> Guddida Doorashooyinka Oo Shahaadooyin Siiyay Xubaha La Doortay

Maaha Sharci Doorashada Gedo, waa in dedeg laysugu yimaadoMadaxweyne Farmaajo

Araweelo News Network.

Gedo(ANN)-Magaalada Ceelwaaq ayaa JImcihii waxaa lagu doortay 11 Xildhibaan oo ka mid noqday Gollaha Shacabka ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo ay maalmihii danbeeyay xiisad ka jirtay halka lagu qabnayo doorashada kuraasta Gedo ee Garbahaarey.

Alt: Araweelo News Network.
Guddida Doorashada Soomaaliya, Image Araweelo News Network, Muqdisho Somalia, 17 April 2022.

 Murran iyo xiisad muddooyin ka taagnaa kuraasta doorashada, ayaa sababay in guddida doorashooyinka heer Federaal sheegeen malmihii lasoo dhaafay in loo diiday booqashada Garabahaarey, sidaa awgeed ay doorashada u wareejiyeen deegaanka Ceelwaaq.

Hase yeeshee maamulka gobolka Gedo ee xaruntiisu tahay garbahaarey, ayaa ku hanjabay in aannay aqbali doonin haddii doorashada laga beddelo goobtii heshiiska ahayd ee Garbahaarey, balse guddida ayaa ka dhabeeyay in doorashada 11 xildhibaan oo gollaha shacabka ah lagu qabto Ceelwaaq, waxaana durba la siiyay xalay xildhibaanda kusoo baxay qaarkood shahaadada aqoonsiga.

Laxidhiidha: Khilaafka Hadheeyay Doorashada Iyo Xiisadda Kuraasta Gedo Oo Xoogaystay

Xildhibaanada shahaadooyinka la siiyay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kala ahaa Abdullahi Abukar Haji (Carab) GSH119, Prof. Abdi Ismail Samatar AS35, Hassan Budul Ali GSH079 iyo Jama Taqal Abbas GSH230, kuwaas oo ka mid ah 11kursi oo la sheegay in ay yihiin kuwii ku guulaystay kuraasta gedo.

Dhinaca kale,  Madaxweyne Farmaajo, ayaa sharci darro ku tilmaamay Doorashooyinka is barbar socda ee ka socda Gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia caawa fiidkii, wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku sheegay in doorashooyinka loo raacayo xeerkii ay labada golle ansixiyeen iyo habraacyadii, sidaa awgeed aannay gebi ahaan waafaqsanayn heshiiskii 17-ka September 2020, wuxuuna ugu baaqay guddida doorashooyinka in aan la baalmarin sharciga oo aannay xubnahani noqonayn Xildhibaano rasmi ah.

Laxidhiidha: Maamulka Gedo Ganafka Ku Dhuftay Go’aan Kasoo Baxay Guddida Doorashada Heer Federaal

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17-ka September 2020.”ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, isagoo ka hadlaya sida aannay sharci u ahayn xubanaha lagu soo doortay Ceelwaaq, waxa uu sheegay in aannay  ka qayb qaadan karin doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha, iyadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaadheen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka September, ama aannu soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.

Maadxweyne Farmaajo, ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg ah isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan Garbahaarey.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com