Sacdiya loollan adag kaddib waxay noqotay Haweenaydii u horaysay ee Shirgudoonka Baarlamaanka Soomaaliya

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, Image File, Araweelo News Network, 28 April 2022.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Guddoomiye ku xigeenada Guddoomiyaasha Aqalka hoose ee dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la doortay kaddib tartan adag, iyadoo goobta lagu qabtay doorashada ee Teenshada Afasiyoone si weyn loo ilaalinayay amaankeeda, maadaama ay cabsi ku gedaanayd.

Laxidhiidha: Dalabka Farmaajo Oo Ka Dhexmuuqday Doorashada Afasiyoone Ee Lagu Kala Guulaystay

Haweenay Xildhibaan ah oo magaceedu yahay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Gollaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, taas oo kusoo baxday tartan xaasaasi ah iyo loollan adag oo xamaasadaysan.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo muujisay loollan adag oo ay ku waajahday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), waxay isla soo gaadheen  wareegga saddexaad, waxayna kaga guulaystay wareegii u danbeeyay 137 cod,  halka xildhibaanka haweenaydaa tartanka adag la galay Maxamed Cali Cumar uu helay 107 cod oo keliya. Sidaana waxa ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Xildhibaan Sacdiyo.

Laxidhiidha: Somalia: Khilaafka Shirqooladu Ku Ladhan Yihiin Ee Doorashada Oo Sababay Inay Isku Mudhuxsadaan Farmaajo Iyo Rooble

Haweenayda oo ka mid ahayd xubnaha Baarlamaanka ee laga soo xulay maamul gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa noqonay tii u horaysay ee kursigaa ku fadhiista gollaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Tartanka Guddoomiye ku xigeenka labaad oo aannay sahlanayn loollanka loo galay, waxa ku tartamay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshir iyo Xuldhibaan Mahad Cabdale Cawed, waxaase ku guulaystay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka labaaad xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshir oo helay146 cod, iyadoo xildhibaanka la tartamayay Mahad Cabdalla Cawad uu helay 95 cod.

Laxidhiidha: Somalia: Doorashada Cabdi Xaashi Falcelinta Farmaajo Iyo Bud-dhiga Loollanka Siyaasada

Doorashada labada guddoomiye ku xigeen ayaa daba socotay, kaddib markii Arbacadii lagu doortay Teendhada Afasiyoone Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya,Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxanaa labada guddoomiye ku xigeen loo dhaariyay dedgdeg, iyadoo wixii hadda ka danbeeya loo dhegtaagayo doorashada Madaxweynaha oo aan weli la cayimin, taas oo labada golle laga sugayo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Faramaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble, ayaa labaduba hanbalyeeyay labada guddoomiye ku xigeen ee la dooray Khamiistii, waxayna u rajeeyeen in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, sidoo kale madada maamul gobolleedyada Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland, ayaa u hanbalayeeyay labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com