Mscow Waxay ku Hanjabtay Cunaqabatayn, waxayna Dalalka Yurub Ka Joojisay Qaarkood Gaasta

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladamir Putin ayaa ku hanjabay inuu jawaab Millateri oo degdeg ah bixinayo oo ay isticmaalayaan hubka ugu casrisan, haddii dalalka doonaya in ay soo farageliyaan waxa ka socda Ukraine ay tallaabo qaadaan.

Alt: Araweelo News
Vladimir Putin listens to a question at the end-of-year press conference in December 2017 / kremlin.ru, Image File Atraweelo News Network.

Ruushka ayaa dalalka reer galbeedka iyo xulufada NATO u sheegay in qorshayaashii ay ku doonayeen in ay dhaqaalaha dalkiisa ku curyaamiyaan aannay waxba uga fulin, taas bedelkeeda Ruushku ay sanayn doonaan tallaabooyin aannay kasoo waaqsan, iyadoo Moscow dalalka Yurubta ee gamcaha kula jira adagaalka ciidankiisu ka wadaan Ukraine ay durva tallaabo ciqaab ku ah ka qaadeen.

Laxidhiidha: NATO Oo Jarmalka Ku Qancisay Inuu Hub Culus U Diro Ukraine Iyo Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Cadhada Kula Dhacay

 Moscow, ayaa sheegtay laga bilaabo Arbacada 27 April 2022, dalalka poland to Bulgaria ka jarayo gaasta oo aannu ka iibinayn wixii xilligaa ka danbeeya, iyadoo dalalka Yurub uu doonayo inuu Ruushku ciqaab uga dhigo in ay gaasta dabiciga ah kaga iibsadaan lacagtiisa, taas oo uu doonayo in ay dhaqaalaha Maraykanka si toos ah u taabato, isla markaana ay dalalkaasi galaan xaalad amnidaro iyo mid dhaqaale.

Haeenayda Midawga Yurub madaxda ka ah ayaa dhankeeda sheegtay in dalalka naadiga Midawga Yurub ku bahoobay ay xaq u leeyihiin in ay ruushka lacagtiisa kaga iibsadaan gaasta. Xiisada u dhaxaysa Ruushka iyo Galbeedka ayaa cirka isku sii shareereysa kadib markii Ruushka uu ku dhawaaqay go’aankiisa ah inuu jaray gaasta uu siin jiray Poland iyo Bulgaria.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Ka Joojiyay Gaasta

Hase yeeshee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii ka digay in haddii dal kale uu soo faragaliyo howlgalka Ruushka ee Ukraine, Moscow ay qaadi doonto jawaab Millateri oo degdeg ah.

Hadal dhinacyo baddan oo uu ku sharaxayo siyaasada isahaysiga xulufada NATO ee Maraykanku hoggaamiyo iyo midawga Yurub, ayuu ka jeediyay Baarlamaanka hortiisa, wuxuuna Madaxweyne Putin, isagoo la hadlayay sharci-dajiyayaasha, yidhi “Haddii qof uu isku dayo inuu faragelin ku sameeyo dhacdooyinka hadda socda oo dibadda ah oo nagu abuuraya khataro aan la aqbali karin oo istaraatiijiyadeed dabeecad ahaan, waa inay ogaadaan in jawaabtayadu ay noqon doonto mid degdeg ah”.

Laxidhiidha: Ukraine: Saraal U Hadlay NATO Oo Sheegay In Ukraine Iyo Xullufadu Aannay Marnaba Iska Baacin Karin Ruushka

Putin ayaa sheegay in milatarigu aanu ka waaban doonin adeegsiga hubka ugu casrisan oo uu ku faanay in aannay jirin cid haysataa, isagoo yidhi, “Waxaan haysanaa dhammaan agabka tan, in qof kale aannu ku faani karin inuu haysto. Kuma faani doono: waan isticmaali doonaa, haddii loo baahdo.”ayuu yidhi, Madaxweyne Putin oo markii labaad ku hanjabay in ay haytsaan hub aannay cidna haysan, isagoo dhowaan gantaal ay Moscow  tijaabsay raaciyay farriin hanjabaad iyo faan ah oo uu ku sheegay in aannay jirin cid haysta ama samaysatay gantaalkaa oo isaga gudbaya qaaradaha, isla markaana ah mid casri ah.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Wefdi Sare U Diray Kyiv, Ka Hor Booqashada Antonio Guterres Ee Ukraine Iyo Moscow

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com