Maraykanka Oo Wefdi Sare U Diray Kyiv, Ka Hor Booqashada Antonio Guterres Ee Ukraine Iyo Moscow

Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Madaxweynaha Ukraine Voludyyr Zelnenskyy ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wahadahadal si toos ah u dhexmara Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Xogahayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin, Image File Araweelo News Network. 25 April 2022.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay tareenka dhulka hoostiisa mara ee Kyiv, madaxweynaha Ukraine Zelensky, wuxuu Axaddii sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Laxidhiidha: Vladimir Putin Aya Hore U Diiday Inuu Ka JawaaboTaleefoonnada Guterres

Hadalkiisa, ayaa jawaab u ah booqashada Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres isaga dab qaadaya Moscow iyo Kyiv, isagoo Salaada booqasho laba maalmood ah ku tegeya Moscow si uu ula kulmi Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo kala hadli doona tillaabooyinka lagu soo celinayo nabadda kaddib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Laxidhiidha: Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Oo Isku Biimaynaya Putin

Guterres ayaa markaa kaddib la kulmi doona Zelenskyy iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine 28 April, 2022, laba maalmood ka dib booqashada Moscow, Qaramada Midoobay ayaa sidaa ku sheegtay bayaan Sabtidii.

Dhinaca kale, Zelenskyy, ayaa sheegay inuu soo dhowaynayo inuu soo kulanka wafdiga ugu heer sareeya ee Maraykanka oo ku waajahan KyiV, kuwaas oo noqonaya wefdigii ugu cuslaa muddadii dagaalka socday laba bilood ee Ukraine iyo Riishka.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Gacanta Ku Dhigay Gobollada Koonfur Bari ee Ukraine Iyo Isballaadhinta Galbeedka

Xogahayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken oo ay weheliyaan Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin, ayaa booqanaya Axadda Kyiv, waxayna booqashadoodu kusoo beegmay saddex maalmood ka hor booqashada Xogahayaha Qaramada Qaramada Midoobay u qorshaysan Ukraine iyo Moscow.

Sidoo kale, boqoashada wefdiga Maraykanka ee Ukraine, ayaa kusoo beegnatay xilli uu gantaal si weyn oo ku dhacay dekeda Odessa uu si xun u burburiyay.

Laxidhiidha: Maalinta Vladimir Putin U Asteeyay Guusha Dagaalka Ukraine

Odessa ama Odesa waa magaalo caalami ah oo ku taal Ukraine waana deked weyn iyo xarun gaadiid oo ku taal xeebta waqooyi galbeed ee Badda Madow. Odessa sidoo kale waa xarunta maamulka ee Odessa Oblast iyo xarun dhaqameed oo qowmiyado badan ay ku nool yihiin.

Madaxweyne Zelnskyy wuxuu sheegay in gantaalku galaaftay siddeed qof oo la dilay, kuwaas oo uu ku jiro Ilama yar oo carruur ah, sidaa awgeed wuxuu sheegay inuu weydiisan doono dadka Maraykanka hub cusub si ay u joojiyaan, wuxuu ku tilmaamay dhul cusub oo Ruushku qabsanayo oo dalkiisa ah, gaar ahaan Koonfurta Ukraine iyo Barriga.

Laxidhidiha: Waa Kuma Ninka Generalka Hoggaaminaya Duullanka Ukraine Ee Wax Ka Beddelay Dagaalka?

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqday Kiev’s St. Sofia Cathedral si uu u duubo fariinta ciidda Easter-ka oo ah maalinta ay ka barakaystaan Masiixiyiinta Orthodox, waxaana loo duceeyay kuwa ka dagaalamaya jiidaha hore, iyo kuwa ku go’doonsan meelaha qaar sida magaalada Mariupol

Ukraine iyo Ruushku ayaa ah labada dale e ugu badan Masiixiyiinta Ortodokska. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhankiisa ka qayb galay xafladii Easter-ka oo Moscow si weyn looga xusay maanta oo Axadda, xuskaa oo lagu qabtay kaniisadda Masiixiyiinta ugu weyn Moscow.

Laxidhiidha: Dhacdooyinka Salka U Ah Dagaalka Ukraine ee sababay xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Hogaamiyaha kaniisada Ortodokska ee Ruushka Baadriyah Kirill, ayaa sheegay in uu rajaynayo in colaadda Ukraine ay si degdeg ah u soo afjarto. Laakiin Baadariga ayaa hore u teegaaray duullaanka Ruushka ee Ukraine, taas oo keentay in Baadariyada Adduunka ee Ortodokska ku kala qaybsamaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com