Washington: Kulamada Madaxweynaha ayaa ah kuwo ahmiyad weyn u leh Somaliland

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN()-Madaxweynaha Somaliland, Musue Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey Magaaladda Washington ee cariga Maraykanka.

Alt: Araweelo News
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka degey Washington, 14March 2022

Sodaalka Madaxweyne Biixi iyo arrimaha la xidhiidha booqashadiisa iyo sidoo kale kulamada u qorshaysan waxa sharaaxad ka bixiyay WakiilkaSomaliland ee Dalkac Maraykanka Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good.

Wuxuu sheegay Ambassador Good in Madaxweynuhu muddo tobban maalmood ah joogi doono dalka Maraykanka, isla markaana kulamo la yeelan doono Masuuliyiin xukuumadda Washington ka tirsan iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahaan Kongareska.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi ka jeedin doonno maalinta Beri ee Isniinta 14 March Xarunta Daraasaadka ee Heritage, isla markaana ay qorshaha ugu jirto Madaxweynaha inuu kulan la yeesho Jaaliyadda Somaliland ee Cariga Maraykanka.

 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa, ayuu sheegay Ambassador Bashiir Good in  galabta si diiran loogu soo dhoweeyay Washington.

 “Safarka Madaxweynuhu waxa uu la xidhiidhaa waxa waayadan soo korayay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Maraykanka ilaa saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, marba heer ayuu soo marayay, laakin sixawli ah ayuu u korayay.” Ayuu yidhi, isagoo dhinaca kale xusay in ay taas bedelkeeda soo kordhayeen duruufo baddan oo ka jira gobolka iyo aduunkaba, taasina waxay keentay halgan weyn oo ka dhaxeeya Maraykana iyo Shiinaha,waxaana xilligankusoo biiray arrinta Ruushka, ayuu yidhi, Ambasaador Good.

Wuxuuna intaa ku daray in arrimahaa oo dhan muujinayaan in Somaliland tahay Meesha kaliya ee Geeska Afrika ay ka jirto nabadgelyo, dimuqraadiyad iyo fir-fircooni, sidaa darteed wuxuu sheegay in Maraykanku aad u xiisaynayo Somaliland oo la soo dhaweeyo, isla markaana wax lala qabsado, taasina ay ku xidhan tahay hawshii badnayd ee aannu gelinay”.

Ambasaador Good, ayaa carabkaku dhiftay in dawladdaha waaweyni si gaar ah ugu hirdamayaan  oo ay ku loolamayaan meelaha Istaraatijiga ah iyo meelaha biyo mareenada ah ee dhinacyada dhaqaalaha,ammaanka iyo ganacsiga aduunka muhiimka u ah, Sidaa awgeed ay Somaliland kutaalo buqcad aad ugu muhiima dhinaca amniga iyo ganacsiga aduunka oo ay maraan marinta gacanka cadmeed oo 40% (Boqolkiiba Afartan) ganacsiga adduunku maro. In ka baddan 20% (Boqolkiiba labaatan) ay marto saliida adduunka ama shidaalka adduunka u kala goosha.” Ayuu yidhi.

 Sidaa awgeed wuxuu tilmaamay in Maraykanku Somaliland u arkaan meel ay Saaxibtinimo dhow la yeeshaan oo aanay gacmo kale usoo waydaaran”sidaa ayuu yidhi, Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good oo Waraysi siiyay Telefiishanka HCTV.

Mar uu ka hadlayay Ambassador Good faa’iidada Somaliland ugu jirta Weftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ee socdaalka ku tagay dalka Mareykanka, wuxuu isagoo arrintaa ka jawaabaya yidhi, “Somaliland waxay ka heli kartaa dawlada-weyn ee Maraykanka la yeelan kartaa xidhiidh dhaqaale, maal-gelin ayaa imanaysa, waxa iman-karta in la iska kaashado dhinaca istaraatiijiyada, tababarada iyo ammaanka, sidaa darteed waxyaabo farabaddan ayaa Somaliland uga soo kordhi kara oo sababi kara inay xidhiidh fiican la yeelato Mareykanka, ayuu yidhi.

Dhinaca kale, isagoo sharaxaya kulamada Madaxweynaha u qorshasay, wuxuu yidhi, “Madaxweynuhu wuxuu maalinta Isniinta abaaro 11:00 subaxnimo ka jeedin doona hadal taariikhiya Heritage foundation oo ah meelaha rayi’ga laga curiyo kuwa uguwaa-weyn ee dalka Maraykanka, isla markanaa ugu hantida baddan, sidaa awgeed dadka lasoo casuumay waxay isugu jiraan laba qeybood, dad Internet-ka ka daawanaya iyo dad imanaya goobta, dadka lasoo casuumay waa dad ka tirsan dawladda, gaar ahaan Congress-ka shaqaalihiisa, waa dad ka tirsan khubarada Gobolka iyo meelo kale oo wax ka qora, aqoonyahanka iyo saxaafadda, ayaa imanaya.”ayuu yidhi.

Goobtaa ayaa sida uu sheegay Madaxweynayaasha iyo hoggamaiyayaasha booqda Maraykanka ay khasab tahay in ay taggaan, maadaama sida ay tahay  meelaha rayi’ga laga curiyo(Think Tank)inuu ka hadlo, markaa Madaxweynuhu meelihii ugu wanaagsanaa ayuu ka hadlayaa Madaxweynuhu., ayuu raaciyay.

Ambassador Bashir, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu sagaal ilaa tobban maalmood ku qaadan doono booqashadiisa, isla markanaa shirar kala duwan la geli doono saraakiil ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biden, gaar haan Wasaaraddaha Arrimaha dibadda Gaashaandhiga iyo Gollaha Amniga ee Aqalka cad ee Maraykanka.

Sidoo kale, Ambassador Bashiri, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi kulamo la yeelan doono guddiyada arrimaha dibadda ee labada aqal ee Maraykanka Senate-ka Iyo Congress-ka, gaar ahaan kuwa u qaabilsan cimilada iyo ilaalinta duur-joogta, markaa kaddibna uu ka hadlayo doodo kale oo ay Jaamacaddo ka mid yihiin iyo meellaha kale ee rayi’ga laga curiyo (Think Tank), waxa kale oo uu la kulmayaa NGOs-yada waaweyn  sida, UICD-da iyo mid la yidhaahdo National Endowment for the Democracy NED”, ayuu yidhi, Ambassador Bashir.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com