Saadaasha Laga Bixiyay Hubka Casriga Ah Ee Ruushku U Qorsheeyay Dagaalka

Araweelo News Network.

Moscow (ANN)-Millateriga Ruushka, ayaa si weyn isugu diyarinaya duulaan kama danbays ah oo lagu qaado Ukraine, kaddib dagaalka lagu hoobtay oo galay maalintii 47aad.

Alt: Araweelo News
Putin iyo Biden, Image Araweelo News Network

 Ruushka, ayaa durba bilaabay hawgalo cusub oo dhinaca cirka ah, kuwaas oo diyaaradihiisu meelo kala duwan ku burburiyeen 24-kii saacadood ee u danbeeyay.

Gegida dayaaraddaha ee magaalada Dnipro ayaa lagu garaacay gantaalo, kuwaas oo lagu burburiyay, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen dhowr qof.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u magacaabay u magcaabay dagaalka ku waajahan Ukraine Generaal cusub oo hoggaamin doona ciidamadda Ruushka ee dalka Ukraine ku sugan, iyadoo tani ay ku soo beegantay kaddib markii Moscow oo si isdaba joog ah isugu dayday inay ku qabsato caasimadda Ukraine ee Kyiv aannay suurta gelin.

Laxidhiidha: Ukraine: Ruushka Oo Dheggaha Ka Furaystay Canbaaraynta Iyo Tallaabooyinka Reer Galbeedka

Madaxweyne Putin, ayaa dib uga saaray ciidamadda magaalooyin baddan oo dagaal qadhaadh uu ka socday toddobaadyo, taas oo mariiba lagu macneeyay in ay tahay is diyaarin iyo dib u habayn xeelad millateri, wuxuuna  qorshaha cusub ee dagaalka u magcaabay General Alexander Dvorknikov oo hoggaaminaya duulaanka uu Ruushku ku doonayo inuu kusoo afjaro Ukraine.

Abaabulka Ruushka ee dhanka Waqooyiga dalka Ukraine, ayaa lagu macneeyay mid khatartiisa leh, Ilaa iyo haatan, ciidamadda Ukraine ayaa si aan la filayn isaga caabiyay duullaanka Ruushka, waxayna u muuqatay iska waabin naf hurnimo ah, balse waxaa dhici karta in loogu awood sheegto duulaanka xilligan ee bariga dalkaas, maadaama ay xukuumadda Moscow ciidamo badan soo gelisay dagaalka.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in ciidamaddooda ay hadda xoogga saari doonaan xorraynta gebi ahaanba deegaamada Donbas oo la isku yidhaahdo gobollada dhanka Barriga Ukraine ee Luhansk iyo Donetsk, iyadoo Madaxweyne Putin duulaanka uu qorshaynayo ku tilmaamay in aannu ahayn hawlgal, sidiii hore ah, balse uu yahay dagaal meesha lagaga saarayo Ukraine.

Hase yeeshee khuburada arrimaha dagaalka, ayaa tilmaamaya in dhulkaas uu  yahay mid aannay si sahlan ku qabsan karin ciidamadda Ruushka, maadaama uu yahay dhul bannaan u badan oo ay adag tahay inay ku dagaallamaan ciidamadda duullaanka ah, halka kuwa Ukraine ay sii dhisteen difaacyo adag, laakiin hubka iyo saanada cusub ee Ruushka ayaa ah wax aan la dheelsan karin.

Dagaalka dhanka Slovyansk ayaa ah ka xilligan ugu muhiimsan, waxaana la saadaalinayaa in haddii ciidamadda Ruushka ee ka soo dhaqaaqay Izyum ay gacanta ku dhigaan magaalada Slovyansk ay taasi sabab u noqoto in ay si fududu ugu gudbi karaan dhanka magaalada bari ee Rubizhne si ay u hareereeyaan xooggaga halkaa ku sugan ee Ukraine.

Khuburada dagaalka iyo dhanka Istiraatiijiyada Millateri, ayaa sheegaya in haddii Mariupol gacanta u gasho Ruushka ay Moscow u sahlanaan doonta inay ciidan dheeraad ah u dirto deegaannada dhanka galbeedka ka xiga Donetsk.

Sidoo kale, haddii Ruushku sameeyo isku dayo uu ku sii riixayo Ukraine oo uu qabsado magaalada dekedda ah ee Odessa, oo ay horeba gacanta ugu gashay dekeddu, waxay noqon kartaa helitaanka taageerada saadka ee dhulka ka go’ay ee Transnistria.

Milllateriga Ruushku haaddii ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyaddooda dagaal si ay diiradda u saaraan bariga Donbas, iyo sidoo kale magaalada istiraatiijiga ah ee dekedda Odessa, waxa caddaanaysa jamhuuriyadda ka go’a ee u dhow ee Transnistria oo iskeed ugu dhawaaqday jamhuuriyad kaddib markii ay ka go’aday Moldova ee ay ku dhawaaqday madaxbannaani 1990-kii, isla markaana aannay aqoonsan qaramada Mioodbay, ayaa laga yaabaa inay door ku yeelato dagaalka.

Transnistria laga soo bilaabo sannadkii 2011, Jamhuuriyadda Artsakh iyo South Ossetia ayaa aqoonsan madax-bannaanideeda, dhammaantoodna waxay leeyihiin aqoonsi xaddidan, balse ma haystaan aqoonsi caalami ah iyo aqbalaada Qaramada Midoobay.

