Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa booqasho aan la sii shaacin oo dhuummasho ah ku tagtay Arbacadii dalka Ukraine.

Alt: Araweelo News
Midig, Wasiirka Arrimaha dibedda Ukraine, Dmytro Kuleba iyo Bidix Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Baerbock oo shirjaraa’id ku wada qabtay Kyiv, 11 May 2022, Image file, Araweelo News Network.

Haweenayda ayaa noqnay diblumaasiga ugu sarreeya Jarmalka ee booqday magaalada Bucha oo u dhow Kyiv, halkaas oo la sheegay in ciidamada Ruushka ay ka galeen dambiyo dagaal.

Booqashada Baerbock, ayaa lagu macneeyay sababta aannay saaxafadu uga war helin ka hor intii aan mar keliya lag war helin iyadoo ku sugan Ukraine ay la xidhiidho sababo dhanka amniga ah, maadaama xaaladda dagaalka ka socda dalkaa uu sii kululaaday, isla markaana u muuqdo in dar-dar cusub oo gobolka si weyn jawigiisa wax uga bedelay loo dareemayo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Baerbock iyo dhiggeeda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabteen Kyiv, waxaana sababo dhinaca ammaanka ah saxaafaddu dib u dhigtay shirka jaraa’id.

Booqashada Baerbock ee Kyiv waa safarkii ugu horreeyay ee uu halkaas ku tago xubin ka tirsan xukuumadda Berlin tan iyo markii uu Ruushku soo galay duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine 24 February., balse waxa jirtay in hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka uu dhowaan booqday Kyiv, iyadoo markaa kaddib Jarmalku hub iyo saannad Millateri u diray Ukraine, isla markaana beddelay mawqifkiisi hore ee dagaalka, wallow ra’iisal wasaaraha Jarmalka loo diiiday booqashada Ukrraine, iyadoo Ukraine hore ugu eeddaysay in markii uu wasiirka arrimaha Dibadda ahaa siyaasad ahaan taageersanaa Vladimir Putin.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa ka digay in Ruushka uu isku diyaarinayo dagaal dheer oo lagu qaado Ukraine, taas oo xaaladda ka dhigaysa mid khatar weyn ay waajihi karaan dalalka mandaqada oo xilliganba dagaalku saamayn ku yeeshay.

Agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka, Avril Haines, ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu weli leeyahay hammi ka baxsan qorshihii hore ee ahaa qabsashada gobolka Donbas.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com