Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy Oo Ka Digay istiraatijiyadda Millateri Ee Ruushka.

Araweelo News Network.

Mascow (ANN)-Dagaalo kulul ayaa weli ka socda gobolka Kharkiv ee waqooyi Bari Ukraine iyo dhammaan dhanka Koonfurta ee Ukraine.

Alt: Araweelo News Network
Warshadda Birta ee Azovstal ee Mariupol. Image File, Araweelo News Netwrok.

 Askarta Ukraine ayaa sii wada dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka ee ku sugan agagaarka magaalada Kharkiv, balse Talefishinka dowladda Ruushka ayaa aaggaasi ku tilmaamay guul ay ka gaadheen ciidaamadda Ruushku dagaalka kula jira Ukraine.

General Ruush ah ayaa sheegay in Moscow ay doonayso in ay qabsato dhammaan Koonfurta iyo Bariga Ukraine, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay sida uu shaaca ka qaaday qorshayaasha weji cusub oo duulaanka ah.

Masuuliyiinta Ruushka ayaa hore u sheegay toddobaadyadii lasoo dhaafay in ciidamaddooda ay hadda xoogga saari doonaan xorraynta gebi ahaanba deegaamada Donbas oo la isku yidhaahdo gobollada dhanka Barriga Ukraine ee Luhansk iyo Donetsk, iyadoo Madaxweyne Putin duulaanka ku tilmaamay in aannu ahayn hawlgal, sidiii hore ah, balse uu yahay dagaal meesha lagaga saarayo Ukraine, wuxuuna xilligaa qorshaha cusub ee dagaalka u magcaabay General Alexander Dvorknikov oo hoggaaminaya duulaanka uu Ruushku ku doonayo inuu kusoo afjaro dagaalka Ukraine.

Laxidhiidha: Maalinta Vladimir Putin U Asteeyay Guusha Dagaalka Ukraine

Dhinaca kale, Sawirada dayax gacmeedka ee Maraykanka ayaa u muujinaya xabaal wadareedyo kale oo ku yaala qabuuraha Bariga Mariupol, Sawirrada, ayaa la qaaday intii u dhaxaysay dabayaaqadii February  iyo badhtamihii April, waxayna muujinayaan godad cusub oo lagu xabaalay dad.

Ukraine ayaa ku eeddaysay Ruushka in uu isku dayay in uu qariyo caddaymaha dambiyada dagaalka intii uu socday weerarka magaalada Bariga ee Istiraatiijiga ah Mariupol, laakiin Ruushka ayaa beeniyay sheegashada Ukarine.

Sidoo kale, Ciidamada Azov Regiment ee dalka Ukraine ayaa soo saaray muuqaal muujinaya dad rayid ah oo gabaad ka dhiganaya dhufaysyada ka hooseeya warshadda birta ee Azovstal ee Mariupol. Laakiin ma jiraan caddaymo muujinaya goorta iyo goobta laga duubay muuqaalka.

Laxidhidiha: Waa Kuma Ninka Generalka Hoggaaminaya Duullanka Ukraine Ee Wax Ka Beddelay Dagaalka?

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in ciidamadiisu aannay xoog ku gelin warshadda horraantii toddobaadkan, balse Ukraine ayaa sheegtay in weerarrada aaggaas ay sii socdeen.

Dhinaca kale, Ukraine ayaa ka digtay in Ruushku uu qorshaynayo inuu weerraro dalal badan, isagoo doonaya inuu uu dagaalka balaadhiyo.

 Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dalka dariska la ah Ukraine ee Moldova uu ka walaacay istiraatijiyadda Millateri ee ugu dambeysay ee Ruushka. Kaddib qabsashadii Mariupol oo ah magaaladda Dekedda ah ee ku taal Badda Madaw oo ah mid Istiraatiiji ah.

Laxidhiidha: Dhacdooyinka Salka U Ah Dagaalka Ukraine ee sababay xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Transnistria oo ka go’day Moldova, isla markaana ah gobol ka go’ay Ruushka oo xuduud la leh Ukraine. jamhuuriyadda go’aday ee Transnistria oo iskeed ugu dhawaaqday jamhuuriyad kaddib markii ay ka go’aday Moldova ee ay ku dhawaaqday madaxbannaani 1990-kii, balse aannay aqoonsan qaramada Mioodbay, ayaa laga yaabaa inay door ku yeelato dagaalka.

Transnistria laga soo bilaabo sannadkii 2011, Jamhuuriyadda Artsakh iyo South Ossetia ayaa aqoonsan madax-bannaanideeda, dhammaantoodna waxay leeyihiin aqoonsi xaddidan, balse ma haystaan aqoonsi caalami ah iyo aqbalaada Qaramada Midoobay.

Ruushka ayaa xilligan gacanta ku haya gobollada Koonfur Bari ee Ukraine, waxaana lagu arkay midab buluug ah, taas oo muujinay in Ruushku isuku ballaadhiyay aagga, iyadoo Taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee militariga Ruushka uu sheegay in ciidamadoodu ay doonayaan inay u riixaan kuwa Ukraine dhanka galbeed, si ay isugu ballaadhiyaan aagga oo dhan.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com