejada sareeya, ayaa sheegay inay xabsiga ugu yimaadeen dadkii ay ehelka ahaayeen, isla markaana cid walba loo ogolaaday inay booqdaan, waxayna ka mahad sheegteen ciidanka Asluubta Somaliland ee gacanta ku haya oo ay sheegeen si gaar ah oo ixtiraam iyo qadarin mudan ula dhaqamaan oo aannay jirin baahi ay qabaan iyo waxay ka wer werayaan.

“Dadka dacaayaddaha beenta ah faafiyey, waxaan leenahay joojiya, xumaanta aannay u qalmin ka daaya dadka sida fiican ee gobonimada ah noola dhaqamay”. Ayuu yidhi.

Sidoo kale, Maxaabiista kale, ayaa dhankooda ka mahad sheegtay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciidanka Asluubta ee gacanta ku haya oo ay sheegeen  inay si gobonimo leh ula dhaqmayaan, isla markaana qaarkood oo dhaawac ahaa la daweeyay,  kuwii kalena la hayo iyagoo xusay in dad ehel ah oo Togdheer ku sugan loosoo fasaxay, sidaa awgeed waxay dhankooda ugu baaqeen in la wanaajiyo maxaabiista laga hayo Somaliland ee Puntland iyo Laascaanood.

Dhinaca kale, Taliyaha Asluubta gobolka Togdheer ee Burco ayaa sheegay in nin gaashaanle ah oo ugu dhaawac cuslaa ay qalliin u dalbayaan oo la dawaynayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com