Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Madaxweyne Biixi Iyo Xubnaha Guddida Doorashooyinka ?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay khilaafka lama filaanka ah ee kasoo dhexbooday Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Alt: Araweelo News Network
Madaxweynaha Somlailand, Muuse Biixi Cabdi iyo Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Image File, Araweelo News Network. 24 April 2021

Khilaafka, ayaa layaab ku noqday Bulshada, kaddib markii qoraal Arbacdii 27 April 2022, kasoo baxay guddida lagu shaaciyay doorashada guddoomiye cusub oo Guddidu u doorteen Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, balse saacado kaddib qoraal beeninaya uu soo saaray Guddoomiye Cabdirashiid Riyaraac.

Laxidhiidha: Khilaaf Si Lama Filaan Ah Uga Qarxay Guddida Doorashooyinka Somaliland

Hase yeeshee xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa si koobban uga hadashay arrinta kasoo ifbaxday guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaddib markii Madaxweynuhu kulan kula yeeshay qasriga madaxtooyadda Khamiistii 28 April, 20220,  xubnaha Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Si rasmi ah looma ogga waxa ay ka wadahadleen Madaxweyne Biixi iyo xubnaha Guddidu, lamana ogga in ay kulanka Madaxweynahu qabtay kasoo wada xaadireen iyo in kale xubnaha guddida oo ka kooban 7 xubnood, balse kulankaa kaddib qoraal koobban oo taxadir baddan ka muuqdo, ayaa kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda warfaafnta dhaqanka iyo wacyigelinta, kaas oo su’aalo kale dhaliyay, maadaama sida caadiga ah, kulamada qasriga Madaxtooyadda marka lala wadaagayo warbaahinta si bulshada loogu gudbiyo madaxtooyaddu war kasoo saarto itaalkasta ha lahaadee.

Qoraalka koobban ee uu ku saxeexan yahay wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebana Cali Koore, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu isugu yeedhay guddia doorashooyinka qaranka Khamiistii, kaddib markii qoraalo is khilaafsan kommishanku soo saareen Arbacadii 27 April 2022, sidaa awgeed wasiir Koore, wuxuu qoraalka ku sheegay in Madaxweyne Biixi labada dhinac ee  Guddida doorashooyinka ku wargeliyay in aannay waxba soo saarin ilaa inta arrintooda oo sharciga loo raacayo ay dhammaanay, markaa kaddibna sharcigu wuxuu ka yidhaahdo la raacayo.

Laxidhiidha: Guddoomiye La Doortay Iyo Guddoomiye Riyaraac Oo Beeniyay.

Khilaafka lama filaanka ah ee Guddida doorashooyinka, ayaan si dhab ah loo ogayn waxa dhaliyay xilligan, iyadoo aannay xataa hadlahaynta khilaafkoodu ahayn mid duul-duul laga maqlayay, isla markaana Guddidu hawshooda diyaarinta diiwaangelinta maalmihii ina dhaafay ay wateen, iyagoo qabtay kulamo loogu diyaarinayo halwadeenadii maamuli lahaa diiwaangelinta.

Laxidhiidha Guddoomiye Riyaraac Oo Sababeeyay Xuddunta Khilaafka Mucaaradkana U Digay

Hase yeeshee, waxa khilaafka xilligan ee Guddida doorashooyinka oo si weyn bulshadu isu weydiinay qaarkood u nisbeeyeen mid aannay sinaba uga madhnayn xukuumaddu, iyadoo ujeeddada ay ka leedahay ee ugu weyni tahay in la leexiyo jedwalka diyaargarawga diiwaangelinta ee ay hawsheeda ku jireen Guddidu iyo in la majarahabaabiyo hannaanka geedisocodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, maadaama khilaafka guddida doorashooyinku meesha ka saarayo rajadii awlaba laga dayrinayay ee qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Guurtida,

Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa taas bedelkeeda waxay marmarsiiyo u raadinaysaa mudda kordhin iyo cimri-dherer, madaama mudda xileedka xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ka hadheen xilligan wax ka yar lix bilood, iyadoo doorashada Madaxtooyadu ku muddanysan tahay 13 November 2022, wallow aannay muuqan sansaan doorasho iyo saaxad tartan loo saabaan urursanayo oo ka muuqda geyiga Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com