Farmaajo iyo Rooble Oo Kaga Falceliyay Farriimo Kala Duwan Doorshada Guddoomiyaha

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomalaiya ee dawladda Federaalka, ayaa lagu kala guulaystay, waxaana ka hadlay guushaa Maadxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble oo farriimo kala duwan kaga falceliyay.

Alt: Araweelo News Network.
Guddoomiyaha loo doortay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Image Araweelo News Network, 27 April 2022.

Xildhibaan Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha gollaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, taas oo sababtay tartan adag, isla markaana ay si weyn ugu gedaanayd cabsi dhanka amaanka ah.

Laxidhiidha: Somalia: Khilaafka Shirqooladu Ku Ladhan Yihiin Ee Doorashada Oo Sababay Inay Isku Mudhuxsadaan Farmaajo Iyo Rooble

Teendhada Afasiyoone ee Magaalada Muqdisho oo amaankeeda si weyn loo ilaaliyay, ayaa lagu qabtay doorashada oo muddo saacado ah codbixnteedu socotay.

Loollan adag kaddib ayuu wareegii saddexaad kula tartamay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, balse waxay guushu raacday Shiikh Aadan Madoobe, isagoo helay 163 codadka Xildhibaannada,

Murrashaxa ay isugu soo hadheen wareegii saddexaad oo ahaa Xasan Cabdi Nuur ayaa helay 89 cod, sida ay ku dhowaaqeen Guddida Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka oo maamulayay doorashada.

Labada kursi ee Guddoomiye kuxigeennada ayaa dib loogu dhigay maalinta beri, taas oo sabab looga dhigay in dhawr saacadood ay qaadatay doorashada kursiga guddoomiyaha Baarlamaanka.

Laxidhiidha: Somalia: Doorashada Cabdi Xaashi Falcelinta Farmaajo Iyo Bud-dhiga Loollanka Siyaasada

Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq oo murran weyni ka taagnaa sharciyadooda, kaddb markii Madaxweyne Farmaajo dacwad ka gudbiyay, ayaan ka qaybgelin doorashada Guddoomiyaha la doortay ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo u muuqata in qoraalka Madaxweyne Farmaajo la meel mariyay, sidaana ay kaag baaqsadeen madasha doorashada.

 Guddoomiyaha loo doortay Baarlamaanka Aqalka hoose ee Soomaaliya, waxa durbadiiba hanbalyeeyay Madaxweyne Farmaajo, isagoo farriin uu bartiisa Twitter ku hanbalyeeyay guddoomiyaha cusub ku yidhi, “waxaan u rajaynayaa Guddoomiye Madoobe inuu ku guulaysto xilka uu u hayo Qaranka, maadaama uu u gudan doono xilka cusub ee lagu aaminay ee xubnaha Aqalka Hoose.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaare Rooble ayaa u hanbalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose, wuxuu u rajeeyay in uu xilkaa u guto si masuuliyad ah, wuxuuna ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo yidhi,“Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah oo qayb muhiima ka ah dhammaystirka geeddi-socodka doorashada dalka”

 Rooble oo boggiisa Facebook ku baahiyay qoraalka hanbalyada ah, ayuu ku dardaaray guddoomiye Sh Aadan Madoobe in masuuliyada ugu weyn ee laga sugayaa tahay qabashada doorashada Madaxweyneha ee dalka oo si daah-furan oo deg deg ah oo nabdoon u maareeyaan mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay, ayuu qoraalka ku yidhi, Rooble.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com