Maamulka Gedo Ganafka Ku Dhuftay Go’aan Kasoo Baxay Guddida Doorashada Heer Federaal

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Murran iyo khilaaf ayaa hadheeyay doorashada Soomaaliya ee kuraasta laga soo xulayo deegaamada, iyadoo qaar ka mid ah kuraasta la siiyay aqoonsiga deegaamada qaarkood uu ka jiro murran xooggan iyo cabashooyin.

Alt: Araweelo News
Guddida Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomalaiya, Image File, Araweelo News Network.

Deegaamada kuraastooda ka taagan tahay cabashada, ayaa qaarkood aan dheg loo dhigin dhawaaqyada cabashada, iyadoo ay jiraan dooddo odhanaya, “waxa dhacay musuq-maasuq” lagu sameeyay kuraasta qarkood oo dadkii lahaa la dhaafiyay, isla markaana lagu siiyay qaarkood shahaadada aqoonsiga dad aan xaq u lahayn.

Arrinta khilaafka soo baxayay tan iyo markii ay deegamada ka bilaabmeen xulusta kuraasta xildhibaanada, waxa jiray khilaafyo siyaasadaysan oo ay Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynuhu isku maan-dhaafeen marar baddan.

Sidoo kale, ra’iisal wasaare Rooble, ayaa dhowaan xubnaha kommishanka heer federal qaarkood ka caydhiyay shaqada, isagoo ku bedelay xubno kale, wuxuu sabab uga dhigay khiyaamooyin iyo musuq-maasuq ay sameeyeen xubnahaasi, balse waxa uu kala kulmay canbaarayn tallaabada uu qaaday mucaaradka.

Dhinaca kale, murranka ugu weyn ayaa ka jira kuraasta gobolka Gedo oo ay ku muransan yihiin xukuumadda Federaalka iyo Maamulka Kismaayo ee Axmed Madoobe, waxayna guddida heer Federaal ee doorashooyinku, iyagoo ka jawaabaya xaaladda ku dhwaaqeen Khamiistii in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarray ee gobolka Gedo loo wareejiyay magaalada Ceelwaaq oo ka tisran gobolka Gedo.

Qorshaha go’aankooda ayay sabab uga dhigeen in ay  garwaaqsadeen in aannay suuragal ahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaarray, sidaa awgeed ay  lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo.

“Guddidu waxaa uu go’aamiyay in doorashada garbahaaray laga bedelo, laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yidhi, qoraal ka soo baxay guddida heer Federaal ee doorashada Soomaaliya.

Guddida, ayaa sidoo kale, ku macneeyay sababta ay go’aankaa u qaateen, kaddib markii maamulka Garbahaaray ay diideen in xubno ka socda Guddida Doorashooyinka ee Heer Federaal ku tagaan booqasho halkaa, taas oo sida ay sheegeen qayb ka ahayd sidii  loogu kuur geli lahaa, isla markaana loo hubin lahaa xaaladda Amniga magaalada Garbahaaray.

Hase yeeshee guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed , ayaa sharcidaro ku tilmaamay go’aanka guddida doorashadu ku wareejiyeen kuraasta Gedo in lagu qabto doorashada meel kale.

Sidaa awgeed, wuxuu u sheegay BBC-da in aannay aqbalayn go’aanka guddida oo aan doorashada Gedo ee Garbahaaray meel kale lagu qabanayn oo ay doorashada qabsan doonaan

Axmed Buulle, wuxuu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin in doorashada ay Garbahaarray ka dhacdo, isla markaana ay ku jirtay qodobbada heshiiskii 17 September, cid hal qodob ka beddeli karta ma jirto, shalayna waan taagnayn haddana waan taagannahay,”ayuu yidhi.

Buulle Gareed ayaa ku eeddeeyay Guddida doorashada ee heer Federaal in aannay haysan kalsooni oo ay dhowr garab noqotay. “Waxaan ku xaqiijinayaa in haddii warqaddaas ay xaqiiq noqoto aan Garbahaarray ku dooran doonno xildhibaannadii dhinnaa oo ay doorashada Garbahaarray ka dhacayso,”ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com