Maxaa kasoo Baxay wadahadalka Putin Iyo Nehamme Kulamadii Jilbaha Laysdhigay?

>Farriinta Putin Ugu Quusgooyay ee faray Dublamaasiga Ka socday Xulufada Yurub

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Ra’iisal wasaaraha dalka Austria, Karl Nehammer oo noqonaya Ergaygii u danbeeyay dhowaanahan ee isku miidaamiya Moscow si uu Madaxweyne Putin ugala hadlo duullaanka cusub eek u waajahan Ukraine ayaa soo gabagabeeyay wadahadal adag ah oo uu Putin kula yeeshay Moscow saacadihii u danbeeyay.

Alt: Araweelo News
Vladimir Putin listens to a question at the end-of-year press conference in December 2017 / kremlin. Image file Araweelo News Network.

Karl Nehammer waa hoggaamiyihii ugu horeeyay ee ka socda reer Yurub oo booqda Moscow tan iyo markii ay bilaabantay colaada Ukraine, isagoo markii uu ka laabtay Moscow muujiyay in kulanka wadahadalka uu Moscow kula yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin uu ahaa mid aannay ka muuqan wax rajo ah oo la taaban karo.

Laxidhiidha: Ukraine: Duullaanka Kama Danbaysta Ah Ee Ruushka Oo Putin Ku Macneeyay Dagaal Rasmi Ah

Ra’iisal wasaaraha Austria, Karl Nehammer booqashadiisa Isniintii ee Moscow, ayaa ka dhigay inuu noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay Yurub ee booqda Moscow oo la kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ukraine 24-kii February.

Nehammer ayaa ugu yeedhay wadahadalada dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Putin oo uu kula kulmay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Novo-Ogaryovo ee Moscow, ay ahaayeen kuwo toos ah, isla markaana ahaa kuwo furan oo adag oo waqti qaatay.

Ra’iisal wasaaraha Austria ayaa carabka ku adkeeyay in safarkaasi aannu ahayn mid booqasho saaxiibtinimo, isaga oo intaa ku daray in uu lasoo qaaday arrimaha dambiyada dagaal ee ka dhacay Bucha iyo meelo kale, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dhammaan kuwa mas’uulka ka ah lala xisaabtami doono,” sidaa ayuu u sheegay  warbaahinta Austria.

Nehammer waxa uu sheegay in uu kasoo baxay wada-hadallada isaga oo aan lahayn wax rajo ah, iyadoo booqashadiisu Moscow ku beegantay, xilli millateriga Ruushka ay isku diyaarinayaan duulaan cusub oo ay ku qaadaan bariga Ukraine.

 “Dagaalkan waxaa lagu qaadi doonaa si xooggan,” ayuu yidhi, isagoo ugu baaqay dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada lagu dagaalamay inay ka baxsadaan dagaallada.

Ra’iisal wasaaraha Austria ayaa sidoo kale sheegay in uu Putin u sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto oo ay xataa kordhin doonto ilaa iyo inta Ukraine la dilayo.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Ugaadhsanaya Hablaha Uu Dhalay Madaxweyne Putin Iyo Shaqsiyaad Kale

Hase yeeshee, isagoo arkayay mawqifka adag ee Madaxweyne Putin iyo go’aankiisa, wuxuu sheegay Nehammer in ujeeddadiisu booqashadu ahayd mid ku waajahnayd si aad runta u sheego.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in madaxweynaha Ruushka loo sheego “runta” dagaalka, ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Austria Alexander Schallenberg oo warbaahinta la hadlay ka hor wadahadallada.

“Waxay samaynaysaa farqi in fool ka fool oo aad u sheegto waxa xaqiiqadu tahay: in madaxweynahani uu ku guul daraystay dagaalka damiir ahaan,” Schallenberg ayaa yidhi markii uu yimid wadahadal uu la yeeshay dhiggiisa EU ee Luxembourg horaantii Isniintii.

“Waa in ay dantiisa ku jirtaa in qof runta u sheega, waxaan u malaynayaa inay muhiim tahay, waxaana naftayada ku leenahay haddii aan rabno inaan badbaadino nolosha aadanaha.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Austria ayaa sidoo kale, sheegay in Nehammer uu la kulmayay Putin oo ka soo horjeeda kulankaa oo ka dhacay caasimadda Ruushka “farriimo cad cad oo bini’aadantinimo iyo mid siyaasadeed” ayaa lagu sheegay ayuu yidhi, Booqashadu waxa ay ujeeddadeedu tahay in la yareeyo “cadaabta bini’aadantinimada” gaar ahaan in la baryo “dariiqyada bini’aadantinimada,” ayuu yidhi Schallenberg.

Inkasta oo uu sheegay in aanu ahayn safar uu Midowga Yurub waajibiyay, balse ra’iisal wasaare Nehammer ayaa horay ugu wargeliyay hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee EU qorshihiisa safarka ku waajaahn Moscow, ayuu yidhi Schallenberg.

Nehammer, ayaa go’aansaday in uu safarkan sameeyo kaddib markii uu Sabtidii la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ee Kyiv, isagoo ka mid ahaa Nehammer tiro hoggaamiyayaal ah oo booqday Zelenskyy, kuwaas oo Caasimadda Ukraine ee Kyiv kula kulmay Sabtidii

Laxidhiidha: Ukraine: Ruushka Oo Dheggaha Ka Furaystay Canbaaraynta Iyo Tallaabooyinka Reer Galbeedka

Schallenberg ayaa yiri: “Ma dooneyno inaan ka tagno fursad kasta oo aan la isticmaalin, waana inaan ka faa’iideysanaa fursad kasta oo lagu soo afjaro cadaabta bini’aadanimo ee Ukraine.”

Schallenberg ayaa sheegay in Nehammer iyo Putin ay kulmi doonaan iyada oo aannay jirin fursad warbaahin ah

Booqashada Moscow ee ra’iisal wasaare Nehmmer,  waxaa soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, wuxuuna sheegay in Berlin taageerayso dadaal kasta oo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine, sidaana waxa warbaahinta u sheegay Isniintii Christiane Hoffmann, oo ah Afhayeenka dowladda Jarmalka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Interfax oo ka mid ah wakaaladdaha ugu waaweyn ee Ruushka oo soo xiganay Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegtay Isniintii, in Putin iyo Nehammer ay qorshaynayaan inay diiradda saaraan khilaafka marka ay kulmaan, laakiin sidoo kale waxaa laga yaabaa inay ka wada hadlaan arrimaha la xidhiidha bixinta gaaska ay dalalka Yurub ka iibsadaan Ruushka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com