Waxaa jiray warar sii kordhaya oo sheegaya in ciidamada qalabka sida ee Ruushku ay maamulaan Odessa, laga yaabo inay u riixaan Transnistria, samaynta marin dhuleed oo ku yaal xeebta Badda Madow oo ay la xidhiidhaan in yar oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Ruushka. Inkasta oo dhacdadani aannay u badnayn sababo badan oo la taaban karo aawadood, dhiirigelinta Ruushka ee samaynta sidaas waxaa hogaamin doona tixgelin saadka.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Ruushka, ayaa la saadaalinayaa inuu adeegsan doono madaafiicda goobta iyo duqeymaha cirka si uu u jebiyo difaaca Ukraine, markaa kadibna uu diri doono ciidankiisa dhulka, taas oo ah qorshaha ugu fudud Ruushka si ay u jebiyaan difaacyada Ukraine.

Ruushka ayaa haysta madaafiic awood baddan oo uu u adeegsan karo furimaha cusub, waxaana ka mid ah, noocyada loo yaqaan, MSTA-S, BM-21 iyo TOS 1A iyo kuwo kale.

MSTA-S waa madfac lagu tilmaamo inuu u egyahay ka kaaraha, isla markaana khatar weyn ah, isla markaana si weyn u gaashaaman oo ku durdurin kara furimaha dagaalka guulna horseedi kara.

Sidoo kale, nooca BM-21 waa mid madaafiicda darandoori u rida, labaatankii ilbidhiqsi ay ka dhacaan 40 madfac. Waa hubka uu Ruushka ku burburiyay magaalooyinka Kharkiv, Mariupol iyo kuwo kale.

Nooca loo yaqaan, TOS 1A ayaa ah hubka ugu khatarta badan, waana mid sida duruuro holoc ah uga soo daata hawada, isagoo bartilmaameedsanaya goobta loo asteeyay.

Sidoo akle, A10, ayaa loogu talagalay taageerada hawada dhow ee ciidamadda dhulka, taas oo aad u gaashaaman, waxana si hoose ugu duulaysaa taangiyada iyo qaybaha madaafiicda., ayaa loo dhisay in ay weerarro kaga qaado cadawga.

Samuel Cranny-Evans, oo ka tirsan Royal United Services Institute, ayaa sheegay in hubkaas loogu talogalay dagaalka magaalooyinka, maadaama madaafiicdaas ay burburin karaan dhismayaasha dhulka hoostiisa ah.

Haddii Ruushka uu jebiyo difaacyada adag ee Ukraine, waxa uu markaas adeegsan karaa ciidamadiisa lugta iyo gawaadhida gaashaaman si uu isugu ballaadhiyo guud ahaan dalka Ukraine.

Marka laga hadlayo duullaanka uu qorshaynayo Ruushku oo cabsidiisa leh, isla markaana ay ka werwersan yihiin dalalka NATO, waxa isna dhankiisa ka hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Ukraine, Dmytro Kuleba, isagoo sheegay in dagaalka soo socda uu yahay mid dadka xusuusin doona waayihii dagaalkii labaad ee dunida”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ruushka uu kumanaan askari u diyaarinayo duulaanka kasoo cusboonaaday Bariga dalkaasi, xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka uu xaqiijiyay in aannay jiri doonin xabad joojin inta lagu guda jiro wadahadalada nabadda.

Dhinaca kale, hubka reer galbeedka ay siinayaan Ukraine, ayaa noqonaya mid dhanka difaaca oo keliya ah, sidaa awgeed waxa la saadaalinayaa in suuragal tahay in Moscow ay yeelato gacanta sare.

Magaalada Chernihiv oo dhanka Waqooyi 155 km, kaga beegan Caasimadda Kyiv, ayaa si weyn loo burburiyay, waxaana laga soo sheegayaa in laga helay xabaalo wadareedyo iyo maydad tira baddan, kaddib markii ay Ciidamadda Ruushka iskood uga baxeen halkaa maalmo ka hor, meel kaniisad ah oo saldhig u ahayd ciidamadda Ruushka ee haysatay magaaladda Chernihiv, waxay sheegtay xukuumadda Ukraine in koox baadhayaal ka tirsan dawladda ka helaan maydadka.

Sidoo kale, Saraakiisha Ukraine, ayaa sheegaya Magaalada Mariupol, lagu qiyaasay in tobanaan kun oo qof ay u badan tahay in lagu dilay, iyadoo dagaal ba’an uu ka socday magaaladaa 47 maalmood.

Waxa kale oo Ukraine sheegtay in Ilaa 50 qof oo meyd ah laga helay meel waddo ah oo qoyaastii shan mayl dhanka  galbeedka ka xiga caasimadda Kyiv,

Dhanka kale ka bixitaanka maalmo ka hor ee Ruushku ciidamaddiisa kala baxay deegaanada waqooyi ee Ukraine waxa ka dhashay dhimasho iyo burbur, waxayna  Saraakiisha Ukraine sheegayaan in meydad laga soo saaray xabaalo wadareedyo ku yaalla agagaarka caasimadda Kyiv, halkaasoo ilaa hadda laga helay 1,200 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com