“Madaxdu waxay ka wadahadleen Ballaadhinta iyo tayaynta iskaashiga Somaliland, si la mid ah Dawladdaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, oo waafaqsan siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya keli ah iyo dastuurka Soomaaliya. “

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay kulan laba geesood ah oo dhexmaray wefdi culus oo ka socda dawladda Maraykanka oo doorasho aan hore loo shavin ku yimi Somalilad Khamiistii maanta 12 May 2022.

Alt: Araweelo News
Madaxweynaha Somaliland, Musue Biixi iyo masuuliyiinta kale ku weheliyay kulanka oo la shiraya wefdiga Maraykanka eeTaliyaha Ciidanka Maraykanka Gen. Stephen Townsend, oo ah Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Afrika, oo uu weheliyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry E. André, Jr. oo booqasho ku yimi Hargeysa, , May 12, 2022 Image Araweelo News Network.,Egal Internartional Airport Hargeisa.

Madaxweyne Biixi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha gullaha wasiirrada iyo taliyayaasha ciidamada Somaliland, ayaa wefdiga General Stephen Townsend, oo ahTaliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry E. André, Jr., kusoo dhoweeyay Madaarka Hargeysa.

kulanka labada dhinac oo ahaa mid laba geesood ah, ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijisay Madaxtooyaddu.

Si ramsi ah looma ogga ujeedada socdaalka iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweyna iyo masuuliyiinta ku weheliyay kulankaa oo waqti qaatay, Isla markaana aannay saxaafada Somaliland waxba kala secon, balse kulanka kaddib qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid wadatashi ah, wallow qoraal aad ugu fog kaas uu kasoo baxay Taliska Maraykanka ee Afrika ee fadhigiisu yahay Djibouti.

Kulanka waxa lagaga halday sidii wada-tashi looga samayn lahaa horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika. General Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidammada Maraykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Maraykanka, sida lagu sheegay warka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.


Qoraalka, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News News ayaa ayaa lagu xusuy in Madaxweyne Biixi uga mahad celiyay weftiga safarka ay ku yimaadeen Somaliland, iyadoo qoraalka la raaciyay, inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka.

Booqashada General Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay xidhiidhka labada dhinac.“ayay tidhi, Madaxtooyaddu, laakiin war ka duwan kaas ayay sheegeen Taliska AFRICOM.

“Madaxdu waxay ka wadahadleen ballaadhinta iyo tayaynta iskaashiga Somaliland, si la mid ah Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, oo waafaqsan siyaasadda Maraykanka ee “Somalia keli ah” iyo waafaqsan dastuurka Soomaaliya. Kaddib kulankii Hargeysa, André iyo Townsend waxay u safreen Berbera si ay u soo daawadaan garoon diyaaradeed oo Ciidamada Cirka ee Maraykanka ee Yurub – Ciidamada Cirka Afrika ay qiimeeyeen xagaagii hore.”ayaa lagu yidhi, qoraal kooban oo lagu daabacay shebekadda Taliska ee Africom.

Sidoo kale, qoralkaMadaxtooyadda, ayaa lagu xusay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, kaas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waana mid caawinayna ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa lagu yidhi, warka kasoo baxay dhanka madaxtooyadda.


Qoraalka ayaa xusay in Wefdigu dhankooda si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha, iyagoo General Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, u sheegeen inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Milliteriga ee labada dhinac.


General Stephen Townsend iyo Ambassador Larry André, ayaa booqasho gaaban ku tegey intii ay ku sugnaayeen Somaliland, Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera.

  “Qiimayntaas iyo booqashadani waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu qiimeynayo goobaha shaqada ee suurtagalka ah si loo awoodo in loogu diyaargaroobo xaaladdaha lama filaanka ah, jimicsiga u diyaargarowga ama hagaajinta habka xoogga marka loo baahdo” sidaa waxa ku macneeyay booqashada ay ku tageen Berbera wefdiga Maraykanka, waxayna sidaa ku sheegeen war koobban oo ay ku daabaceen shebekadda AFRICOM.

Hase yeeshee Booqashada wefdiga ee Berbera, waxay madaxtooyaddu ku sheegtay in maadamaa Dekedda iyo Madaarka labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaadhiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaallaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland, dalalka ay saaxiibka yihiin iyo gobolka intaba.

Booqashada Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay kusoo beegantay bil kaddib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi booqasho ku tagay Maraykanka March, 2022, isagoo xilligaa kulamo la yeeshay Masuuliyiin Maraykanka, waxyna xilligan Madaxtooyaddu qirat in Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ay hore usoo booqdeen Somalland, iyagoo Magaladda Berbera ku tegey safar aan la shaacin August 2021.

Alt: Araweelo News Network.
Madaxweynaha Somaliland, Musue Biixi, wasiirrada iyo Taliyayaasha ciidanka Somaliland iyo wefdiga Maraykanka eeTaliyaha Ciidanka Maraykanka Gen. Stephen Townsend, oo ah Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Afrika, oo uu weheliyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry E. André, Jr. oo booqasho ku yimi Hargeysa, , May 12, 2022 Image Araweelo News Network.,Egal Internartional Airport Hargeisa.

Laxidhiidha: Washington: Madaxweyne Biixi Oo Kulamo Xaasaasi Ah Iyo Dooddo Loo Qorsheeyay

Kulanka wefdiga Maraykanka ee Madaxweyne Biixi kula yeeshay Madaarka Hargeysa, waxa ku weheliyay Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, Gashaandhiga Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid), Taliyeyaasha Ciidamada Milliteriga iyo Booliiska, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Dhinaca kale, Maraykanka oo si weyn uga werwersan xaaladda Bariga Yurub ee dagaalka Ukraine oo saamayn dhaqaale iyo mid amni ku yeeshay dunidda iyo gobolkaba, ayaa sidoo kale isha ku haya xiisaddaha ka socda gobolka ee Suudaan iyo Ethiopia, wuxuuna Taliska AFRICOM, muddooyinkii u danbeeyay waday dhaqdhaqaaqyo gobolka Geeska Afrika ah iyo kuwo xulufaysi kale oo ay Uganda kagii hadhay saaxiibo hore ugu tirsanaa oo Ethiopia iyo Kenya ay ka mid ahaayeen, iyadoo tababaro loo qabanyo qaar ka mid ah dalalka galbeedka Afrika iyo Afrikada dhexe iyo Koonfurta oo xilligan Maraykanku doonayo in dhanka Ciidamadda uu kasoo galo dalal baddan oo Afrika ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com