Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa meel marisay miisaaniyad saddexda Bilood ee soo socda loo qorsheeyay in ay ku hawlgasho xukuumaddu.

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyaddaa loo qorsheeyay howl fulinta dowladda ee bilaha 1da April ilaa 30 ka Juun, taas oo dhan US$ 206,474,223.

Wasiirka Maaliyadda ayaa gollaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sannadka, si annay hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin, sidaana waxa lagu sheegay war kasoo baxay maanta xafiiska ra’iisal wasaare Rooble.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Maaliyadda in ay miisaniyadda Rubaca Labaad ee Sannadka ay ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyay, isagoo u mahadceliyay dhammaan hey’addaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Gollaha Wasiirrada ee ansixiyay.

Dhinaca kale, Shirka Gollaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, kuwaas oo sdia lagu sheegay qoraalka heer gebogebo ah maraya iyo dadaalloo ay sheegeen in dowladdu wax kaga qabanay abaaraha ka jira dalka