“Guddoomiyihi Hore Riyaraac si sharci ah Ayaa xilka Looga qaaday, wuxuu maamushay qandaraas $2milyan Ah.”Guddoomiyaha Cusub ee Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Araweelo News Network.

“Waxaan ku talinaynaa in aan maanta la burburin tacabka ay Somaliland Labaatanka sannadoo dhisaysay iyo sumcadii ay ka heshay doorashooyinka” Marwo Kaltuun.

 Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha dhowaan la doortay ee Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, balse guddoomiye xilka laga qaaday ee Cabdirashiid Riyaraac ku tilmaamay sharcidaro aan waxba waxba ka jirin ku tilmaamay doorashadeeda, ayaa daadafaysay guddida Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u magcaabay in ay soo baadhaan, kaddib markii khilaafkaasi soo baxay 28 April, 2022.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Image File Ataweelo News Network.

“Ma jirto mushkilad ka dhacday Kommishanka, waxa keliya ee la sameeyay Guddoomiyhii Cabdirashiid Riyaraac ayaa la bedelay, waxana la doortay Guddoomiye cusub oo aniga ah “Marwo Kaltuun”, sidaa ayay tidhi, iyadoo maanta Khamiistii la hadashay warbaahinta maxaliga ah ee magaaladda Hargeysa.

Marwo Kaltuun oo cuskanay Xeerka uu ku aasaasan yahay Kommiishanka Qaranka ee Xeer L/r 91/2021, kaas oo ay sheegtay in loo maray isbedelka doorashada guddoomiyenimadeeda.

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Amray Baadhitaanka Guddida Doorashooyinka

“Ma jiro khilaaf maaliyadeed oo ay si gaar ah u codsadeen xubaha Kommishanka oo soo dhexgalay, waxaase jiray khilaaf maamul oo soo jiray oo guddoomiyihii hore ee Kommishanku abuurayay.” Ayay tidhi.

Guddoomiyaha cusub Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, ayaa sheegtay in Guddoomiyihii hore sababta xilka looga qaaday ay ahayd khilaafka maamul, waxayna taxday eeddo la xidhiidha arrimahaa iyo inuu Guddoomiye Riyaraac shaqada maddaxa iskaga duubay oo ay isaga iyo Agaasimuhu isku duba riteen hawsha.

Laxidhiidha: Dareenka Ku Xeeran Khilaafka Guddida Doorashooyinka Iyo Jawaabta Madaxweyne Biixi

“Wuxuu marroorsi iyo is hirtaag ku sameeyay shaqooyinkii guddi-hoosaadka Kommishanka qaranka ee qaabilsanaa hawlaha maalinlaha ah ee hagidooda iyo jihayntooda. Sidoo kale wuxuu is hortaag ku sameeyay shaqadii diiwaangelinta oo ilaa hadda xarunta dhexe ay bannaan tahay, iyadoo wax ka yar Bil ay ka hadheen muddadii diiwaangelinta, taas oo dib u dhac ku imanayo xilligan.”ayay tidhi Marwo Kaltuun.

axidhiidha: Somaliland: Khilaaf Si Lama Filaan Ah Uga Qarxay Guddida Doorashooyinka

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdirashiid Riyaraac, ayay ku eeddaysay inuu ku tagrifalay maaliyadda Kommishanka si kasoo horjeeda xeerka Kommishanka ee Xeer L/r 91/ 2020, isagoo gaadhay go’aamo maaliyadeed oo laga qariyay xubnaha sida ay sheegtay Kommishanka, oo aannu waxba kala socod siin.

Laxidhiidha: Guddoomiye La Doortay Iyo Guddoomiye Riyaraac Oo Beeniyay.

“Wuxuu si gaar ah u maamushay qandaraasyo muhiim u ah doorashooyinka soo socda ahmiyad weyn u leh, kaas oo ah (Biometric voter verification. System) , oo ah qalabka lagu hubinayo cod bixiyayaasha oo $2, 000, 0000, (laba milyan oo dollar ah uu ku bixiyay, iyadoo aannay waxba kala socon xubnaha Komishanku.” Ayay tidhi.

Marwo Kaltuun, waxa ay sheegtay in saxeexa lacagta Kommishanka ee maaliyadda uu leeyahay oo keliya Guddoomiyaha Riyaraac iyo Agaasimaha, sidaa awgeed aannay xubnaha kale ee kommishanku waxba ka saxeexin kharashaadka maaliyadda iyo lacagata baxya.

Laxidhiidha Guddoomiye Riyaraac Oo Sababeeyay Xuddunta Khilaafka Mucaaradkana U Digay

Sidaa awgeed Marwo Kaltuun, waxay sheegtay in ay diyaar u yihiin in lasoo diro guddi baadhiseed oo madax-banaan, iyadoo ku tilmaantay guddida Madaxweynuhu soo magcaabay kuwo aan dhexdhexaad ahayn.

“Kommishanka Doorashooyinku diyaar ayuu u yahay baadhis guddi madaxbanaan, waxaan rumaysanahay in guddida hadda lasoo magcaabay ahayn guddi dhexdhexaad ah, waxaan ku talinaynaa in maanta aan la burburin tacabka ay Somaliland soo dhisaysay muddada ka baddan labaatanka sanandood iyo sumcadii ay Somaliland ka heshay doorashadii 2017, ee lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo doorashooyinkii isku sidkanaa ee 2022, waxaana rumaysanahay in aannu sifo sharci ah kaga qaadnay guddoomiyihii hore xilka, si sharciyana u dooranay guddoomiye cusub, sidaana ku qabano xilkii aannu ummadda Somaliland ugu dhaaranay.”

Laxidhiidha Guddoomiye Riyaraac Oo Sababeeyay Xuddunta Khilaafka Mucaaradkana U Digay

Marwo Kaltuun, waxay sheegtay in ay diyaar u yihiin Kommishanku in ay shaqdooda gutaan oo ay hawlaha ay xilligan wadaan ugu horayso qabashada diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku muddaysan dhammaadka May 2022, iyo doorashooyinka xisbiyada, amma Ururada siyaasada iyo doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee ku muddaysan dabayaaqada sannadkan 2022, iyadoo xustay in ay diyaariyeen kharashkii lagu qaban lahaa doorashooyinkaa oo aannay xaggooda diyaar u ahayn dib u dhac ku yimaada doorashooyinka, isla markaana ay ka go’antahay in ay Kommishan ahaan Madaxweynaha kala shaqeeyaan sidii loogu qaban lahaa doorashooyinkaa xilligooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com