Vladimir Putin Aya Hore U Diiday Inuu Ka JawaaboTaleefoonnada Guterres

Kala Qaybsanaanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Dagaalka Ukraine

Araweelo News Network.

New York(ANN)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu booqdo magaalada Moscow xilli uu dagaalka u dhexeeyay Ruushka iyo Ukraine marayo meel aad u xun.

Alt: Araweelo News Network.
Ka bilaw bidig, Zelenskyy, dhexda Antonio Guterres iyo Biddix Vladimir Putin, Image File Araweelo News Network.

Booqashada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ku waajahn Moscow, ayaa qayb ka ah sidii dagaalka sida weyn saamaynta ugu yeeshay dhaqaalaha aduunka iyo amaanka ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine loo joojin lahaa., afhayeenka Eri Kaneko.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Gacanta Ku Dhigay Gobollada Koonfur Bari ee Ukraine Iyo Isballaadhinta Galbeedka

 Antonio Guterres ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo kala hadli doona tillaabooyinka lagu soo celinayo nabadda kaddib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

 Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Antonio Guterres booqashadiisa oo ah laba maalmood, ayaa loo qorsheeyay inuu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, la kulmi doono 26 April  2022, oo ku beegan Salaasada, sida ay bayaan ku sheegtay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Aqalka Kremlin ee looga taliyo Ruushka, ayaa xaqiijisay in Putin uu la kulmi doono Guterres 26 April 2022.

Qaramada Midoobay, ayaa dhankeeda sheegtay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres booqashadiisa ay qayb ka tahay inuu kulanka Madaxweyne Putin iyo wasiirkiisa arrimaha Dibedda Sergey Viktorovich Lavrov la yeelanayo ee Moscow kaddib laba maalmood wuxuu u boqoolayaa dhanka caasimadda Ukraine ee Kyiv, 28 April, halkaas oo uu wadahadal kula yeenayo Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy iyo wasiirkiisa arrimaha Dibedda.

Laxidhiidha: Maalinta Vladimir Putin U Asteeyay Guusha Dagaalka Ukraine

 Guterres ayaa todobaadkan u diray waraaqo Madaxweyne Putin iyo Zelenskyy, isagoo kaga codsanaya kulammadan shaqsiga ah iyo inay isku dayaan inay dib u soo ceshadaan hindisaha Qaramada Midoobay, kaasoo inta badan laga fogeeyay qalalaasaha tan iyo markii Ruushku soo galay Ukraine 24 February, 2022.

Waraaqihii uu diray Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guterres 19 April, 2022, waxa uu damcay in uu wadahadal ku dhammeeyo dagaalka.

“Waqtigan oo ay jirto khatar weyn iyo cawaaqib xumo, wuxuu jeclaan lahaa inuu ka hadlo tillaabooyin degdeg ah oo lagu nabadaynayo Ukraine,” sidaa waxa yidhi, oddobaadkan afhayeen u hadlay Guterres oo lagu magcaabo Stephane Dujarric.

Laxidhidiha: Waa Kuma Ninka Generalka Hoggaaminaya Duullanka Ukraine Ee Wax Ka Beddelay Dagaalka?

Qayb ka mid ah tani waa sababta oo ah dagaalku wuxuu u qaybiyay xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Shiinaha iyo Ruushka, ayuu raaciyay.

Shiinaha ayaa diiday inuu cambaareeyo duulaanka, isagoo ku tilmaamay Ruushka inuu dhibane u yahay dadaallada reer galbeedka ee lagu wiiqayo amnigiisa.

Laxidhiidha: Dhacdooyinka Salka U Ah Dagaalka Ukraine ee sababay xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Hase yeeshee Guterres waxa uu xidhiidh yar la lahaa Zelenskyy tan iyo markii uu dagaalku billowday, isaga oo kula hadlay mar keliya taleefoon, 26 March, 2022.

Laakiin Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gebi ahaanba diiday in uu wadahal khadka Telefoonka ah la yeesho Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, iyadoo Vladimir Putin diiday inuu qaado, ama ka jawaabo taleefoonnada Guterres, sidaa awgeed aannay jirin wax xidhiidh ah oo dhexmaray, tan iyo markii madaxa Qaramada Midoobay sheegay in duullaanka Ruushku uu ku xadgudbay axdiga Qaramada Midoobay, sidaa awgeed lama ogga waxa uu kal kulmi doono xilligan Xogahayaha Qaramada Midoobay Madaxweyne Putin, wallow booqashadiisa la aqbalay ay kusoo beegantay xilli Ruushku tilmaamay inuu guul ka gaadhay dagaalka socday labada bilood, balse waxa xusid muddan in muddadii uu dagaalku socday Madaxweyne Putin bahdilaad ku sameeyay madax baddan oo Yurub iyo Maraykaka ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com